يوسف

Yusuf

Suuradda 12 · Makki · 111 aayadood · Soo degidda: 53

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad Abduhxuruufta hore waxay ku tusin mucjisada Quraanka, tanna waa aayaadkii Kitaabka ca (Quraanka).
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaana soo dejinay isagoo Quraan Carabi ah inaad kastaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa kaaga qisoon qissoyin tan u fiican waxyigaan Quraankan kuu waxyoonay dartiis, waxaadna ka mid ahayd hortiisa kuwaan wax igayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu (Nabi) Yuusuf ku yidhi Aabbihiis aabow waxaan arkay Kaw iyo Toban xiddigood iyo Qorraxda iyo Dayaxa waxaan Arkay iyagoo ii Sujuudsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi (Aabbihiis Yacquub) Wiilkayow hawga Qisoonin Riyadaada Walaalahaa oy markaas ku dhagraan dhagar, illeen Shaydaanku Dadka wuxuu u yahay col cade.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaasuuna kuu doortay Eebahaa kuuna baray fasiraadda Riyada iyo Xaddithyada, kuuna taam yeeli Niemadiisa korkaaga iyo Yacquub Ehelkiisa siduu ugu taamyeelay Labadaadii Waalid mar hore (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Isxaaq Eebahaana waa oge falsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhYuusuf iyo Walaalihiis Calaamadbaa ugu sugan kuwa warsan (Waano).
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkay dheheen Yuusuf iyo Walaalkiis yaa Aabbe naga jecelyahay inagoo koox ah, Aabbeheen wuxuu ku suganyahay Baadi cad (Jecaylkaas).
  1. Mahmud Muhammad AbduhDila Yuusuf ama ku tuura Dhulka ha idiin kaliyoobo Wajiga Aabbihiine aadna ahaateen gadaashiis qoom Suubane.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmid ka midaa yidhi ha dilina Yuusuf ee ku tuura Ceel salkiis ha qaateen qaar safaree haddaad wax falaysaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen Aabow maxaad noogu aamini la'dahay yuusuf anagoo u Naasixa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhnala dir barri ha cuno hana Ciyaaree anaguna isaga waannu ilaaline.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Yacquub waxaa i walbahaarin inaad la tegtaan waxaana ka cabsan in Yeeyi Cunto idinkoo halmaansan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen hadday Yey Cunto annagoo kooxa waxaan ka mid nahay kuwa khasaaray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay la tageen oy ku kulmeen inay yeelaan Ceel salkii, Waxaan u waxyoonay waad uga warrami Amarkoodan iyagoon kasayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna u yimaadeen Aabahood habeenkii iyagoo ooyi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen aabbow waannu tagnay inaan orotonno Waxaana ku dhaafnay Yuusuf alaabtannada agteeda Markaasay yey cuntay aduguse nama rumaynaysid aanba Run sheegnee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna la yimaadeen Qamiiskiisii oo Dhiig beena leh, wuxuuna yidhi (Yacquub) saas ma aha ee waxay idiin Qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa Samir fiican Eebaana laga kaalmaystaa waxaad tilmaamaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa yimid socoto waxayna direen Dhaamiye Wuxuuna yidhi Bishaaradayda waa Wiil, wayna Qarsadeen isagoo Badeeco ah, Eebana waa og yahay waxay fali.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna ku gateen Qiima jaban Dirhamo tirsan Waxayna ahaayeen kuwaan rabin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu ku yidhi kii gatay oo Masar ah Haweenaydiisii (wanaaji) ixtiraam hooygiisa waxay u dhawdahay innu na anfaco ama ka yeelanno ilmo, saasaana u Makaninay Yuusuf dhulka iyo inaan barro fasiraad «Riyada» xadiithyada, Eebaana u adag arrinkiisa, Laakiin badida dadku ma oga.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu gaadhay Xoogiisa yaan siinnay Xigmad iyo Cilmi (Nabinimo) saasaana ku Abaal marinaa samafalayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa dalbatay naftiisa tii uu joogay gurigeeda waxayna xidhay albaabyadii waxayna ku tidhi kaalay, wuxuuna yidhi magan gal Ilaah illeen waa Sayidkaygii wuxuu wanaajiyay horgaygee mana Liibaanaan daalimiintu.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWay ku hamiday «doontay» isna waa ku hammin lahaa hadduusan arkin xujada Eebe, saasaana uga iili Xumaanta iyo falxumida illeen wuxuu ka mid yahay addoomahannaga la doortay (Camalkana u kali yeela Eebe).