هود

Hud

Suuradda 11 · Makki · 123 aayadood · Soo degidda: 52

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhErayga hore wuxuu ku Tusin Mujisada Quraanka, Kitaabka Quraanka alma waa mid la sugay Aayadihiisa, markaas lagana Caddeeyey Eebaha Falka san ee wax walba og Xaggiisa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhinaydaan Caabudin Eebe mooyee wax kale, anugu waxaan idiinka ahay xagga Eebe Dige Bishaareeya.
  1. Mahmud Muhammad Abduhdambi dhaafna warsada Eebe una toobad keena wuxuu idiinku raaxayn nolol wanaagsan tan iyo muddo, wuxuuna siin cid kasta dheeraad leh (Fadli) dheeraadkiisa (Fadligiisa) haddaad jeedsataanna anugu waxaan idiinka cabsan Cadaab Maalin wayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhxagga Eebaa noqoshadiinnu tahay wax kastana wuu karaa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay iilayaan Laabtooda inay iska qariyaan Eebe, markay isku dadi maryahooda waa ogyahay Eebe waxay qarsan iyo waxay Muujin, illeen Eebe waa igyahay waxa laabta ku sugane.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhul socod kasta Risqigeedu wuxuu saaranyahay Eebe wuxuuna ogyahay meejey ku Hoyan ooy u dheelman dhammaanna Kitaab Cad yey ku suganyihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe waa kan ku Abuuray Samooyinka iyo Dhulka Lix Maalmood, wuxuuna ahaa Carshihiisu Biyo korkood inuu idin Imtixaamo kiinna Camalka Wanaagsan, haddaad dhahdo waa laydin soo bixin Geeri ka dib waxay odhan kuwii gaaloobay kani waxaan sixir Cad ahayn ma aha.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddaan dib uga dhigno Cadaabka Xaggooda tan iyo muddo tirsa waxay odhan maxaa celinaya, maalintuuse u yimaaddo mid Iaga iilo ma aha, waxaana ku dhaca waxay ku, jeesjeesi (Ciqaabtiisii).
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddaan dhadhansiinno Dadka naxariis xaggannaga ah markaas aan ka qaadno wuxuu noqdaa mid quusasho badan oo dafir hadan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddaan dhadhansiinno Dadka Niemo dhib taabtay ka dib wuxuu dhihi wwaxaa iga tagay sumaanti isagoo Farax iyo faan ku sugan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwa Samra ee canal fiica fala mooyee, kuwaasna waxaa u sugnaaday dambi dhaaf iyo ajir wayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaad u dhawdahay inaad ka tegto waxa laguu waxyoon qaarkiis oy Ia cidhiidhyanto Laabtaadu inay dhahaan maa lagu soo Dejiyo korkiisa Kansi ama Ia yimaaddo malag, adugu waxaad uun tahay Dige, Eebana wax kasta wuxuu u yahay (Ilaaliye) Wakiil.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmise waxay odhan wuu been abuurtay, waxaad dhahdaa karaa Toban Suuradood oo la mida oo la been abuurtay una yeedha ciddaad kartaan oo Eebe ka soo hadhay haddaad run sheegaysaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduh14, haddayna idin Ajiibin «yeelin» ogaada in lagu soo dejiyey Quraanka ogaansho Eebe iyo inaan Eebe mooyee Ilaah kale jirin, a ma islaamaysaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhciddii dooni nolosha adduunyo iyo quruxdeeda waxaan u dhamaynaynaa camalkooda dhexdeeda lagamana nusqaamiyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwaasuna waa kuwaan kulahayn Aakhiro waxaan Naar ahayn, waxaana buray waxay ku sameeyeen dhexdeeda waxaana baadhila (wax kama jire ah) waxay falayeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuux ku sugan (Xujo) cad oo Eebihiis, uu raacina marag Eebe, hortiisna ahaayeen Kitaabkii Muuse isagoo Imaam iyo Naxariis ah ma la midbaa mid adduunyo uun doonay, kuwaas fiican way rumeyn Quraanka, ciddii ka gaalowda Quraanka iyo Nabiga oo Xisbiyada ka mida Naarbaa ballan u ah, ee ha noqon mid Shakiya Xaggiisa isagu waa Xaq Eebe ka ahaadaye, laakiin Dadka Radankiis ma Rumeeyaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhyaa ka dulmi badan ruux ku abuurtay Eebe Been, kuwaas waxaa loo bandhigi Eebahood waxayna odhan maraggu kuwaasu waa kuwa ku been abuurtay Eebahood Lacnadi ha ahaato Daalimiinta korkooda.
