مريم
Maryam
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad Abduhwaa la soo sheegay kuwo lamid ah.
- Mahmud Muhammad Abduh(kanna) waa sheegid naaxariista Eebahaa addoonkiisa zakariye.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkuu u dhawaaqay Eebihiis dhawaaq qarsoodi ah.
- Mahmud Muhammad Abduhyidhina Eebow anigu waan tabaryaraaday madaxayguna wuxuu la huray cirro, Mana ahayn baryadaada Eebow mid ku khasaara.
- Mahmud Muhammad Abduhanigu waxaan ka cabsan qaraabada iga dambaysa (inay xumaadaan) haweenaydayduna waa mandhalays iga sii agtaada wali (walad).
- Mahmud Muhammad Abduhi dhaxla (nabinimada) oo dhaxla ehelkii yacquub kana yeel Eebow mid laga raalli noqdo.
- Mahmud Muhammad Abduhzakariyow annagu waxaanu kuugu bishaarayn wiil magaciisu Yahay yaxye oonaan u yeelin horay wax lamid ah (lamagac ah).
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Eebow sidee iigu ahaan wiil iyadooy tahay haweeneydaydu madhalays oon ka gaadhay waynida gabow.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi waa saas, wuxuuna Eebaha yidhi isagu waa ii Fududahay waana ku abuuray horay adoon ahayn waxba.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi Eebow ii yeel calaamo (xaqnimada yaboohaada) wuxuu yidhi (Eebe) calaamadaadu waa inaadan la hadlin dadka seddex habeen oo israacsan (adoo fayow).
- Mahmud Muhammad Abduhmarkaasu ugaga soo baxay qoomkiisii mixraabka wuxuuna u ishaaray xaggooda inay tukadaan aroor iyo galabba.
- Mahmud Muhammad Abduh(waxaa loo yidhi) yaxyow ku qaado kitaabka (tawreed) xoog (dadaal) waxaan siinnay xigmo isagoo yar.
- Mahmud Muhammad Abduhiyo naxariis agtanada ka ahaatay iyo daahirnimo wuxuuna ahaa dhawrsade.
- Mahmud Muhammad Abduhiyo baarri labadiisa waalid mana ahayn daalim caasi ah.
- Mahmud Muhammad Abduhnabadgalyo korkiisa ha ahaato maalinta la dhalay iyo maalintuu dhiman iyo maalinta la soo bixin isagoo nool.
- Mahmud Muhammad Abduh(ku xusuuso) kitaabka maryama markay uga fogaatay ehelkeeda meel bari ah, (bariga qudsi).
- Mahmud Muhammad Abduhoyna ka yeelatay xaggeeda astur, oon u dirray xaggeeda ruuxannagii (jibriil), oo isugu shabahay dad eg.
- Mahmud Muhammad Abduhuna tidhi anigu waxaan kaa magan galay (Eebaha) Raxmaan ah haddaad tahay dhawrsade.
- Mahmud Muhammad Abduhkuna yidhi anigu waxaan uun ahay rasuulka Eebahaa inaan ku siiyo wiil daahir ah.,
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna tidhi sidee iigu ahaan wiil anoosan i taaban dad, ahaynna mid xun (la tuhmo).
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi waa sidaas wuxuuna yidhi Eebahaa wuu u fududyahay yidhi Eebahaa wuu u fududyahay korkayga iyo inaan uga yeello calamaad dadka iyo naxariis xagayga ah waana arrin la xukumay (dhammeeyey).
- Mahmud Muhammad Abduhway xambaartay (uurowday) waxayna u fogaatay meel dheer (durugsan).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna u dhibaataysay fooshii jirrid timir waxayna tidhi shalleytee maan dhinto ka hor arrintan oon noqodo mid la halmaamo o laga tago.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna uga dhawaaqay hoosteeda ha murugoonin wuxuu yeelay Eebahaa hoostaada wabi (yar).
- Mahmud Muhammad Abduhuna gilgil xaggaaga jirridda timirta ha kuu soo riddo korkaaga timir (curdana) oo fiicane.