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay u orotameen albaabka (irridda) waxayna ka goysay Qamiiskiisa gadaasha waxayna kula kulmen ninkeedii irridda agteeda, Waxayna ku tidhi maxaa lagu Abaal marin Cid la doontay Ehelkaaga (haweenaydaada) daran la gaashdiiyo mooyee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Nabi Yuusuf iyadaa i dalabtay Naftayda Wuxuuna ku marag furay Marag ehelkeeda ah haduu Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga hore iyadaa run sheegi isna waa Beenalayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadduu Qamiiskiisu ka go'an yahay xagga Danbana iyadaa Beenalaay ah isna (Yuusuf) wuxuu Ka mid yahay runlayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu arkay ninkeedii Qamiiskii Yuusuf oo Gadaal ka go'an wuxuu yidhi kaasi waa Dhagartiinii Dhagartiinuna waa wayn tahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhYuusufow iskaga jeedso Xaalkan (ha ka waramin), Haweeneeyahay adna ka Dambi Dhaaf warso Eebe danbi- gaaga waxaad kamid tahay Kuwa gafaye.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen Haweenkii magaalada haweenaydii Casiis (Wasiirka) waxay dooni Khaadimkeeda Naftiisa (la nool) Jecelkiisaa qalbiga ka galay, waxaana ku aragnaa Baadi cad.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkay maqashay dhagartooda (Xantoodii) way u farriin dirtay waxayna u darabtay fadhi (martiqaad) waxayna siisay mid kasta mindi waxayna ku tidhi Yuusuf ku soo bax markay arkeenna way waynesteen waxayna iska gooyeen «Sareen» Gaemaha (Faraha) waxayna dheheen xaashaa Ilaah kani bashar (Dad) ma aha kani waxaan Malag sharaf leh ahayn ma aha.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay tidhi kaasi waa waxaad igu dagaasheen anaa doonay Naftiisa wuuna is dhawray hadduusanse falin waxaan fari walee waa la xabisa uu noqon kuwa dullooba.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi (Nabi Yuusuf) Eebow Xabbis baan ka jeelahay waxay iigu yeedhi haddaadan iga iilin dhagartooda waan u iilan Xaggooda waxaana ka mid noqon Jaahiliinta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaan ajiibay Eebihiis wuuna ka iilay dhagartooda illeen Eebe waa Maqle og.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkaasaa waxaa u muuqday intay arkeen aayaad (Calamooyin) inay xidhaan tan iyo Muddo.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana la galay Xabiiska Laba dhalinyara ah midkoodbaana yidhi waxaan arkay (Riyo) anoo Miiri kahmro, kii kalana wuxuu yidhi anna waxaan arkay anoo ku xambaari madaxayga korkiisa Khubus (kibis) kana cunayso shimirtu xaggiisa nooga warran fasiraadda waxaan kugu aragnaa inaad ka mid tahay sama falayaashee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Yuusuf) wixii cunna ah oo laydinku Arzaaqo waxaan idiinka warrami fasirkiisa ka hor imaatinkiisa, kaasina waa waxa Eebahay i baray, anuguna waxaan ka tagay (Nacay) milladda Qoomkaan rumaynayn Eebe oo aakhirana ka gaaloobay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana raacay milladda (Diinta) Aabayaalkay Ibraahiim, Isxaaq iyo Yacquub, Nuguma habboona inaan la wadaajinno Eebe cibaadada waxna, taasina waa fadliga Eebe ee korkannaga iyo Dadkaba, laakin Dadka badankiisu kuma shugriyaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaaxiibadayda Xabbiskow ma ilaahyo kala tagsan yaa khayrroon mise ilaah kaliya ee awoodda badan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhma caabudaysaan Eebe ka sokow waxaan magacyo aad magacowdeen ahayn idinka iyo Aabayaalkiin oon Eebe u soo dejinin xujo, xukunkana Eebe mooyee cid kale ma leh, wuxuuna faray inaydaan caabudin isaga mooyee, saasaana diinta toosana laakiin Dadka badankood ma oga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaaxiibadayda xabbiskow midkiin wuxuu waraabin sayidkiisa khamro, kan kalase waa la wadhi (Dili) oy shimbiruhu ka cuni Madaxiisa, waana la xukumay amarkaad warsateen.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna (Yuusuf) ku yidhi kii uu u Maleeyay inuu nabad gali oo midkooda iigu sheeg Sayidkaaga agtiisa, Waxaase halmaansiiyay Shaydaan Xusidda Eebihiis, wuxuuna (Yuusuf) ku Nagaaday Xabbiska Dhawr sano.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXaakinkii wuxuu yidhi waxaan arkay Todobo sac oo Shilshilis oy cunayaan todobo Wayda, iyo Todobo sabuul oo cagaaran, iyo kuwo kaloo ingagan dad Yahaw iiga warrama Riyadayda hadaad Fasiri kartaan riyada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhaheen waa qaraw annaguna ma naqaanno Fasirka qarawyada «dhadhabka».