  1. Mahmud Muhammad Abduh19, ee ah kuwa ka jeedsada Jidka Eebe lana dooni Qallooc Aakharana ka gaaloobay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwaasu ma aha kuwa ku daalin Eebe Dhulka dhexdiisa umana sugna wax Eebe ka soo hadhay oo u gargaari waxaana loo Iaablaabi cadaabka, mana karaan inay (Xaqa) maqlaan ama arkaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwaasu waa kuwa Khasaariyey Naftooda waxaana ka dhumay waxay been abuurteen.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana sugan inay kuwaasu Aakharo iyaga uun khasaaro badnaadeen.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwa rumeeyey Xaqa oo camal fiican falay oo u noqday Eebahood kuwaasu waa Jannada Ehelkeeda wayn, ku dhex waari.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay La midyihiin Labada kooxood mid indhala' iyo mid dhaaa la' mid wax arka iyo mid wax maqli ma simanyihiin tusaale ahaan miyeydaan wax xusuusaneyn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaan u diray (Nabi) Nuux qoomkiisii (Isagoo leh) waxaan idiin ahay dige Cad.
  1. Mahmud Muhammad Abduhinaydaan Caabudin wax Eebe ka soo hadhay, waxaan idiinka cabsan korkiinna cadaab Maalin daran.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen madaxdii Gaalowday oo qoomkiisa ka mida waxaan bashar nala mida ahayn kuguma aragno, kugumana aragno inuu ku raacay waxaan ahayn kuwannaga xun xun ee ku deg dega ra'yiga, Kuugumana ara- gno korkannaga wax dheeraada waxaanse idiin malaynaynaa Beenaalayaal.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi Qoomkayow ka warrama haddaan Xujo (cad) oo Eebahay ku sugnahay uu ina siiyey naxariis Xaggiisa oo Laydinka indho tiray miyaao idinkii laasimin karraa idinkoo nici.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQoomkayow idin warsan maayo Xoolo, Ajirkayga Eebaa haya, mana eryayo kuwa xaqa rumeeyey illeen iyagu waxayla kulmi Eebahoode, waxaanse idinku arkaa Qoom Jaahiliina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQoomkayow yaa iiga gargaari Eebe haddaan eryo kuwaas (Xaqa rumeeyey) miyeydaao wax Xusuusanayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhidima dhahayo waxaa agtayda ah Khasaa'intii Eebe mana ogi waxa maqan, idinmana odhanaayo waxaan ahay Malaa'ig, idinmana odhanaayo kuway yasayso indhihiinnu ma siinayo Eebc khayr, Eebaa og waxa Naftooda ku sugan, markaas waxaan ka mid noqon Daalimiinta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen Nuuxow waad nala dooday ood badisay la doodkannaga, ee noo keen waxaad noo yaboohayso haddaad run sheegi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi waxaa uun idiin keeni (kara) Eebe hadduu doono, mana tihiin kuwo daalin Eebe.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxna idiinma tarto Naseexadaydu haddaan doono inaan idiin naseexeeeyo hadduu Eebe doono inuu iddin baadiyeeyo illeen waa Eebihiine. xagiisaana laydiin celin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmise waxay dhihi isagaa been ahuurtay, waxaad dhahdaa haddaan been abuurto dambigaygu anuu isaaranyahay, anuguna bari baan ka ahay waxaad dambaabtaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaa loo waxyooday Nabi Nuux inuusan ku rumeynayn Qoomkaaga inta ku rumaysay waxaan ahayn ee ha u murugoon waxay fali.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsamaysana doon annagoo ku dhawri kuuna waxyoon hana igula hadlin (xaalka) kuwii dulmi falay waa Ia maansheyne.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu samaynayye Doon mar kasta oo Qoomkiisa koox ka mida martana way ku jees jeesayeen wuxuuna ku dhahayey haddaad nagu jees jeestaan anaguna waan idinku jees jeesi saad u jees jeesaysaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaadna ogaan doontaan cidduu u yimaaddo cadaab dulleeya kuna dago cadaab joogta ah.