المؤمنون

Al-Mu'minun

Suuradda 23 · Makki · 118 aayadood · Soo degidda: 74

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa Dhab ahaan u Liibaanay Mu'miniinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAh kuwa Salaaddooda ku Khushuuca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo ah kuwa Hadalka Macno Darro ka Jeedsada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo ah kuwa Fala Zakada «bixiya».
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo ah kuwa Furuujtooda Ilaaliya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaweenkooda iyo waxay Hanatay Gacantoodu mooyee, lagurna Dagaalo Taas.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise Doona waxaad wax ka Soo Hadhay kuwaasu waa Xad Gudbayaal.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa kuwa Ammaanadooda iyo Ballankooda Dhawra.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaana kuwa Salaadda Ilaaliya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwaasu waa kuwa Dhaxli.
  1. Mahmud Muhammad Abduhoo ah kuwa Dhaxli Firdowsa wayna ku Dhexwaari.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ka Abuuray Dadka wax laga soo Soocay Dhoobo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasan ka yeellay Dhibic ku Jirta meel Sugan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan ka Abuuray Dhibicdii Calaqo kana Abuuray Calaqdii Goosin, kana Abuuray Goosintii Lafo oon Huwinnay Lafihii Hilib Markaasaan ka ahaysinnay Khalqi kale, waxaa Khayr Badnaday Eebaha Abuurkiisu Fiicanyahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaas Idinku Arrintaas ka Dib waad Dhimmaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaas Maalinta Qiyaame Laydin soo Bixin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku Abuuray Korkiinna Toddobo Samo mana nihin mid Khalqiga Halmaansan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ka soo Dejinay Samada Biyo Qiyaasan, waxaana Dejinay dhulka inaan la Tagnana waan karraa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana idinku Ahaysiinnay Beero Timir ah iyo Cinabyo oo Dhexdeed Khudaar Badani ku sugantahay ood wax ka Cuntaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Geed ka Baxa Dhuur Siina oo soo saarta Subag iyo Koosaar kuwa Cuni.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa idiinku Sugnaaday Xoolaha Waano, waxaana idinka Waraabinnaa waxa Caloosheeda ku Sugan waxaana idinku Sugan Manfaco badan, Xaggeedaadna wax ka Cuntaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKorkeeda iyo Markabka Korkiisa yaana laydinku Xambaaraa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan u Dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii wuxuuna Yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idinma sugnaanin Ilaah ka soo Hadhaye, miyeydaan dhawrsanayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Dheheen Madaxdii Gaalowday oo Qoomkiisa ahaa kanu ma aha waxaan Dad idin la midah ahayn, wuxuuna doonayaa inuu idinka Fadilmo, Hadduu Doono Eebe wuxuu soo Dejinlahaa Malaa'ig, manaan ka Maqlin Arrintan Aabayaalkanagii Horeeyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa aha waxaan Nin Waalan ahayn ee Suga Tan iyo Muddo, Geerida.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u waxyoonay ku Samee Doon Ilaalintanada iyo Waxyiganaga, markuu yimaado Amarkanagu oo Burqado Tanuurku, Gali Doonta Nooc kastaba Labo Labo iyo Ehelkaaga Ciddii Hadal u Hor maray (Halaag) mooyee oo ka mid ah Haygulana Hadlin (Xaalka) kuwa Dulmiga falay iyaga waa la Maanshayne.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaad Korto Adiga iyo inta kula Jirta Doonta waxaad Dhahdaan Mahad Eebaa iska leh ah kan iga koriyey Qoomka Daalimiinta ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna Dhahdaa Eebow I daji Guri la Barakeeyey Adaa u Khayrroon Dejiyee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhArrintaasna waxaa ku Sugan Aayaad waxaana nahay kuwo wax Imtixaama.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan ahaysiinay Gadaashood Qarni kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u Dirray Dhexdooda Rasuul ka mid ah Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah Eebe ka soo Hadhay ee Miyeydaan Dhawrsanayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay Dheheen Madaxdii Qoomkiisa ee ah kuwii Gaaloobay oo Beeniyey la Kulanka Aakhiro oon ugu Raaxaynay Nolosha Dhaw, kani ma aha waxaan Dad idinla mid ahayn Cunina waxaad Cunaysaan, Cabbina waxaad Cabbaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddaad Adeecdaan Dad idila mid ah idinku waa Khasaarteen.
