الإسراء
Al-Isra
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad Abduhwaxa Nasahan (Ceeb ka fog) Eebaha ka guuriyey Addoonkiisa (Nabiga) Habeen masaajidka Xurmada leh (Maka) xagga Masjidkii Aqsa een barakaynay Gaararkiisa inaan Tusinno Nabiga Aayaadkanaga Eebana waa maqle arka.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana siinay Nabi Muuse kitaabkii (Tawreed) waxaana uga yeellay hanuun BaniiIsraa'iil inaydaan ka yeelanin wax iga soo hadhay Wakiil.
- Mahmud Muhammad Abduhfaricii kuwaan la xambaarnay Nabi Nuux, wuxuuna ahaa Addoon (Eebe) ee Shugri badan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku (Ogaysiinnay) ugu Waxyoonay Banii Isra'iil Kitaabka (Tawreed) inaad fasaadinaysaan Dhulka Labo Jeer, isna kibrinaysaan iskibrin Wayn.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu yimaaddo Yabooha (Watiga) midda hore waxaan idinku soo Bixinaa «Dirraa» Addoomadanada oo Xoog daran leh, dhexgalina (Hanan) Gurya dhexdooda waana Yabooh la fali.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan idinku soo Celinaa Dawladnimada, idinkuna Xoogaynaa Xoolo iyo Caruur idinkana yeellaa kuwa Tiro badan.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaad Samo Fashaan waxaad u samo fasheen Naftiinna, haddaad Xumaan fashaanna waa uun Naftiinna, markuu Yimaaddo Yabooha Dambana way Xumeeyaan Wajigiinna iyo inay Galaan Masaajidka (Baytul Maqdis) siday u galeen markii hore iyo inay Damiraan «Tirtiaan» waxay u Adkaadaan Tirtirid.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay u dhawdahay in Eebihiin idiin Naxariisto, haddaad ku Noqotaanna waannu ku noqon, waxaana uga yeelnay Jahannamo Gaalada Gogol.
- Mahmud Muhammad AbduhQuraankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajir wayn.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwaan Rumeynin Aakhirana waxaan y Darabnay Cadaab Daran.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu u Yeedhaa (Baryaa) Dadku Shar siduu ugu Yeedho «Baryo» Khayrka, Dadkuna waa Deg dege.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ka Yeellay Habeenka iyo Maalinta Labo Calaamo, waxaana Tirraa Calaamada Habeenka, waxaana ka Yeellaa Calaamada Maalinta mid wax Tusisa (Arag) inaad doontaan Fadliga Eebihiin iyo inaad ku ogaataan Tirada Sanooyinka iyo Xisaabta, wax kastana waxaannu u Caddeynay Caddayn (aada).
- Mahmud Muhammad AbduhRuux kasta waxaan Laasiminay Camalkiisa (loo Qaddaray) Luquntiisa, waxaana u soo bixinnaa Maalinta Qiyaame Kitaab uu la kulmi Isagoo fidsan.
- Mahmud Muhammad AbduhLaguna Dhihi akhri Kitaabkaaga isagaa kuugu Filan Maanta Korkaaga Xisaabe.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxii Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa kii Dhumana wuxuu uun u Dhumay Naftiisa, mana xambaarto Nafi Dambi Naf kale, mana Cadaabno intaan uga soo Dirro Rasuul.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaan doono inaan Halaagno Qaryad waxaan farraa kuweeda loo Nicmeeyey «Khayr» markaasay ka Faasiqoobaan waxaana ku sugnaada Ciqaab waana Tirtirraa Tirtirid (Halaag).
- Mahmud Muhammad AbduhImisaau Halaagnay Quruun (Nabi) Nuux ka dib Eebahaabaana ugu filan Dambiyada Addoomadiisa Ogaade Arka.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxi dooni Adduunyo waan ugu soo dedejinaa dhexdeeda waxaan Doonno Ciddaan doonno, markaasaan kayeellaa Jahannamo mid gala isagoo Caayan oo Dullaysan.
- Mahmud Muhammad AbduhCiddiise Doonta Aakhiro oo u fala camalkeedii isagoo Mu'mina kuwaas Camalkoodu wuxuu Noqon mid la Mahdiyo.
- Mahmud Muhammad AbduhDhammaan waxbaan uga Fidinaa kuwaas (Doona Adduun) iyo kuwaas (Doona aakhiro) siismada Eebahaa, mana aha siismada Eebahaa mid Reeban.
- Mahmud Muhammad AbduhDay sidaan uga Fadilnay qaarkood qaarka (Kale) (Addunka) Aakharaase wayn darajooyin oo wayn Fadilid.