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu yimid amarkannagii oo Tanuurkii burqaday waxaan ku nidhi ku xambaar Doonida nooc kasta Labo iyo Xaaskaaga ciddii dhumid loo xukumay mooyee, iyo cidii rumaysa xaqa (iyana ku xambaar) mana rumeynin wax yar mooyee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi ku kora Magaca Eebe oy kuna socon kuna joogsan Eebahayna waa dambi dhaafe naxariista.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwayna la socotay hir dhexdiis oo buuro la mida wuxuuna u dhawaaqay Nabi Nuux Wiilkiisii wuxuuna ahaa meel ka gaar ah (Isagoo leh) Wiilkaygow nala soo kor hana la jirin gaalada.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna ku yidhi waxaan u dunmi buur iga dhawrta Biyaha wuxuu yidhi (Nabi Nuux) wax ilaalin kara maanta amarka Eebe ma jiro cid Eebe u naxariistay mooyee, waxaana kala dhex maray hirkii wuxuuna noqday Wiilkii kuwa la maansheeyey.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana la yidhi dhulow Liq Biyahaaga Samooyna qaad (Jooji) waxaana la yareeyey «la gudhiyey» Biyihii waxaana la xukumay Amarkii waxayna Ku dul ekaatay Doontii Juudi waxaana la yidhi fogaansho haw sugnaato Qoomka Daalimiinta ah.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu u dhawaaqay (Baryey) Nabi Nuux Eebihiis wuxunna yidhi Eebow Wiilkaygu wuxuu ka mid yahay Ehelkeyga Yaboohaaguna waa xaq (sugan)adaana xuk unkaagu falsanyahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu yidhi Nuuxow Wiilku Ehelkaaga kama mid ma aha waana camal aan suubanayn ee hay warsan waxaadan cilmi u lahayn waxaan kaa waanin inaad jaahiliinta ka mid noqoto.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi Nabi Nuux Eebow waxaan kaa magan galay inaan ku warsado waxaanan u cilmi lahayn haddaadan ii dambi dhaafin oodan ii naxariisan waxaan ka mid noqon kuwa khasaaray.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaa lagu yidhi Nuuxow ku deg Nabadgalyo xaggannaga ah iyo ummadaha kula jira, ummadana waannu u raaxayn markaas waxaa taaban cadaab daran oo xaggannaga ka ahaada.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkaasi waa warkii maqnaa oon kuu waxyoonayno maadan ahayn mid og adi iyo Qoomkaagu midna kan hortiis ee samir cidhibta (Fiican) waxaa leh kuwa dhawrsada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCaadna waxaa Ioo diray Walaalkood Nabi Huud, wuxuuna yidhi Qoomkayow caabuda Eebe Ilaah kale idiinma sugnee waxaan been abuurasho ahayna kuma sugnidin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQoomkayow idinka warsan maayo xaqa ujuuro ujuuradayda waxaan uun ka mutaa Eebaha i Abuuray ee miyeydaan wax kasayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQoomkayow Dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobad kenna ha soo (Daayo) diro Samada (Roobka) korkiinna si badane hana idiinku kordhiyo xoog xooggiinii hana jeedsanina idinkoo Dambiilayaal ah.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen Huudow noolama aadan imaanin Xujo cad kagamana tageeyono llaalryahannaga hadalkaaga kumana rumeynayno.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwax kale kuguma dhaheeyno oon ahayn in Ilaahyahannaga Qaarkood kugu asiibeen xumaan (Cudur) wuxuu yidhi waxaan Eebe marag galin ee idinkuna marag nogda inaan bari ka ahay waxaad la wadaajinaysaan, (Cibaadada).
  1. Mahmud Muhammad Abduhoo Eebe ka soo hadhay ee i dhagra dhammaan hana i sugina.
  1. Mahmud Muhammad Abduhanugu waxaan tala saartay llaahay ee ah Eebahay iyo Eebihiin wax socda oosan foodda qabanayn ma jiro (Awoodayn) Eebahayna wuxuu ku sugan yahay jid toosan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddaad Jeedsataan waxaan idin gaadhsiiyey wixii laygu soo diray xaggiinna, wuuna idinka gadaal marin Eebahay qoom kale waana kama dhibaysaan, Eebahayna wax kasta wuu ilaaliyaa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu yimid amarkannagii waxaan ku korinnay Huud iyo intii rumaysay Naxariistanada wexaana ka korinay Cadaab Adag.