- Mahmud Muhammad Abduhee cun oo cab qabowsana il (farax) haddaad ka aragto dadkana ruux waxaad dhahdaa anigu waxaan ugu nadray (Eebaha) Raxmaan oon u soomi oonan la hadlin maanta cidna.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna ula timid ciise qoomkeeda uyadoo xambaarsan waxayna dheheen maryamoy waxaad la timid wax wayn.
- Mahmud Muhammad Abduhharuun walaashiisay (u eg wanaagga) ma eheyn aabahaa ruux xun, mana ahayn hooyadaa mid xun (la tuhmo).
- Mahmud Muhammad Abduhwayna u ishaartay xaggiisa waxayna dhaheen sideen ula hadlaynaa ruux ku sugan Sariirilmood isagoo yar.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi (ciise) anigu waxaan ahay addoon Eebe, wuxuuna i siiyey kitaabka (injiil) wuxuuna iga yeelay nabi.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna iga yeelay mid la barakeeyey meel kastoon ahay, wuxuuna ii dardaarmay salaadda iyo zakada intaan noolahay.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna iga yeelay baarriga waalidaday (hooyaday) igamana yeelin madax adage xun.
- Mahmud Muhammad Abduhnabadgalyana ha ahaato korkayga maalintii lay dhalay iyo maalintaan dhiman iyo maalinta laysoo bixin anoo nool.
- Mahmud Muhammad Abduhkaasi waa Ciise ibnu maryama, waana hadalka xaqa ah ee ay shakin.
- Mahmud Muhammad Abduhkuma haboona Eebe inuu yeesho ilmo, waana ka nasahanyahay, markuu doono xukun «amar» wuxuu uun dhahaa ahaw wuuna ahaan.
- Mahmud Muhammad AbduhIlaahay waa Eebahay iyo Eebihiin ee caabuda, kaasaa ah jidka toosane.
- Mahmud Muhammad Abduhwayse iskhilaafeen xisbiyadii dhexdooda wuxuuna halaag uga sugnaaday kuwii gaaloobay kulan maalin wayn.
- Mahmud Muhammad Abduhmaqli ogaa oo arki ogaa maalintay noo imaan, hase yeeshee daalimiintu maanta waxay ku suganyihiin baadi cad.
- Mahmud Muhammad Abduhuga dig iyaga maalin qoomamo, marka la xukmin amarka iyagoo kusugan halmaansho oon rumeynayn.
- Mahmud Muhammad Abduhannagaa dhaxli dhulka iyo waxa korkiisa ah xagganagaana laydiin soo celin.
- Mahmud Muhammad Abduhku sheeg kitaabka (nabi) Ibraahim, wuxuuu ahaa runbadane nabi ah.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkuu ku yidhi aabihiis aabbow maxaad u caabudi waxaan maqlayn waxna arkayn kaana qeeqayn waxba.
- Mahmud Muhammad Abduhaabow aniga waxaa ii yimid cilmi waxaan adi kuu imaanin ee i raac aan kugu hanuuniyo jid toosane (xaqa).
- Mahmud Muhammad Abduhaabbow ha caabudin shaydaan, shaydaanku wuxuu u yahay Eebaha Rasmaan ah caasi.
- Mahmud Muhammad Abduhaabbow anigu waxaan ka cabsan inuu ku taabto cadaabka Eebaha Raxmaana ah ood u noqoto shaydaan qaraabo.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (aabihiis) ma waxaad nici adigu ilaahyadayda Ibraahimow hadaadan joogin waan ku dhagaxyeyn ee iga tag waligeed.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (nabi) Ibraahim nabadgalyo korkaaga ha ahaato waan kuu dambi dhaaf warsan adiga Eebahay, Eebe waa ii naxariiste.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana idinka fogaan idinka iyo waxaad caabudaysaan oo Eebe ka soo hadhay, waxaana baryi Eebahay, waxaana mudan inaanan ku noqonin baryada Eebahay mid ku xumaada (khasaara).