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi kii nabadgalay oo midkooda markuu xasuustay muddo ka dib Anaa idiinka Warrami fasirkiisa ee i dira.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi Yuusufow Saaxiibow nooga warran Toddoba sac oo Shilshilis oycunayaan todobo Wayd ihi iyo todobo Sabuul oo cagaaran iyo kuwo ingagan oo kale inaan ula noqdo dadka inay ogaadaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxuuna yidhi waxaad tacbanaysaan Todoba Sano oo israaesan ee waxaad goosataan ku daaya Sabuulkiisa wax yarood cunaysaan mooyee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkaas waxaa imaan arrintaas ka dib Todobo daran (abaara) oo cuni waxaad hor marsateen wax yar ood kaydsateen mooyee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkaas ka dib waxaa imaan Sano loo gargaaro Dadka oo dhexdeeda ay wax miiran (Barwaaqo).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Xaakimkii ii keena Yuusuf markuu kii loo diray u yimidna wuxuu ku yidhi ku noqo Sayidkaaga oo warso muxuu ahaa Xaalkii haweenkii iska Saray farahooda Eebehay waa ogyahay Dhagartooda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi Xaakimkii xaalkiinu muxuu ahaa markaad doonteen Yuusuf naftiisa waxayna Dhaheen Eebaa xumaan ka nasahane kuma ogin xumaan, Waxayna tidhi Haweenaydii Wasiirka hadduu cadaaday Xaqii anaa dalbay Yuusuf naftiisa isaguna runbuu sheegi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhArrintaasna waa inuu ogaado inaanan Khayaamin isagoo maqan iyo inuusan Eebe toosinin dhagarta Khaa'imiinta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmana bari yeelayo naftayda naftu waa farid Badanta Xumaanta Naxariis Eebahay mooyee Eebahayna waa dambi dhaafe naxariista.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Xaakimkii ii keena Yuusuf gooni ha ii ahaadee (talinta) markuu La hadlayna wuxuu yidhi adigu maanta agtannada waxaad ku tahay Sharafle aamina.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi Yuusuf iga yeel Masuulka Khasnadaha dhulka waxaan ahay aamin cilmi lehe.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsaasaan u makaninay Yuusuf dhulka (Masar) kagana tasarufi oo degi meejuu doono, waxaan gaadhsiinnaa Naxariistanada ciddaan doonno mana dhuminaynno Ajirka samo falayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAjirka aakhiraana u khayrroon kuwa rumeeyey (Xaqa) oo ah kuwa dhawrsada.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana yimid Yuusuf Walaalihiis wayna u soo galeen wuuna aqoonsaday iyagoon garanayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu darbay rarkoodii u (oofiyey miisiddii) wuxuu ku yidhi ii keena Walaalkiinna Aabbe miyeydaan arkayn inaan oofiyo Kaylka «miiska» ahayna mid dejin fiican.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddaydaan ii keeninna agtayda miisid kama helaysaan hana ii soo dhawaanina.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen waannu ka dalbi Aabbihiis waana falaynaa (sidaas).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna ku yidhi dhallinyaradiisii yeela alaabtooda (Badeecadooda) rarka dhexdiisa si ay u aqoonsadaan markay ku noqdaan Ehelkoodii inay soo noqdaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKolkay u noqden Aabahood waxay dhaheen Aabaw waa naloo diiday Beegidda (hadda kadib haduuna walaalkood raacin) ee nala dir Walaalkanno aan miisannee Annaguna waanu Ilaalin isagee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Miyaan idinku aamini karaa sidaan idiinku aaminay walaalkiis horay, Eebaa u khayrroon Dhawre waana Naxariis badane.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay fureen Alaabtoodii waxay ka heleen Badeecadoodii oo loo soo celiyay, Waxayna Dhaheen aabow maxaan rabnaa tani waa badeecadeenii oo laynoo soo celiyay Waxaanu u Shamadsanaynaa Ehelkeenna Waxaan ilaalinaynaa Walaalkanno waxaana korosanaynaa miisid riti Taasina waa beegid sahlan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi (Yacquub) idinla diri maayo intaad Ballan Eebe iga siisaan inaad iikeenaysaan wiilka in laydin koobo mooyee, markay siiyeen Ballankiina wuxuu yidhi ilaahay waxaynu sheegi waa u WakiilShaahida.