  1. Mahmud Muhammad Abduhtaasi waa Caad waxay diideen Aayaadkii Eebahood waxayna caasiyeen rasuuladiisii waxayna raaceen amarka islaweyne madax adag dhammaantiis.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana la raaciyey Adduunyadan Lacnad iyo Maalinta Qiyaamaba, Caad way ka gaaloobeen Eebahood Fogaanshaa (Halaagbaana) u sugnaaday Caadkii Qoomkii Huud ahaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhThamuudna waxaan u dirray Walaalkeed (Nabi) Saalax, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe Ilaa Eebe ka soo hadhay ma idiin sugnee, isagaana idiinka ahaysiiyey Dhulka idinkuna Camiray dhexdeeda ee dambidhaaf warsada una toobad keena illeen Eebahay waa dhawyahay oo ajiibaa (Baryade)
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen Saalaxow waxaad ku ahayd dhexdannada mid la rajeeyo arrintan ka hor ma waxaad naga reebi inaan caabudno waxay caabudayeen Aabayaalkanno annagu shaki daran baan kaga suganahay waxaad noogu yeedhi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi bal ka warrama haddaan xujo Eebahay ku sunahay oo uu i siiyey Naxariis xaggiisa ah yaa iiga gargaari Eebe haddaan Caasiyo iimana kordhinaysaan waxaan khasaarc ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQoomkayow tan waa Hashii Eebe Calaamad bayna idiintahay ee iska Daaya ha cunto Dhulka Eebe hana ku taabanina Xumaan oo markaas idin qabto Cadaab dhaw.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwayse dileen Hashii, wuxuuna ku yidhi ku raaxaysta guryihiina Saddex maalmood kaasina waa yabooh aan la beeninayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu u yimdi amarkii Eebe waxaan ku korinay Nabi Saalax iyo intii rumaysay Naxariistanada iyo inaan (ka korinay) dulliga Maalintaas Eebana waa xoog badane Adkaada.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana wabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahooda ku dhexdhinta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsidii iyagoon ku dhex nagaanin, Thamuud waxay ka gaaloobeen Eebahood waxayna muteen fogaansho (Halaag).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay ula yimaaddeen Malaa'igtanadii aan soo diray Nabi Ibraahim Bishaaro, waxayna dheheen salaamo korkaaga ha ahaato, isna wuxuu yidhi Salaam, kamana nagaan (Daahin) inuu u keeno dibi la dubay (Hilibkiis).
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu arkay in ayna gacmahoodu gaadhayn wuu la yaabay wuxuuna iska kasay cabsi xaggooda ah, waxayna dheheen ha cabsan waxaa naloo soo diray Qoomka (Nabi) Luudhe.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaweeneydiisiina way taagnayd wayna qososhay waxaana ugu bishaaraynay (Nabi) Isxaaq gadaashiisna Yacquub (Wiilkiisii).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna tidhi waa la yaabe miyaan dhali anoo cajuuso ah ninkaygana oday yahay arrintaasu waa wax la yaab leh.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen ma waxaad la yaabi amarka Eebe naxariistiisa iyo barakadiisa korkiinna, qoyskanow, Eebana waa la mahdiye la Sharrifo.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkay Nabi Ibraahim ka tegtay Cabsidii (argagaxii) una timid Bishaaradii yuu noqday mid nagula dooda xaalka Qoomka (Nabi Luudh).
