طه

Taha

Suuradda 20 · Makki · 135 aayadood · Soo degidda: 45

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhaahaa (Nabiyow) micna kalana
  1. Mahmud Muhammad Abduhmaanaan dejin korkaaga Quraanka inaad ku Dhibbooto.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaase waanada Ciddii cabsan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaana soo dejinta Eebaha Abuuray Dhulka iyo Samooyinka sare.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha Raxmaana Carshiguu ku Istawooday (si u cunanta).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana u sugnaaday waxa Samooyinka iyo Dhulka ku sugan iyo waxa u dhaxeeya iyo waxa ka hooseeya Dhulka.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddaad kor u Qaaddo Hadalka Eebe waa ogyahay waxa qarsoon iyo waxa la qariyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe Ilaah kale ma jiro isaga mooye, waxaana u sugnaaday Magacyo Fiican.
  1. Mahmud Muhammad Abduhma ku soo Gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu arkay Dab oo u yidhi Ehelkiisa Nagaada (suga) Anigu waxaan Arkaa Dabe, waxaana u dhawahay inaan idiinka keeno Dhuxul ama aan ka helo Dabka korkiisa Cid wax tusisa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkuu yimid (Muuse) Dabkii waxa loogu Dhawaaqay Muusow.
  1. Mahmud Muhammad Abduhanigu waxan ahay Eebahaa ee Siib Kabahaaga Adigu waxaad ku sugantahay Toggii Daahirnaa ee Dhuwa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhanaana ku doortay ee maqal waxa laguu waxyoon.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnigu waxaan ahay Alle Ilaah (kalana) ma jiro Ani mooyee ina Caabuda, Oogna Salaadda Xuskayga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaacadda (Qiyaame) way imaan waxaana u Dhawayahy inaan Qariyo in laga Abaal mariyo Naf kasta waxay Camal Fashay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Yuusan kaa lilin Xaggeeda Ruuxaan Rumeyn Saacadda, raacayna Hawadiisa (Xun) ood Halaagsanto.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaa maxay Taas midigtaada ku Jirta Muusow (ogaal waydiin).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi iyada waa Ushaydii waa Cuskadaa Korkeeda waxna waan ugu Lulaa Adhigayga Dana kalana waa iigu sugnaadeen.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Eebe) Tuur Usha Muusow.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuuna Tuuray waayna soo baxday Mas Ordi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi (Eebe) Qaad hana Cabsanin waxaannu ku celin Xaalkeedii Horce.
  1. Mahmud Muhammad AbduhU Dum Gacantaada Garabkaaga waxay soo Bixi iyadoo Cad Xumaan la'aan, waana Calaamad kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhInaan ku tusinno Aayaadkanaga wey.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Aad xagga Fircoon wuu Xadgudbaye (Kibray).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Muuse Eebow ii waasici Laabta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhiina Sahal (fududee) Amarkayga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhFurna Guntinta Carrabkayga.
  1. Mahmud Muhammad Abduhha Kaseen Hadalkeygee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIina yeel Wasiir Ehelkeyga ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaaruun Walaalkay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuna adkee «Xooji» Tabartayda (Dhabarkayga).
  1. Mahmud Muhammad AbduhLana wadaaji Amarkayga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhInaan kugu Tasbiixsanno wax badan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhoon ku Xusno wax badan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAdugu waxaad tahay mid na Arkee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (Eebe) waa lagu siiyey Warsigaagii Muusow.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana kugu Mannaysannay Wanaag (ku siinay) korkaaga markale.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkaan u waxyoonay Hooyadaa (ku ilhaamay) wixii lagu ilhaameeye.
  1. Mahmud Muhammad Abduhku Tuur Muuse Taabud, kuna tuur Taabuudka Hirka Badda, Hirkuna ha ku rido Xeebta, waxaa qaadan Colkayga iyo Colkiisa (Fircoon), waxaana kugu tuuray Jeceylkeyga korkaaga iyo in lagu barbaariyo Ilaalintayda.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(waxaan kugu Mannaysanay) markay Socotay Walaashaa oy lahayd maydin tusiyaa Ruux idiin Dhaqaalayn waxaana Kugu eelinay Hooyadaa si ay u qabowdo isheedu, oyna Murugoon, waxaadna Dishay Naf waana kaa korinay walbahaar, waana ku Imtixaanay Imtixaan, waxaadna ku nagaatay Sanooyin Ehelkii Madyan, markaasaad ku timid Qaddar (Eebe) Muusow.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana kuu doortay Naftayda.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee La taga Adiga iyo Walaalkaa Aayaadkayga hana ka daalina Xuskayga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAad Xagga Fircoon wuu Xadgudbaye.