  1. Mahmud Muhammad Abduhma wuxuu idiin Yaboohi Markaad Dhimataan ood Noqotaan Carro iyo Lafo in laydin soo Boxin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa Fogtahay oo Fogtahay waxa laydinku Goodin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa aha waxaan Noloshanada Adduunyo ahayn, waanu Dhiman (Qaar) oonnu Noolaan (Qaar) kuwa la soo Bixinna ma Nihin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana aha waxaan Nin ku Been Abuurtay Eebe ahayn, mana nihin kuwo u Rumeyn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Eebow iiga Gargaar Beenintooda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi Eebe Mudda Yar ka Dib yey ahaan kuwo Nidaamooda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku Qabatay si Xaq ah Qaylo waxaana ka yeellay Daadxoor ee Fagaansho Haw Sugnaado Daaliminta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan Ahaysiinay Gadaashood Quruumo kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKamana hor marto Ummadi Ajasheeda (Waqtigeeda) kamana Dib marto.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan Diray Rasuullada nadii oo Israacsan markastooy Ummad u Yimaaddoo Rasuulkoodu waybeeniyaan, waxaana Raacsiinay Qarkood Qaar (Halaag) waxaana ka yeelay Sheeko Fogaanshaana u Sugnaaday Qoomaan (Xaqa) Rumeyn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan la Diray (Nabi) Muuse iyo Walaalkiis Haaruun Aayadkanagii iyo Xujo Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXagga Fircoon iyo Jameecadiisii (yaana u dirray) wayna is kibriyeen waxayna ahaayeen Qoom is korraysiiya.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen ma waxaanu u rumayn Labo ruux oo nala mid ah Qoomkooduna anaga na Caabudo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayna Beeniyeen waxayna Noqdeen kuwo la Halaagay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka inay Hanuunaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka yeellay ina Maryamna iyo Hooyadiis Aayad waxaana u Dunnay Meel sare oo Sugnaansho iyo Biyo Socda leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRasuullow ka Cuna Xalaasha, Falana Wanaag, Anigu waxaad Falaysan waan Ogahaye.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTanna waa Umaddiinii (Diinta) umad (Diin) kaliya anna waxaan ahay Eebihiin ee iga Dhawrsada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayse y kala Goosteen Amarkooda Dhexdooda Kooxo, Xisbi kastana waxa Agtooda ah yey ku Faraxsanyihiin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Isagaga Tag Halmaanshahooda Dhexdiisa Tan iyo Muddo.
  1. Mahmud Muhammad Abduhma waxay u Malayn waxaannu Siin oo Xoolo iyo Caruur ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhInaanu u soo Hormarinay Khayraad wax ma Oga.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwa uun Ka Cabsada Eebahood ka Yaabid.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwa uun Aayaadka Eebahood Rumeeya.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwa uun Eebahood aan la Wadaajinin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwa Bixin waxa la Siiyay Iyadooy ka Cabsan Quluubtoodu inay Xagga Eebe u Noqon.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwaasaa u deg degi Khayraadka una Hormarinay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuma Mashaqayno Naf waxayna karin, Agtanadana waxaa ah Kitaab ku Hadli Xaq, lamana Dulmiyo Iyagana.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayse kaga Sugantahay Quluubtoodu Halmaansho Xagga Kaas, waxayna Leeyihiin Camallo Kaas ka Duwan (oo Xun) oy iyagu u Camal Fali.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaanse ku Qabanno Kuwooda Nicmaysan Cadaab Markaasay Qaylyaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Waxaana la Dhihi) ha Qaylyina Maanta Idinku Xagganaga Laydiin kama Gargaaree.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay ahayd Aayaadkeygii Tii lagu Akhriyo Korkiinna waxaadse ahaydeen kuwa Cidhibtiinna Dib ugu noqda (Xaqa Diida).
  1. Mahmud Muhammad AbduhIdinkoo isku Kibrin Quraanka (ama Kacbada iyo Nabiga) Cawaysimina idinkoo Hadal Xun.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyeyna Fiirinin Quraanka, mise waxaa u Yimid Waxaan U imaanin Aabayaalkoodii hore.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise waxayna Aqoonin Rasuulkooda oo ay Diidi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise waxay Dhihi waa Waalanyahay, wuxuuse Ula Yimid Xaq Badankoodse Xaqay Nici.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadduu Raaco Xaqu Hawadooda waxaa Fasaadi Lahaa Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya, waxaanse Siinay Quraanka wayse ka Jeedsan quraanka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise waxaad warsan Kharaj (u Juuro) Ajirka Eebahaabaa Khayr Roon, waana kan u Khayr Badan Arzaaqe.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAdiguna waxaad ugu Yeedhi Jid Toosan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa aan Rumeyn Aakhiroona Jidka way ka lilan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddaan u Naxariisanno oon ka Faydno waxa haya oo Dhib ah waxay ku Madax Taagi Xumaantooda iyagoo ku Indho la'.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaannu ku Qabanay Cadaab umana ayan Hogaansamin «Dulloobin» Eebahood umana Khushuucin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaan ku Furro Korkooda Cadaab Daran markaasay Quustaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe waa kan idiin Yeelay Maqalka, iyo Araga iyo Quluubta wax Yar baadna ku Shugriyeysaan (Eebe).