- Mahmud Muhammad AbduhIla Yeelin Eebe Miciisa Ilaah kale ood noqotid mid Caayan oo la Khasaariyo.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Faray Eebahaa inaydaan Caabudin isaga mooyee iyo inaad u samo fashaan Labadii Waalid Samo falid, hadduu ku gaadho Agtaada wayni midkood ama Labaduba ha ku Dhihin uf, hana Canaanan una dheh hadal Fiican.
- Mahmud Muhammad AbduhUna Raarici (Jilci) Garab Naxariiseed (u Naxariiso) dhehna Eebow ugu Naxariiso siday ii Koriyeen anoo Yar.
- Mahmud Muhammad AbduhEebihiin wuu ogyahay waxa Natiinna ku Sugan, haddaad Suubantihiin isagu kuwa Toobad keenka badan wuu u Dhaafaa «Dambiga».
- Mahmud Muhammad AbduhSii qaraabada xaqeeda iyo Miskiinka iyo socdaalka hana ku xadgudbin bixin Xadgudub (iyo si xun).
- Mahmud Muhammad Abduhilleen kuwa ku xadgudba waa walaalo Shaydaane, shaydaanna Eebihiis wuu ka gaaloobay.
- Mahmud Muhammad Abduhhaddaad ka jeedsato xaggooda (wax la'aan) adoo rajayn Naxariista Eebhaa ood rajayn waxaad ku dhahdaa hadal fudud (fiican).
- Mahmud Muhammad Abduhha ka yeelin gacantaada mid ku xidhan Luquntaada hana wada fidin dhammaan ood noqoto mid la dagaalo oo tabar gaba.
- Mahmud Muhammad AbduhEebahaa wuu u fidiya Risqiga cidduu doono wuuna u qaddaraa «cidhiidhyaa» (cidduu doono) illeen Eebe Addoomadiisa waa oge arkee.
- Mahmud Muhammad Abduhha Dilina Caruurtiinna ka Cabsi Faqri (Saboolnimo) anagaa Arsaaqayna iyaga iyo idinkaba Dilkooduna waa Gaf wayn.
- Mahmud Muhammad AbduhHa u dhawaanina sino Illeen waa xumaane Waddana u xune.
- Mahmud Muhammad AbduhHana dilina Nafta Eebe xarrimay Xaq Mooyee, Ruuxii lagu dilo Gardarro waxaan u yeellay waligiisa Xujo ee yuusan ku xad gudbin Dilka waa loo Gargaaraye.
- Mahmud Muhammad AbduhHana u dhawaanina Xoolaha agoonta sida U fiican mooyee intay ka gaadhaan xooggooda, Oofiyana ballanka illeen Ballanka waa lays warsane.
- Mahmud Muhammad AbduhOofiyana kaylka «beegidda» markaad beehaysaan kuna miisama Miisaan toosan (caadila) Saasaa khayr roon oo Fiican cidhibe.
- Mahmud Muhammad Abduhhana dhihin (Raacraacin) Waxaadan u Cilmi lahayn, Illeen Maqalka, Araga iyo Qalbigaba waa lays warsane.
- Mahmud Muhammad AbduhHana u soconin Dhulka kibir Illeen ma Jeexi Kartid Dhulka kumana gaadhaysid Buuraha dherare.
- Mahmud Muhammad AbduhDhammaan waxaasna Xumaantiisu Eebahaa Agtiisa waa lagu Neceb yahay.
- Mahmud Muhammad AbduhArrintaasu waa waxa Eebahaa kuu waxyooday oo xigmada, hana yeelin Eebe la jirkiisa Ilaah kale oo lagugu tuuro Jahannamo adoo lagu dagaalay oo lagu fogeeyey.
- Mahmud Muhammad Abduhma wuxuu idiin doortay Eebihiin Wiilal oos ka yeeshay Malaa'igta gabdho idinku waxaad ku hadlaysaan hadal wayn.
- Mahmud Muhammad Abduhdhab ahaan waan ku Caddaynay (gagadinay) quraankan (wax badan) inay waantoobaan umase kordhin waxaan carar ahayn.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa hadduu la jiro Eebe Ilaah kale siday sheegi waxay ka dooni lahaayeen Eebaha Carshiga leh jid (Cibaado ama la mid noqosho).