- Mahmud Muhammad Abduhmarkuu ka fogaaday iyaga iyo waxay caabudi oo Eebe ka soo hadhay waxaan siinay Isxaaq iyo Yacquub mid kastana waxaan ka yeellay nabi.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ka siinnay naxariistanada (wanaag) waxaana u yeellay amaan run ah oo sarraysa.
- Mahmud Muhammad Abduhku sheeg kitaabka (nabi) Muuse wuxuu ahaa rasuul nabi ah.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana uga dhawaaqnay dhinaca (buurta) dhuur ee midigta ah, waana soo dhawaynay annagoo la hadli.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ka siinnay naxariistanada walaalkiis Haaruun oo nabi ah.
- Mahmud Muhammad Abduhkuna sheeg kitaabka (nabi) Ismaaeiil, wuxuu ahaa rumeeyaha yabooha wuxuuna ahaa rasuul nabi ah.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna ahaa mid fara chelkiisa salaadda iyo zakada, wuxuuna ahaa mid Eebe agtiisa lagaga raalli yahay.
- Mahmud Muhammad Abduhkuna sheeg kitaabka (nabi) Idriis, wuxuu ahaa runbadane nabi ah.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana u koryeellay meel sare.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwaas waa kuwuu u nicmeeyey Eebe oo nabiyadii ah, oo durriyadii aadam ah, iyo kuwaan xambaarray la jirka (nabi) nuux iyo durriyaddii nabi Ibraahim iyo israa'iil iyo kuwaan hanuuninay oon doorannay, marka lagu akhriyo korkooda aayaadka Eebaha Raxmaan ah way dhacaan iyagoo sujuudi oo ooyi.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaase ka gadaal maray kuwo xun oo dayacay salaadda oo raacay waxay naftoodu doonto (oo xun) waxayna la kulim sharr.
- Mahmud Muhammad Abduhcidda toobad keenta oo rumeysa oo camal fiican fasha mooyee, kuwaasu waxay gali jannada lagamana dulmiyo waxba.
- Mahmud Muhammad Abduhjannooyinka cadnin (yey gali) ee ah tuu u yaboohay (Eebaha) Raxmaana addoomadiisa, iyagoo maqan, wuuna ahaan yaboohiisu kii yimaadda.
- Mahmud Muhammad Abduhkuma maqlaan dhexdeeda hadal macno darro, ee waxay maqlaan salaan, waxayna ku mudan rizqigooda dhexdooda aroor iyo galabba.
- Mahmud Muhammad Abduhtaasi waa jannada aannu dhaxalsiin addoomadanada kooda ah mid dhawrsada.
- Mahmud Muhammad Abduhkuma soo dagno amarka Eebahaa mooyee, waxaa u sugnaaday waxa horteenna ah, iyo waxa inaga dambeeya iyo waxa u dhexeeya arrintaas, mana aha Eebahaa mid halmaansan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya ee caabud kuna samir cibaadadiisa, ma u ogtahay Eebe wax la mid ah, (oo la magaca).
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuu dhihi dadkii (gaalka) ma markaan dhinto yaa laysoo bixin anoo nool.
- Mahmud Muhammad Abduhmiyuuna xusuusanayn dadku anagu inaanu abuuray horay isagoon waxba ahayn.
- Mahmud Muhammad AbduhEebahaan ku dhaartaye waannu kulmin iyaga iyo shayaadiinta, waxaana keenaynaa gaararka jahannamo iyagoo fadhiya.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkaas waxaannu ka siiban koox kasta midkooda ugu daran madax adayg (gaalimada).
- Mahmud Muhammad Abduhannagaa og kuwa mudnaan badan galidda naarta.
- Mahmud Muhammad Abduhcid idinka mid ah oon ku aroorayn ma jiro naarta, arrintaasna waxay ku ahaatay Eebahaa wax go'an oo xukuman.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaas waxaannu korin kuwa Dhawrsaday, waxaannu kaga tagi Daalimiinta Dhexdeeda iyagoo Jilbo u Fadhiya.