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi Wiilashaydow ha ka galina (Magaalada) irrid kaliya ee ka gala irido kala Tagsan, Waxna idiinkama tarayo xagga Eebe, Amarka cidaan Eebe ahayn maleh, isagaan talo saartay isaga uun ha talo saarteen kuwa wax talo saaran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay ka galeen meeju faray Aabahood ma ahayn wax Eebe xagiisa wax uga tari ee waxay ahayd Dan Nafta (Nabi) Yacquub ku sugnayd oo uu Gutay, isaguna wuxuu ahaa mid cilmi leh oon Barray dadka badankiise ma oga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay u galeen Yuusuf wuxuu Dhaweeyay Walaalkiis Wuxuuna ku yidhi Anigu walaalkaabaan ahay ee haka Murugoon Waxay faleen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu darbay Safarkoodii wuxuu yeelay Galaaskii walaalkii Rarkiisa, Markas waxaa Dhawaaqay mid Dhawaaqi Safaryahaw Tuugaad Tihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen intay soo Qaabileen maxaad waydeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen Saacii Xaakimka ciddi keentana wuxuu yeelan rar riti anaana kafiil u ah.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen Eebaan ku dhaaranaye waad ogtihiin inaanaan u imaanin inaan fasaadinno Dhulka Tuugana aanaan ahayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen (Qoomkii Yuusuf) waa maxay Abaalkiisu haddaad Been sheegaysaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen Abaalkiisu waa ruuxa laga helo rarkiisa saasaana ku abaal marinnaa Daalimiinta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna ka billaabay (Fatashihii Yuusuf) Alaabtoodii Walaalkii Alaabtiisa ka hor markaasuu ka soo bixiyey Weelkii Walaalkiis, saasaana u baray kaydkaas yusuuf mana ahayn mid ku waadan kara walaalkiis diinta Boqorka in Eebe doono mooyee, Waxaan kor yeelaa darajada ciddaan doono, Mid kastoo cilmi lehna waxaa ka Sarreeya cilmi badane (Eebe)
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen (Yuusuf Walaalihiis) hadduu xaday waxaa xaday mar hore Walaalkiis, markaasuu Yuusuf u Qarsaday Naftiisa oosan u muujin, wuxuuna yidhi idinkaa ka shar badan Eebana waa ogyahay waxaad sheegeeysaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayn dheheen wasiirow wuxuu leeyahay (Wiilku) Aabbo wayn oo oday ah ee qaado midkanno badalkiisa waxaan kugu aragnaa samo falee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi magan Eebe inaan waadanno midkaan ka hellay alaabtannadii agtiisa mooyee, markaas daaliminiinbaan noqonaynaa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkay ka quuesteen yey kaliyoobeen iyagoo faqi wuxuuna yidhi kii u waynaa waad ogtihiin in aabbihiin ballan adag idinka waaday iyo inaad horay ugu xadgudubteen yuusuf anugu dhulkan kama tagayo inta Aabbahay iga idmi ama Eebe i xukumi isagaa Xukun fiicane.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuun ku yidhi ku noqda Aabbihiin waxaadna dhahdaan Aabbow Wiilkaagii wuu xaday, mana furaynno waxaan ognaannay mooyee, mana nihin kuwo waxa maqan illaliya (og).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaydiina magaaladaan ahayn iyo safarkaan la soo noqonnay annaguna runbaannu sheegi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi saas ma aha ee waxay idiin qurxisay naftiinnu arrin (xaalkayguse) waa samir fiican wuxuu u dhawyahay Eebe inuu ii keeno dhammaan illeen isagaa oge falsan ehe.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuuna iskaga jeedsaday xaggooda wuxuuna yidhi walbahaarkay Yuusufow waxayna la caddadeen indhihiisu Walbahaar wuxuuna noqday mid aad u tiiraanyeysan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen dhaar allee ma daynaysid sheegidda Yuusuf intaad ka tabar gabtid ama ka halaagsantid.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi waxaan uun u sheegan xusnigayga iyo walbaharkayga Eebe, waxaana ka ogyahay xagga Eebe waxydaan ogayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Wuxuu yidhi Yacquub) Wilashayow taga oo soo daydaya (Warkii) Yuusuf iyo Walaalkiis hana ka quusanina naxariista Eebe (Farajkiisa) kama quusto farajka Eebe qoom gaala ah mooyee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkay u soo galeen Yuusuf waxay dheheen Wasiiryahow waxaa na taabtay annaga iyo Ehelkanagaba dhib waxaana la nimid badeeco liidata ee noo oofi dhammee Beegidda nuguna sadaqayso ilaahay wuxuu abaal mariyaa kuwa sadaqaystee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna ku yidhi ma ogtihiin waxaad ku fasheen Yuusuf iyo Walaalkiis idinkoo Jaahiliina.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen oo adugu ma Yuusuf baa tahay wuxuu yidhi anugu Yuusuf baan ahay kanna waa Walaalkay Eebaa nagu mannaystay (Kulmin) illeen ciddii ka dhawrsata Eebe oo samirta Eebe ma dayaca Ajirka samofalayaashee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen dhaar Eebee waxaa naga kiin doortay Eebe waana gafsanayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi canaani korkiinna ma aha maanta, Eebe ha idiin dambi dhaafo isagaa Naxariis badane.