- Mahmud Muhammad AbduhEebaa ka Nasahan Kana Sarreeya waxay sheegi sarrayn wayn.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa u tasbiixsada (Qaddariya) Eebe Samooyinka todobada ah iyo Dhulka iyo waxa u dhexecya, waxaan Eebe u Tasbiixsanayn ama ku mah- dinayna ma jiro, waydaanse garanayn tasbiixdooda, Eebana waa dulsame dambi dhaafa.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkaad Akhriyi Quraanka waxaan yeellaa dhexdaada iyo dhexda kuwaan rumeynin Aakhiro xijaab (dayr) asturan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana yeellay Quluubtooda dabool inay kasaan Quraanka dhagohoodana culays, markaad ku xusto Eebhaana Quraanka kaligis waxay u jeedsadaan Gadaal iyagoo carari.
- Mahmud Muhammad Abduhanagaa og waxay dhagaysan markay ku dhagaysan adiga iyagoo faqi markay dhihi Daalimiintu Waxaan Nin sixran ahayn ma raacaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhDay siday kuugu yeelaan tusaalayaal oy U dhumeen oyna u karin jidka Hanuunka.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhaheen (gaaladii) ma markaan noqonno lafo iyo burbur yaa nalagu soo celin Abuur cusub.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa noqda dhagax ama bir.
- Mahmud Muhammad Abduhama khalqi (Abuur) ku wayn laabtiinna, waxayna dhihi yaa na soo eelin ku dheh Eebihiin idin abuuray markii hore, waxayna kuu gilgili madaxooda iyagoo leh waa goorma isagu, waxaad dhahdaa waxaa suurowda inay dhawdahay.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana maalintuu idiin yeedhi Eebe ood maqlaysaan isagoo mudan Mahad una malaynysaan inaydaan nagaanin wax yar mooyee.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad ku dhahdaa Addoomadayda ha dheheen sida u fiican, Shaydaanku wuu fasaadin dhexdiinnee, Shaydaanna Dadka col cadbuu u yahay.
- Mahmud Muhammad AbduhEebihiinna idin og (waxaad tihiin) hadduu doono wuu idiin Naxariisan, hadduu doonana wuu idin Cadaabi, kuugumana aanaan dirin inaad wakiil (Ilaaliye u Noqoto).
- Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waa ogyahay waxa ku sugan Samooyinka iyo Dhulkam, dhab ahaan baana ugu fadilnay Nabiyada Qaarkood qaarka (kale) waxaana Siinay Nabi Daawuud Zabuur.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa u yeedha kuwaad sheeegateen oo Eebe ka soo hadhay ma hantaan inay idinka faydaan dhib ama idinka wareejiyaan.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwaas ay caabudina iyagaaba ka dooni xagga Eebe u dhawaansho iyo kusii dhawaansho waxayna Rajayn Naxariistiisa, wayna ka cabsan cadaabkiisa, cadaabka Eebana waa wax laga digtoonaado.
- Mahmud Muhammad AbduhQaryo (Magaalo) Aanaan halaagayn ma jirto ka hor Qiyaamada ama aan la cadaabayn (Ciqaabayn) cadaab daran waana arrin ku qoran Kitaabka (Looxul Maxfuudka).
- Mahmud Muhammad AbduhUmana aanaan daynin soo diridda Aayado (Mucjiso) inay beeniyeen kuwii hore mooyee, waxaana siinnay Thamuud Hashii oo wax tusisa wayna ku dulmi faleen (ka gaaloobeen) Aayadaha waxaan Cabsi galin ahayn uma soo dirro (Dejinno).
- Mahmud Muhammad Abduh(Xusuuso) markaan kugo nidhi Eebahaa wuxuu koobaa Dadka, kamana aanaan yeelin Riyadaan ku tusinay fidmada Dadka mooyee (Imtixaan) iyo Geedka lagu lacnaday Quraanka, waanu ku cabsiin umana siyaadiyo waxaan xadgudub wayn ahayn.
- Mahmud Muhammad Abduh(Xusuuso) markaan ku nidhi Malaa'igta u Sujuuda Aadan oy Sujuudeen Ibliis moyee, oo yidhi ma waxaan u sujuudi waxaad Abuurtay isagoo dhooba ah,
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi ka warran kan aad iga sharriftay, haddaad dib ii dhigto tan iyo Qiyaamada waxaan ka adkaan (Dhumin) Faraciisa wax yar mooyee.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku yidhi: Tag ciddii ku raacda oo ka midana Jahannamaa Jashiisu yahay abaal marin dhamaystiiran.
- Mahmud Muhammad Abduhku duufso ciddaad karto oo ka mida codkaaga kuna soo Jiido fardahaaga iyo lugtaada lana wadaag xoolaha iyo Carruurta una yabooh, mana yabooho shaydaan waxaan dhagar ahayn (iyo Baadi).