- Mahmud Muhammad Abduhmarka lagu akhriyo korkooda aayaadkanaga oo cad cad waxay u dhihi kuwii gaaloobay kuwa rumeeyey labada kooxood midkee khayrroon naggadi oo wanaagsan kulan (fadhi).
- Mahmud Muhammad Abduhbadanaa intaan halaagnay hortood quruun ka fiican xoolo (iyo dhar) iyo aragba.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa ciddii baadi ku sugan ha u fidiyo (sugo) Eebaha Raxmaana ah fidin, markay arkaan waxaa loogu gooddiyey ama cadaaba ama saacadda (qiyaame) waxay ogaan cidday xumaan badantahay gurigiisu oo taharyar junuud (ciidamo).
- Mahmud Muhammad Abduhwuu u siyaadiyaa Eebe kuwa hanuunay hanuun, kuwa hadha ee suuban (camalka) yaa khayrroon Eebahaa agtiisa abaal marin khayrna roon meel laysu celiyo.
- Mahmud Muhammad Abduhka warran midka ka gaalooby aayaadkanaga oo yidhi waxaa lay siin (aakhiro) xoolo iyo carruur.
- Mahmud Muhammad Abduhma wuxuu daalaeday waxa maqan, mise wuxuu ka yeeshay Eebaha Raxmaana agtiisa ballan.
- Mahmud Muhammad Abduhsaas ma aha ee waannu qori wuxuu sheegi, waxaana u fududaynaa (kordhin) cadaabka fidin.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana dhaxlaynaa wuxuu sheegi wuxuuna noo imaan kali.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay yeesheen Eebe ka sokow ilaahyo inay ugu noqdaan cizi (tabar).
- Mahmud Muhammad Abduhsaas ma aha ee waxay ka gaaloobi cibaadadooda, waxayna ku noqon korkooda lid (col).
- Mahmud Muhammad Abduhmiyaadan ogayn inaan ku dirro shayaadiinta gaalada oy boorrin (baadiyeyn) baadi.
- Mahmud Muhammad Abduhee ha ku degdegin korkooda, waannu uun u tirin tirec.
- Mahmud Muhammad Abduhxusuuso maalintaan u kulmineyno kuwa dhawrsaday Eebaha Raxmaana iyagoo wafdi ah.
- Mahmud Muhammad Abduhoon u kaxaynayno dambiilayaasha xagga jahannamo iyagoo aroora.
- Mahmud Muhammad Abduhmana hantaan shafeeco cid ka yeelata Eebaha Raxmaana agtiisa ballan mooyee.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen (gaaladu) wuxuu yeeshay Eebaha Raxmaana ilmo.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad la timaadeen wax wayn.
- Mahmud Muhammad Abduhoy u dhawdahay samooyinku inay la dillaacaan lana jeexmo dhulku oy la hoobato buuruhu burbur.
- Mahmud Muhammad Abduhinay u sheegeen Eebaha Raxmaana ilmo.
- Mahmud Muhammad Abduhkuma habboona Eebaha Raxmaana inuu yeesho ilmo.
- Mahmud Muhammad Abduhwax kastoo Samada iyo Dhulka ku sugan uxuu u imaan Eebe isagoo Addoona.
- Mahmud Muhammad Abduhwuu koobay Eebe wuuna Tiriyey Tiro.
- Mahmud Muhammad AbduhDhammaantoodna waxay u imaan Eebe Qiyaamada iyagoo Kali ah.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwa Xaqa rumeeyey ee Camal fiican falay wuxuu u yeeli Eebaha Raxmaana Jacayl.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaan uun ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inaad ugu Bishaarayso Quraanka kuwa dhawrsada uguna Digtid Qoom dood badan (oo xun).
- Mahmud Muhammad AbduhBadanaa intaan halaagnay hortood Qarni, ma ka kasaysaa xaggooda (aragtaa) Ruuxna, ama ma ka maqli xaggooda Cod.