  1. Mahmud Muhammad AbduhNabi Ibraahimna waa dulsame noqosho iyo toobadkeen badan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIbraahimow iskaga jeedso xaalkan, waxaa dhab u yimid Amarkii Eebahaaye iyagana waxaa u imaan cadaab aan laga celinayne.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkay Malaa'igtaan soo diray u timid Nabi Luudh wuu ka walbahaaray wuuna la cidhiidhyamay wuxuuna yidhi tani waa Maalin daran.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana yimid Qoomkiisii oo u deg degi xaggiisa horayna waxay u ahaayeen kuwo fala Xumaan, wuxuuna yidhi Qoomkayow kuwaasu waa gabdhahaygii iyagaa idiin dhahiran ee ka dhawrsada Eebe bana igu dullaynina martidayda miyuusan Nin rashiida «fiican» idinku jirin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen waaad ogtahay inaanaan ku lahayn gabdhahaaga xaq waadna ogtahay waxaannu dooni.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Nabi Luudh haddaan xoog idiin leeyahay ama u dumi tiir adag (waan idin ciqaabi lahaa).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen (Malaa'igtii) Luudhow waxaan nahay farriintii Eebahaa dhibna kuma gaadhsiinayaan ee Guuri Ehelkaaga qayb habeenka ka mida dibna hasoo dayina haweeyneydaada mooyee, waxaa ku dhici waxa ku dhacaya ballankooduna waa subaxa miyuusan subuxu dhawayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu yimid amarkannagii waxaan ka yeellay korkoodii hoostoodii waxaana ku daadinay dhagaxyo la shiday oo israac raacsan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhlagu calaameeyey Eebahaa agtiisa wax daalimiinta ka fogna ma aha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMadyanna waxaan u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb, wuxuuna yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe idiinma sugna Ilaah kalee, hana nusqaaminina Beegidda (Miisiidda) iyo miisaanka waxaan idinku arkaa khayre (xoolo) waxaana idiinka cabsan Cadaab Maalin koobi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQoomkayow oofiya Miisidda iyo miisaanka si cadaalada hana ka nusqaaminina Dadka waxooda Dhulkana ha fasaadinina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBaaqiga Eebe yaa idiin khayrroone ma ihi mid idin ilaalin (karee).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen shucaybow ma salaadahaagaa ku fari inaan ka tagno waxay caabudayeen Aabayaalkaanno ama ku fallo xoolahanaga waxaan doonno adugu waxaad uun tahay dulbadane toosan (Jees jees dartiis).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Qoomkayow bal ka warrama haddaan ku sugnahay xujo Eebahay iguna arsuqay risqi wanaagsan, oonan doonaynna inaan idiin dabo maro waxaan idinka reebi oonan doonayn waxaan wanaajin ahayn, intaan karo, waafajintaydana waxaan Eebe ahayn ma karo isagaana talo saartay xaggiisaana u noqon, (Toobad).
  1. Mahmud Muhammad AbduhQoomkayow yuusan idinku xambaarin khilaafkaygu inuu idinku dhaco wixii ku dhacay Qoomkii (Nabi) Nuux ama qoomkii Nabi Huud ama (Nabi) Saalax idinkamana foga waqtigii Qoomkii (Nabi) Luudh.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee dambi dhaaf warsada Eebihiin una toobadkeena ileen Eebahay waa Naxariiste Jeeel (Ciddii toobad keentee).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen Schucaybow ma kasaynno wax badan ood sheegi waxaana kugu aragnaa inaad dhexdannada ku tabar yartahay, hadduusan Qoomkaagu jirin waan ku dhegexyeyn lahayn, mana tihid adugu mid cisi naguleh.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Qoomkayow ma jamaacaddaydaa idin kala wayn Eebe ood ka yeelateen waxaad dhabarkiinna ka tuurtaan (Xaqa) Eebahayna waxaad falaysaan wuu koobay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Qoomkayow ku camal fala dariiqadiinna anna waan camal fali waxaadna ogaan doontaan cidduu u yimaaddo cadaab dulleeya iyo cidda beenaalaha ah ee suga anna waan idinla sugiye.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu yimid amarkanagii waxaan ku korinnay Shucayb iyo kuwii rumeeyey naxariistanada, waxaana qabatay kuwii dulmi falay qaylo waxayna ahaadeen kuwo guryahoodii ku dhintay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsidii iyagoon ku nagaanin fogaansho (halaag) baa u sugnaaday Madyan siday u fogaatay Thamuud (u halaagsantay).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaannu dhab ula dirray Nabi Muuse Aayaadkanagii iyo xujo cad.
  1. Mahmud Muhammad Abduhxagga Fircoon yaana u dirray iyo Qoomkiisii, waxayna raaceen amarkii Ficoon, amarka Fircoonna ma ahayn mid toosan (Hanuunsan).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu hor qaadi Qoomkiisa Maalinta qiyaame, wuxuuna ku aroorin Naarta, meel lagu aroorana naarbaa u xun.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana la raacsiiyey Adduunyada Lacnad iyo maalinta Qiyaamaba, wax laysu kordhiyana waxaa u xun (Arrintaa).
