الحجر
Al-Hijr
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhXarfaha hore waa la soo sheegay Macnahooda, Kuwana waa Aayadaha Kitaabka iyo Quraanka cad.
- Mahmud Muhammad AbduhWax badanbay tamanin (Jeclaan) kuwii Gaaloobay (Aakhiro) inay Muslimiin ahaadaan (adduunkii).
- Mahmud Muhammad Abduhka tag ha cuneen hana raaxasyteene Hana Shuqliso yididiilo way ogaan doonaane,
- Mahmud Muhammad AbduhMagaalo la halaago oo kasta waxaa u sugnaaday Wakhti la yaqaanno.
- Mahmud Muhammad AbduhKamana hor marto umadi Ajasheeda (wakhtigeeda) Kamana dib marto.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhaheen kan Quraanka lagu soo dejiyayow Adugu waad waalantahay.
- Mahmud Muhammad AbduhMaad malaa'ig noo keentid haddaad run Sheegi.
- Mahmud Muhammad AbduhUmana soo Dehinno Malaa'igta xaq mooyee lamana sugeen Gaalada (markaas).
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa soo dejinnay Quraanka annagaana Dhawri.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaan u dirray hortaa (rasuullo) Ummadihii hore.
- Mahmud Muhammad AbduhRasuul kasta oo u yimaaddana waxay ahaayeen kuwo ku jeesjeesa.
- Mahmud Muhammad Abduhsaasaana u galinaa (Gaalnimada) quluubta dambiilayaasha.
- Mahmud Muhammad Abduhmana rumeeyaan Quraanka waxaana tegay (hor maray) sumaddii «Jidkii» kuwii horreeyey.
- Mahmud Muhammad Abduhhaddaan uga furro korkooda irrid samada ooy ahaadaan kuwo kora
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay odhan lahaayeen waxaan uun la awday (La tiray) aragyadannadii, waxaabanse nahay qoom la sixray.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaan yeellay samada buruuj (Meelo) waxaan u qurxinnay kuwa dayi (eegi).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ka dhawray shaydaan la tuuray «fogeeyey» dhammaantiis.
- Mahmud Muhammad Abduhmid dafa maqalka oo danab cad raaco mooyee.
- Mahmud Muhammad Abduhdhulkana waan fidinay waxaana ku ridnay «sugnay» dhexdeeda Buuro, waxaana ka soo bixinay wax kasta oo Miisaaman.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana idiinka yeellay dhexdiisa nolol iyo waxaydaan arzaaqi karin.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaan agtanada khasnadihiisu «kaydkiisu» ahayn ma jiro, umana soo dejinno qaddar la ogyahay mooyee.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda).
- Mahmud Muhammad Abduhannagaa wax looleeyna waxna dilla, anagaana wax dhaxalla uun (u hadha).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ognahay kuwiinna hor maray waxaana ognahay kuwiina dib maray.
- Mahmud Muhammad AbduhEebahaana isagaa soo kulmin dadka waana falsame oge ah.
- Mahmud Muhammad Abduhannagaana ka abuuray dadka dhoobo doorsoon.
- Mahmud Muhammad AbduhJaankana (Jinniga) waxaan ka abuuray mar hore Naar samuum leh (Kulayl).
- Mahmud Muhammad AbduhXusuuso markuu ku yidhi Eebahaa malaa'igta Anugu waxaan ka abuuri Dad dhoobo doorsoon.
- Mahmud Muhammad AbduhEe markaan ekeeyo kuna afuufo dhexdiisa Ruuxdayda ugu dhaca Sujuud.
- Mahmud Muhammad Abduhwayna Sujuudeen malaa'igtii dhammaan oo Kulansan.
- Mahmud Muhammad AbduhIbliis oo diiday inuu ka mid noqdo kuwa Sujuuday mooyee.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi (Eebe) Ibliisow maxaad leedahay oodan u noqonin kuwa Sujuuda.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi ma ihi Mid u sujuudi dad aad ka Abuurtay Dhoobo doorsoon.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Eebe ka bax xageeda adigu waa lagu fogeeyaye.
- Mahmud Muhammad AbduhKorkaagana waxaa ah Lacnad tan iyo Maalinta Abaal marinta (Qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Eebow i sug tan iyo maalinta La soo bixin dadka.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Eebe Adugu kuwa la sugi Yaad ka mid tahay.
- Mahmud Muhammad AbduhTan iyo maalinta Wakhtiga la yaqaan leh.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Ibliis Eebow i baadiyayntaada Darteed waxaan u Qurxin dhulka Dhexdiisa waana Dhumin dhammaan.
- Mahmud Muhammad AbduhAddoomadaada cibaadada kuu kali Yeelay mooyee (lana doortay).
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu yidhi kaasi waa Jid igu toosan (oo layska abaal marin).
- Mahmud Muhammad AbduhAddoomadayda (toosan) Kuma lihid xujo Cid Ku raacday oo kuwa Baadida ah ka mida Mooyee.
- Mahmud Muhammad AbduhJahanamaana yaboohoodu yahay (inta dhunta) Dhammaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna leedahay todoba irridood oo irrid Kastana waxay leedahay Qaddar loo qaybiyay (oo Ibliis iyo Colkiisa ah).
- Mahmud Muhammad Abduhkuwa Eebe ka dhawrsadana waxay gali Janooyin iyo Ilo (durduri).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana la dhahaa ku gala Nabad galyo iyo Aaminimo.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ka siibnaa waxa laabtooda ku jira oo xiqdi ah, waana walaalo sariira isqaabilsan ku sugan.