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe waa Kan idinka Abuuray Dhulka Xagiisaana laydiin soo Celina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe waa Kan wax Nooleeya, waxna Dila wuxuuna Leeyahay Iskhilaafka (Kala Duwaanta) Habeenka iyo Maalinta ee Miyeydaan Wax kasayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayse Dheheen wax la mid ah waxay Dhaheen kuwii hore (Gaaladii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen Ma Markaan Dhimanno oon Noqonno Carro iyo Lafo Miyaa Anaga nala soo Bixin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa Naloo Yaboohay Aabayaalkanno kan (Soo Bixinta) horay mana aha kani waxaaan warkii hore ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa yaa leh Dhulka iyo waxa ku sugan haddaad wax Ogtihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Odhan Eebe, waxaad Dhahdaa Miyeydaan wax Xusuusanayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDheh waayo Eebaha Samooyinka Todobada ah iyo Eebaha Carshiga Wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Odhan Eebe, Dheh Miyeydaan Dhawrsanayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDheh Yey yaddiisa ku Jirtaa Xukunka wax kasta, oo wax Magan Galiya, isna aan wax laga Magan galinayn, Haddaad wax Ogtihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Odhan Eebe, Dheh Xaggee Laydiin Sixri.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaanse Siinay Xaq waana Beenaalayaal.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa yeelan Eebe Ilmo, mana aha Miciisa Ilaah (kale) Illeen markaas wuu la Tagi lahaa Ilaah walba wuxuu Abuuray, wuxuuna ka Kormari lahaa (Adkaan lahaa) Qaarkood Qaar, waxaa ka Nasahan Eebe waxay ku Tilmaami.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa Ogaha waxa Maqan iyo waxa Jooga, wuuna ka Sarreeyaa waxa la Wadaajin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa Eebow Hadaad i Tusiso waxa Looyaboohay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebow hayga Yeelin Qoomka Daalimiinta ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnaguna inaan ku Tusinno waxaan u Yaboohnay waan Karraa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Raaci (Dhaafso) Tan Wanaagsan Midda Xun Anagaa og Waxay Tilmaamiye (Sheegi).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna Dhahdaa Eebow waxaan kaa Magangalay Waswaaska Shayaadiinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana kaa Magan Gali Eebow inay ii Yimaadaan Shayaadiintu.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu u Yimaaddo Midkood (Gaalada) Mawdku wuxuu Dhihi Eebow I celiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan u Dhawahay inaan Falo Wanaage waxaan ka Tagay, saas ma aha ee waa Hadal uu iska Yidhi Gadaashoodana waxaa ah Barzakh, tan iyo Maalinta la Soo Bixin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka la Afuufo Suurka ma Jiro Nasab Dhexdooda Maalintaas, waxna isma Warsadaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCiddayse Cuslaato Miisaankiisu (Wanaagga) kuwaasi waa kuwa uun Liibaanay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCiddayse Fududaato Miisaankiisu kuwaasi waa kuwa Khasaariyey Naftooda Jahannamayna ku Waari.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Gubi Wajigooda Naarta iyagoo Waji diiran.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Waxaa lagu Dhihi) Miyeyna ahayn Aayaadkanagu kuwa lagu Akhriyo Korkiinna ood Beenin Jirteen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dhahaan Eebow waxaa naga Adkaatay Xumaantanadii, waxaana ahayn Qaar Dhunsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebow naga Bixi Xageeda Haddaan u Noqonana Anagaa Daalimiin ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Dhahaa Eebe ku Fogaada Dhexdeeda Idinkoo (Dullaysan) hana Ila Hadlina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa Jirtay in Koox ka mid ah Addoomadayda ay Dhahaan Eebow waan Rumaynay Xaqa ee noo Dhaaf noona Naxariiso Adaa Naxariiste u Khayr Roone.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaadse ka Yeelateen Jees jees intay idinka Halmaansiiyaan xuskayga ood kuna Qoslayseen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaan ka Abaal marinay Maanta Samirkoodii Dartiis, iyaga unbaana Liibaanay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Dhihi Eebe imisa Sanaad ku Nagaateen Dhulka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Odhan waxaan ku Nagaanay Maalin ama Maalin Qaarkeed, warsada kuwa wax tiriya «Malaa'gta».
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Maydaan Nagaanin wax Yar Mooyee Haddaad wax Ogtihiin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhma Waxaad u Malayseen inaan Idiin Abuuray Ciyaar oon idinka Xagganaga loo soo Celinayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa Sarreeya Eebaha Xaakimka Xaqa ah Ilaah aan isaga ahayna ma jiro Waana Eebaha Carshiga Sharafta leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCiddii Caabudda Eebe la Jirkiisa Ilaah kale oon Xujo lahayn Xisaabtiisu waa uun Eebe Agtiisa, mana Liibaanto Gaalo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa Eebow Dhaaf oo Naxariiso adaa Naxariiste u Khayr Roone.