- Mahmud Muhammad AbduhAddoomadayda kuma lihid xujo, Eebahooda waa ku filan yahay wakiil (Ilaaliye).
- Mahmud Muhammad AbduhEebihiin waa kan idinku wada doonta (Markabka) badda dhexdeeda inaad doonataan Fadligiisa (Risqi) Eebana waa idiin Naxariiste.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkuu idinku taabto badda dhibna wuu dhumaa waxaad baryeyseen Eebe mooyee, markuu idiin soo koriyo Barrigana waad jeedsatan Dadkuna waa Gaalnimo badane.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyaad ka Aamin Noqoteen in Eebe idinla Gooyo dhinac Dhulka ka mida, ama idinku soo diro Dabayl daran markaas aydaan helin Wakiil.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyaadse ka Aamin Noqoteen inuu idinku eeliyo (Badda) mar kale oos idinku diro Dabayl (wax jajabisa) oos idin Maansheeyo gaalnimadiinna darteed, markaas aydaan u helin wax noo raacda.
- Mahmud Muhammad Abduhdhabbaanu u sharrifnay Binii Aadamka waxaana ku xambaarray Barriga iyo Baddaba waxaana ku arsaaqnay wanaag, waxaana ka fadilnay wax badan oo ka mida waxaan Abuurray fadilaad.
- Mahmud Muhammad Abduh(xusuuso) Maalintaan cid walba ugu yeedhayno Imaamkeeda «Quraanka ama Nabiga» ciddiise laga siiyo Kitaabkiisa Midigta kuwaasi way akhrin Kitaabkooda lagamana dulmiyo xuub laf timireed.
- Mahmud Muhammad Abduhcidiise Addunka ku indho la' (xaqa diida) aakharana wuu indho la'aan oo ka dhumi Jidka.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay u dhawaadeen Gaaladii inay kaa Fidmeeyaan waxaan kuu waxyoonay inaad Nagu been abuuratid wax kale, Markaas ay kaa Yeeshaan Saaxiib.
- Mahmud Muhammad AbduhHadaanan ku sugin waxaad u dhawaan lahayd inaad u iilato xagooda wax yar.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan ku dhadhansiin lahayn (Cadaab) Labanlaaban nolosha Adduun iyo Mid labanlaaban Geerida manahesheen gargaare.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna u dhawaadeen inay kaa argagixiyaan Dhulka inay kaa bixiyaan Markaas oyna nagaadeen Gadaashaada wax yar Mooyee.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana sunnada Rasuuladaan dirray Hortaa, una heli maysid Sunnadannada Wax dooriya (Leexin).
- Mahmud Muhammad AbduhOog salaadda markay Qorraxdu suusho Ilaa madawga Habeenka iyo Quraanka (Salaada) waabariga (subaxa) Quraanka waabariguna waa mid la Joogee (Malaa'igta).
- Mahmud Muhammad AbduhHabeenkana Tahajud (Qaar tuka) isagoo Dheeraad kuu ah, Waxay u dhawdahay In Eebahaa kuu soo bixiyo maqaan la Mahadiyo (Shafeecada).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa Eebow i gali Meel galid run ah, ina bixi bixin runa, iigana Yeel agtaada Xujo gargaara.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa waxaa yimid Xaqii Waxaana tirtirmay Baadhilkii, Baadhilkiina wuxuu noqday mid la tirtiro.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana soo dajinaynaa Quraanka Isagoo caafimaad iyo Naxariis u ah Mu'miniinta, Daalimiintana uma siyaadiyo Waxaan Khasare ahayn.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaan u nicmaynno dadka wuu Jeedsadaa (xaqa ka fogaadaa) Haduu taabto dhibna wuu quustaa.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa cid kasta ha ku camal fasho jidkkeda (Diinteeda) Eebihiinbaa og Cidda jidkeedu hanuun badan yahaye.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku warsan Ruuxda, dheh ruuxdu waa Amarka Eebahay Cilmina wax yarbaa la idin siiyay.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaan doonno waanu la tagi kaan kuu Waxyoonay (Quraanka) Markaasna uma helaysid Korkannaga wakiil (gargaare).
- Mahmud Muhammad AbduhNaxariista Eebahaa Mooyee illeen fadligiisu Korkaaga waa ku wayn yahaye.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa hadday u kulmaan Insi iyo Jinni inay la yimaadaan Quraankan oo Kale lama imaan karaan wax lamida Qaarkood qaar haba caawiyee.