  1. Mahmud Muhammad Abduharrintaasu waa warkii Magaalooyinka waana kaaga qisoonaynaa, waxaana ka mida kuwo taagan iyo kuwo la halaagay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmaanaan dulmiyin iyagaase dulmiyey naftooda waxna ugama tarin Ilaahyahoodii ay caabudayeen Eebe ka sokow markuu u yimid amarkii Eeba-
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaana sidaas qabashada Eebahaa markuu doono inuu qabto oo ciqaabo magaalo (Dadkeed) oo dulmi fashay, qabashadiisuna way xanuun leedahay oy darantahay.
  1. Mahmud Muhammad Abduharrintaasna calaamadbaa ugu sugan ciddii ka cabsan cadaabka aakhiro waana maalin loo kulmin dadka Dartiis, waana maalin la soo Joogsan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhdibna uguma dhigaynno muddo magacaaban darteed mooyee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmaalintuu Qiyaamuhu yimaaddo ma hadasho nafi idinka Eebe mooyee, waxaana ka mida dadka kuwo xun (Khasaaray) iyo kuwo liibaanay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwa xumaadayna naarbay gali dhexdeedayna ku hiinraagi kuna qaylyi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyagoo ku waari inta samooyinku jiraan iyo dhulku wuxuu Eebe doono mooyee, Eebahaana wuxuu doonuu falaa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkuwa la liibaanayna jannay ku waari inta samooyinku jiraan iyo Dhulku wuxuu Eebe doono mooyee, waana siismo aan go'ayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhha shakin (xumaanta) waxay caabudi kuwaasu, ma caabudayaan waxay Aabayaalkood caabudayeen mar hore mooyee, waana u dhammaynaynaa qaybtooda (Ciqaabta) oon laga Nusqaaminayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaan siinnay (Nabi) Muuse Kitaabka (Tawreed) waana laysku khilaafay, hadduunan jirin hadal Eebahaa oo horreeyey waa lakala xugmin lahaa dhexdooda, waxayna iyagu kaga suganyihiin shaki daran.
  1. Mahmud Muhammad Abduhdhammaan wuu u oofin Eebahaa Camalkooda illeen Eebe waxay camal fali wuu ogyahay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee u toosnow sida lagu faray adiga iyo inta kula toobadkeentay hana xadgudbina illeen Eebe waxaad camal falaysaan wuu arkaaye.
  1. Mahmud Muhammad Abduhha u iilanina kuwa dulmi falay oo Naaru idin taabato idiinmana sugno Eebe ka sokow Awliyo markaas laydiinna gargaari Maayo.
  1. Mahmud Muhammad Abduhoog salaadda maalinta darfaheeda iyo qayb habeenka ka mida (saacaad) illeen wanaagu wuxuu tegsiiyaa (Tirtiraa) xumaantee, taasina waa waanada kuwa Ilaah xuska badan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsamir (adkayso) ilaahay ma dayaco ajirka kuwa sama falee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmaxay u ahaan waayeen Quruumihii hore dad khayr (caqli) leh oo ka reeba fasaadka dhulka, wax yar mooyee oo ka mida kuwaan korinnay xaggooda, waxayna raaceen kuwii dulmi falay wixii loogu raaxeeyey waxayna ahaayeen dambiilayaal.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebana uma halaago magaalo dulmi iyadoo Ehelkeedu wax wanaajin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhadduu doono Eebahaa wuxuu ka yeeli lahaa Dadka mid kaliya mana ka tagaan kuwo iskhilaafsan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhcid Eebe u naxariistay mooyee saasaana Eebe ku abuuray, wayna taam noqotay kalimadii Eebahaa oo ah innu ka buuxiyo jahannamo Jinni iyo insi dhammaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhammaan waxaannu kaaga qisoon wararkii rasuulada waxaan ku sugno qalbigaaga, waxaana taam kuugu yimid xaq iyo waedi iyo waanada Mu'miniinta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaad ku dhahdaa kuwaan rumeynin ahaada sidiinnaas (ku camal fala) annana waannnu «ahaan» camal faliye.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsugana annana waaanu sugiye.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe waxaa u sugnaaday waxa ku maqan samoolyinka iyo dhulka, xaggiisaana loo celin amarka dhammaan ee caabud oo talo saaro, Eebana mahalmaansana waxaad falaysaan.