السجدة

As-Sajdah

Suuradda 32 · Makki · 30 aayadood · Soo degidda: 75

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay ku tusin mugjisada Quraanka
  1. Mahmud Muhammad Abduhsoo dajinta Quraanka shaki kuma jiro, wuxuuna ka soodagay Eebaha Calaamka xaggiisa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmise waxay dhihi waxaa been abuurtay (Nabiga) saas ma aha ee waa xaq Quraanku Eebahaa xaggiisa ka yimid si aad ugu digtid qoom uusan u imaanin dige kaa horeeya, si ay u hanuunaan,
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe waa ka ku abuuray Samooyinka, iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya Lix maalmood dhexdeed, markaasna ku istawooday Carshiga «si u cunanta» idiinmana sugnaanin Eebe ka sokow wali (gargaare) iyo shafecee midna, ee miyeydaan wax xusuusanayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhamarka Eebaa ka maamula Samada xagga Dhulka markaasaa amarkaasi xagga Eebe u koraa Maalin qadarkeedu yahay Kun sano oo waxaad tirinaysaana.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkaasina waa Eebaha og wax maqan iyo waxa joogaba, ee adkaada ee Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaa wanaajiyey abuuridda wax kasta, wuxuuna ka billaabay abuuridda Dadka Dhoobo, (Nabigii Aadam ahaa).
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkaas kayeelay faraciisii mid ka soo taxma Biyo taharyar.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkaas ekeeyey oo ruuxdiisa ku afuufay idiinna yeelay maqal, Aragyaal iyo quluuba, waxyar baadse Eebe ku mahdisaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dhaheen Gaaladii ma markaan ku dhexluno dhulka (geeriyoonno) yaa abuurid cusub nala abuuri, saas ma aha ee iyagu la kulanka Eebahood bay ka gaaloobeen.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa waxaa idin oofsan (dili) Malaga mowdka laydiin wakiishay markaasaa xagga Eebihiin laydiin celin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddaad arki lahayd marka dambiilayaashu madaxa hoos u dhigi (qiyaamada) Eebahood agtiisa (iyagoo dhihi) Eebahanow waan aragnay waana maqalay ee naceli si aan camalfiican u fallo waan yaqiininaye (waxaad arki lahayd wax yaableh).
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddaan doono waxaan siin lahayn (ku toosin lahayn) Nafkasta hanuunkeeda hase yeeshee waxaa hormaray Hadalkaygii in laga buuxin Jahannamo Jinno iyo Insi dhammaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee dhadhamiya halmaanshihiinii la kulanka Maalintiinnan (qiyame) annaguna waan idinka tagaynaa (maanta) ee dhadhamiya cadaabka waaridda camalkiinii dartiis.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaa uun rumayn aayaadkanaga kuwa marka lagu waaniyo aayadaha sujuud la dhaca kuna tasbiixsada mahadda Eebahood iyagoon is kibrinayn (isla waynayn).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna ka dheeraataa dhinacyadoodu jiifka iyagoo baryi Eebahood cabsi iyo rajaynba waxaan ku arzuqnayna wax ka bixiya.
  1. Mahmud Muhammad Abduhma oga Nafu waxa loo qariyay kuwaas oo Indho ku qaboowsadaan abaal marin waxay camalfalayeen dartiis.
  1. Mahmud Muhammad Abduhruux Mu'min ah mala midbaa mid faasiq ah, ma eka.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwa rumeeyay (xaqa) oo camal fiican falay waxay mudan Jannooyinka Ma'wa martiqaad waxay xamal falayeen dartiis.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwase faasiqoobay waxay ku hoyan Naar, markay doonaan inay ka baxaanna waa lagu celin dhexdeeda waxaana lagu dhihi dhadhamiya Cadaabka Naartii aad beenin jirteen.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana dhadhansiinaynaa cadaab hoose cadaab wayn kasokow inay noqdaan darteed.
  1. Mahmud Muhammad Abduhyaa ka dulmi badan ruux lagu waaniyay aayaadka Eebihiis oo ka jeedsaday xaggeeda, anaguna dambiilayaasha waan ka aarsanaynaa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhdhab ahaanbaan u siinay Nabi Muuse Kitaabkii (Tawreed) ee hashakiyin lakulankiisa waxaana ka yeelay Kitaabkaas hanuunka Banii Israa'iil.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ka yeelay qaarka mid ah imaamyo ku hanuuniya amarkanaga markay samreen, waxayna ahaayeen kuwa aayaadkanaga yaqiiniya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaabaana kala bixin dhexdooda Maalinta Qiyaame waxay ahaayeen kuwo isku diidan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmyayna ku hanuunin kuwaasi intaan halaagnay hortood oo quruun ah oy socon guryahoodii, taasina waxaa ku sugan calaamado ee miyayna wax maqlaynin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmiyeyna arkeyn inaan u soo kaxayno Biyaha Dhul abaar ah oon markaas ku soobixino Beero ay wax ka cunaan Xoolahooda iyo Naftooduba miyeyna wax arkaynin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dhihi waa goorma kala xukunku haddaad run sheegaysaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa maalinta kala xukunka Gaalada ma anfaco Iimaankoodu lamaga sugo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe isaga jeedso oo sug iyana ha sugeene.