- Mahmud Muhammad Abduhkumana taabto jannada dhesdeeda dhib xageedana lagama Bixiyo.
- Mahmud Muhammad AbduhU warran addomadayda inaan anugu Dambi dhaafe Naxariista ahay,
- Mahmud Muhammad Abduhiyo in Cadaabkaygu uu yahay Cadaabka daran uun.
- Mahmud Muhammad AbduhUgana waran dadka Martidii (Malaa'ig) Nabi Ibraahim.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkay u soo galeen kuna Dhaheen salaan Kuna yidhi waanu idinka cabsan.
- Mahmud Muhammad Abduhooy Dhaheena ha cabsan Waxaanu kuugu Bishaarayn Wiil cilmi yeelane.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ku yidhi Ma waxaad ii bishaaraynaysaan Anoo odaynimo Itaabatay, Maxaad iigu Bishaaraynaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen waxaanu Kuugu Bishaarayn Xaq ee ha noqonin Mid quusta.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi yaa ka Quusta Naxariista Eebihiis kuwa Baadida ah mooyee.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi Xaalkiinnu muxuu yahay Kuwan la Soo dirayaw.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen waxaa naloo Diray Qoom Danbiilayaal ah xagood.
- Mahmud Muhammad AbduhEhelka (nabi) Luudh mooyee oo Waanu korin Dhammaantood.
- Mahmud Muhammad AbduhHaweenaydiisa mooyee oo noqon Kuwa ku Hadhi (Halaagga).
- Mahmud Muhammad AbduhMarkay u yimaadeen Ehelki nabi Luudh kuwii La soo diray.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi Idinku waxaad Tihiin Qoom aan la Garanaynin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen saas ma aha ee Waxaannu kuula Nimid waxay Shakisanaayeen (Halaagoodii).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana kuula nimid Xaq, runna waan sheegaynaa.
- Mahmud Muhammad AbduhEe guuri Ehelkaaga qayb Habeenka ka mida Socona Gadaashooda yayna soo Milicsan Ruux ka Mida (Dib) kuna socda meeja Laydin Faray.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u waxayoonay Amarkaas ah in Cidhibta Kuwaas la goyn Subaxdii.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana yimid dadkii Baladka oo bishaaraysan (aragga martida).
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi kuwan waa Martidaydii ee Ha igu ceebaynina.
- Mahmud Muhammad Abduhkana dhawrsada Eebe hana i dullaynina.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen Miyaanaan kaa Reebin Caalamka (imaad marti galido cidna).
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi Kuwaasi waa gabdhahaygii Iladaad wax Falaysaan (ood guursanaysaan).
- Mahmud Muhammad AbduhCimrigaagee iyagu Baadibay ku Wareersan Yihiin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana qabatay Qayladii qorrax soo baxa.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka yeellay korkoodii hoostooda Waxaana ku soo daadinnay Korkooda Dhagaxyo Naar ah.
- Mahmud Muhammad AbduhArrintaasna calaamooyin baa ugu sugan Kuwa Fiirfiiriya (Fikira).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna kutaal Magaaladaas waddo toosan (oy maraan oo cad).
- Mahmud Muhammad AbduhArrintaasna calaamad yaa ugu sugan kuwa Xaqa rumeeyay.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ahaayeen Qoomkii kaynta Daalimiin (Qoomkii Nabi Shucayb).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana ka aarsanay, waxayna labaduba degenaayeen Waddo cad (oo la yaqaanno).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna beeniyeen Qoomkii Xijrina kuwii Loo soo diray (Saalax).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana siinay Aayaadkanagii waxayna ahaayeen Kuwa xageeda ka jeedsada.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ahaayeen kuwo ka qota Buuraha Guryo aamina.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana qabatay Qaylo Aroortii.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxna uma tarin waxay Kasbanayeen.
- Mahmud Muhammad AbduhSamooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeyana waxaan Xaq ahayn umaanan abuurin Saacaduna way iman ee iska saamax saamixid quruxsan.
- Mahmud Muhammad AbduhEebahaabaa ah abuuraha cilmiga lehe.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaan ku siinay Todobo soo noqnoqota «faataxada» iyo Quraanka wayn.
- Mahmud Muhammad Abduhee ha u taagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay qaybo ka mida. hana u murugoon una raarici (Jilei) garabkaaga (macaamiladooda) Mu'miniinta.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaadna dhahdaa anugu waxaan uun ahay u dige cad.
- Mahmud Muhammad Abduhsidaan ugu soo dejinay Cadaab kuwii isu dhaarsaday (Dhibka xaqa).
- Mahmud Muhammad Abduhee kayeelay Quraanka Qaybo.
- Mahmud Muhammad AbduhEebahaa baan ku dhaartaye waan warsanaynaa dhammaantood.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay falayeen.
- Mahmud Muhammad Abduhee Muuji waxa lagu fari iskagana jeedso Mushrikiinta.
- Mahmud Muhammad Abduhanagaa kaa kaafiyeyna kuwa jeesjeesa.
- Mahmud Muhammad Abduhee yeela Eebe Miciisa Ilaah kale wayna ogaan doonaan (waxa ku dhaca).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ognahay Laabtaadu inay ka cidhiidhyami waxay sheegi (oo xun).
- Mahmud Muhammad Abduhee ku Tasbiixso mahadda Eebahaa ahawna kuwa Sujuuda.
- Mahmud Muhammad AbduhCaabudna Eebahaa intay Yaqiintu kaaga timaaddo (Geeridu).