  1. Mahmud Muhammad Abduhla taga qamiiskaygan kuna tuura Wajiga Aabbahay ha noqdo mid wax arkee iina keena Ehelkiinna dhammaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu safarkii soo baxay wuxuu yidhi Aabbahood anugu waxaan heli Yuusuf Dabayshiisii «Caraftiisii» haddaydaan i dhaliilayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen adugu wali waxaad ku sugantahay gafkii hore, (Jacaylkii Yuusuf).
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu yimid kii bishaaraynayey wuxuu ku tuuray (Qamiiskii) Wajiigiisa wuxuuna noqday mid wax arka, wuxuuna yidhi miyaanan idinku dhihin anugu waxaan ka ogahay xagga Eebe waxaydaan ogayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxayna dheheen Aabbow nooga dhaafid warso dambigannaga waan gafsanayne.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi waan idiinka dambi dhaaf warsandoonaa Eebahay isagaa dambi dhaafe Naxariista ehe.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay u galeen Yuusuf wuxuu isu dumay Labadiisii Waalid, Wuxuuna yidhi gala Masar Eebe hadduu Doono idinkoo aamina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna u koryeelay labada waalid Kursigii, Waxayna ula hoobteen Sujuud, «Salaan» wuxuuna yidhi Aabbow waatan Fasirkii Riyadaydii horay, Wuxuu ka yeelay Eebahay Xaq (sugan) wuuna ii Wanaag falay Markuu iga soo Bixiyay Xabbiska idinkana keenay Baadiyaha Kadib intuu Shaydaan fasaadiyay ani iyo Walaalahay Dhexdanada Eebahayna waa u turaha wuxuu Doono waana Oge falsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebow waxaad i siisay Xukun Waxaadna i bartay Fasiraadda riyada, Eebaha abuuray Samooyinka iyo Dhulkow adaa wali (Gargaare) ii ah aduun iyo Aakhiroba ee i oofso anoo Muslim ah ina Haleeshii kuwa suuban.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKaasi waa wararka wax Maqan Annagaana Kuu Waxyoon, Mana aadan ahayn Agtooda Markay kulmayeen Amarkoodii iyagoo Shirqooli,
  1. Mahmud Muhammad AbduhDadka badankiisna ma Rumaynayaan aad kuba Dadaashide.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWax ujuura ahna kama Warsanaysid (Xaqa) waa uun waanada Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBadanaa Calaamad samooyinka iyo Dhulka oo ay Marayaan iyagoo ka Jeedsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana rumaynayaan Badankoodu Eebe iyagoo la Wadaajin mooyee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa waxay ka Aamin noqdeen inay u timaado MasiiboCadaabka Eebe ama ugu Timaado Saacaddu Kado iyagoo ogayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDheh tan waa waddadayda (xaqa ah) Waxaana ugu yeedhi (dadka) Xagga Eebe anoo Ku sugan Xujo cad aniga iyo inta i raacda, Waxaana Nasahay Eebe, kamidna ma ihi Mushrikiinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa ahayn kuwii aan diray hortaa waxaan Rag loo Waxyoodo ahayn o Ehelka Magaalooyinka miyayna soconin Dhulka oo ay Fiiriyaan siday noqotay Cidhibta Kuwii ka horeeyay, Daarta Aakhiro yaana u khayrroon kuwii Dhawrsadayee Miyaydaan kasayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkay Quusteen Rasuuladii una Maleeyeen in la beeniyay waxaa U yimaadda gargaarkanaga waxaana korinaynaa ciddaan doono lagamana celiyo Ciqaabtannada Qoomka Danbiilayaasha ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa ugu sugan Qisadooda waano Kuwa Caqliga leh, mana aha Sheeko la Been abuurtay Waase urumayn wixii ka horeeyay (oo Kutubtii Xaqa ahayda) iyo Caddaynta Wax kasta iyo Hanuunka iyo Naxariista Ciddi Rumayn Xaqa.