- Mahmud Muhammad AbduhDhabaan ugu Cadaynay dadka Quraanka Tusaale kasta dadka badankiise wuu diiday Gaalnimo mooyee.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen Gaaladii (Makaad) ku rumayn mayno intaad nooga jeexdo Dhulka Ilo (Burqan).
- Mahmud Muhammad Abduhama kuu ahaan Beer Timir iyo Cinaba ood ku sii dayso dhexdeeda Wabiyo socda.
- Mahmud Muhammad Abduhama nagaga soo riddid Samada saad sheegatay, Goosimo iyadoo ah, ama u keentid Eebe iyo Malaa'igta si caddaana.
- Mahmud Muhammad Abduhama ku ahaado Guri dahaba ama ka kortid samada, kuna rumayn mayno koriddaada intaad noogaga soo dejisid kitaab aan Akhrino, waxaad dhahdaa Eebahaybaa nasahane ma waxaan bashar (Dad) Rasuula ahayn baan ahay.
- Mahmud Muhammad AbduhDadka uma diidin inay Rumeeyaan markuu xaqu u yimid oon ahayn inay dhahaan ma wuxuu soo bixiyaa Eebe Bashar (Dad) ah Rasuullo.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhadaa hadday Dhulka yihiin Malaa'ig ku xasilloon (Degan) waxaan uga soo Dejin lahayn Samada Malag Rasuula.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa Eebaa ugu filan Marag dhedeenna, isaguna waa ogaha arka Addoomadiisa.
- Mahmud Muhammad AbduhCidduu Eebe Hanuuniyo umbaa hanuunsan, cidduu Dhumiyana uma helaysid ugargaare Eebe ka soo hadhay, waxaana ku soo kulminaynaa Qiyaamada Wajigooda iyagoo Indho la' oo hadal la' oo Dhaga la', Hooygooduna waa Jahannamo, markastooy Dantana waxaan u siyaadinaa Shidi (Hurin).
- Mahmud Muhammad Abduhtaasina waa Abaalkooda ah inay ka gaaloobeen Aayaadkanaga, oy dheheen markaan lafo noqonno iyo burbur miyaa nala soo bixin Abuur Cusub.
- Mahmud Muhammad Abduhmiyeyna ogayn Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka inuu karo inuu Abuuro wax la mida una yeelo muddo aan shaki lahayn, wayse diideen Daalimiintii Gaalimo mooyee (wax kale).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhadaa idinku haddaad hanataan khasnadaha Naxariista Eebahay waad xajisan lahaydeen ka cabsi faqri, Dadku waa Bakhayl.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaan dhab u siinay (Nabi) Muuse sagaal Aayadood (Mucjiso) oo cad cad ee warso Binii Israa'iil markuu u yimid oo ku yidhi Fircoon waxaan kuu malayn Muusow mid la sixray.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi (Nabi Muuse) waad ogtahay inuusan soo dejinin kuwaan waxaan Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ahayn iyagoo xujooyin ah, anna waxaan kuu malayn Fircoonow mid la halaagi.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkaasuu doonay fircoon inuu ka kaxeeyo Dhulka markaasaan Maansheynay isagii iyo intii la jirtay dhammaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ku nidhi gadaashiis Banii Isra'iil dambane waanu idin keeni dhamaan.
- Mahmud Muhammad Abduhxaqbaana ku soo dejinay Quraanka xaqbuuna ku soo degay, waxaana ku dirray adoo Bishaareeye u diga ah,.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana Quraan oon u kala bixinnay (soo dejintiisa) inaad ku akhrido dadka kaadsiinyo, waana soo dejinay soo dejin Qaar Qaar ah.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa rumeeya Quraanka ama ha rumeynina kuwa la siiyey cilmiga (kuwa fiican) marka lagu akhriyo korkooda waxay u dhacaan wajiga iyagoo Sujuudi,
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dhihi waxaa Nasahan Eebahanno ee yabooha Eebahanno waa la fali (Imaan).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna u dhacaan wajiga iyagoo ooyi wuxuuna u kordhiyaa «Quraanku» Khushuuc.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa ama ku barya Ilaah, ama ku barya Raxmaan wax kasta ood ku baridaan wuxuu leeyahay magacyo fiican, ee ha la qaylyina Akhriskaaga (salaadda) hana qarsan ee doon jid u dhexeeya Arrintaas «dhexdehexaad».
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaadna dhahdaa mahad Eebaa iska leh een Yeelanin Ilmo, una signayn shariig xukunkiisu (lawadaage) una sugnayn gargaare dulli dartiis (uga gargaare) ee waynee waynayn (Sharrif).