  1. Mahmud Muhammad Abduhuna dhaha Hadal Jilicsan bal inuu waxa xusuusto ama Cabsado.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen Eebow waxaannu ka Cabsan inuu nagu degdego ama nagu xadgudbo.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Eebe) ha Cabsanina anaa idinla jira waana Maqli oon Arkaa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee u Taga (Fircoon) una dhaha annagu waxaan nahay Rasuulladii Eebahaa ee Dir (u daa) Banii Israa'iil hanala jireene, hana Cadaabin (Ciqaabin) waxaan kuula nimid Aayad xagga Eebahaa, nabadgalyana ha ahaato Tuuxii raaca Hanuunka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnaga waxaa Naloo Waxyooday in Cadaab u Sugnaaday Ruuxii Beeniya (Xaqa) oo Jeedsada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi (Fircoon) waayo Eebihiin Muusow.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (Muuse) Eebahanno waa kan Siiya wax kasta Abuurkiisa oo Toosiyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (Fircoon) Sidee Yahay Xaalkii Quruumihii hore.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi (Muuse) Cilmigoodu waa Eebe Agtiis Kitaab aan ka dhumeyn Eebe uuna Halmaameyn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa Eebaha ka yeelay Dhulka Gogol, oo idinka bixiyey Dhexdeeda Waddooyin oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Noocyo Doog ah oo kala Tagsan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Cuna oo Daajiya Xoolihiinna, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa Caqliga leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXaggeedaan (Dhulka) idinka Abuuray, Dhexdeedana idinku Celin, Xaggeedaana Laydinka soo Bixin Mar Kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan Dhab ahaan u Tusinay (Fircoon) Aayaadkanaga Dhamaan, wuuna Beeniyey oo Diiday.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (Fircoon) Ma waxaad noola timid Inaad nagaga Bixiso Dhulkanaga Sixirkaaga Muusow.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaannu kuula imaanaynaa Sixir la mid ah ee mooyeel Dhexdeenna Balaan aynaan Baajinayn anaga iyo Adigu, Meel eg (La yaqaan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (Nabi Muuse) Ballankeennu waa Maalinta Quruxda (Kulankooda) waana in la soo kulmiyo Dadka Barqin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuuna jeedsaday Fircoon wuxuuna kulmiyey Dhagartiisii wuuna yimid.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ku yidhi Muuse Magaciin be ha ku Abuuranina Eebaha korkiisa Been oos idinku Halaago Cadaab, waxaana Khasaaray Ruuxii Been Abuurta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ku Doodeen amarkooda dhexdooda wayna faqeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dheheen Labadani waa Saaxirro waxayna dooni inay Idinkaga Bixiyaan Dhulkiinna Sixirkooda oy la tagaan Dariiqadiinna (Sharaftiinna) Fiican.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Kulmiya Dhagar (tiinna) Imaadana idinkoo Saf ah waxaa Liibaanay Maanta Ciddii Sarreysee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen Muusow ama Tuur Usha ama aan anagu ahaanno kuwa hor tuura.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Muuse) bal Tuura waxaana soo baxay xadhkahoodii iyo Ulahoodii oo loogu ekeysiiyey sixirkoodii inay ordi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna ka kasay naftiisa Cabsi Muuse.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana nidhi ha Cabsan adigu adaa Sarreyne.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTuur waxa midigtaada ku jira ha gurato waxay sameeyeene, waxay uun sameeyeen Dhagar sixir, mana Liibaano Sixirrow meejuu yimaaddo.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaa la riday Saaxiriintii iyagoo Sujuudi, waxayna dheheen waxaan rumeynay Eebaha Haaruun iyo Muuse.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi (Fircoon) miyaad u rumeyseen ka hor idankayga isagu waa kan idinku wayn ee idin baray Sixirka waxaaan goyn Gacmihiinna iyo Lugihiinna si isdhaaf ah waxaana idinku (daldali) wadhi Jirrid Timir, waxaadna ogaanaysaan midkanaga daran cadaab hadhidna badan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dhaheen ka dooran meyno waxa noo yimid oo xujo ah iyo Eebaha na abuuray, ee xukmi waxaad xukumi, waxaad uun xukumi nolosha adduunyo.
  1. Mahmud Muhammad Abduhannagu waxaan rumeeynay Eebahanno inuu noo dhaafo gafafkanaga iyo waxaad nagu qasabtay (fircoon) oo Sixira Eebaa Khayrroon oo hadhi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhruuxii u yimaadda Eebihiis (aakharo) isagoo dambiile ah waxaa u sugnaaday jahannamo kumana dhinto dhexdeeda kumana noolaado.
  1. Mahmud Muhammad Abduhruuxiise u yimaadda isagoo Mu'min ah oo falay camal fiican kuwaas waxaa u sugnaaday Jannooyinka sare.
  1. Mahmud Muhammad AbduhJannooyinka nagaadiga (yey gali) ooy socoto dhexdeeda Wabiyaal iyagoo kuwaari dhexdeeda, taasina waa abaalmarinta Ciddii nadiif noqota.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaan dhab ugu waxyoonay (Nabi) Muuse guuri Addoomahayga uguna yeel waddo Badda oo ingagan hana ka cabsan haleel, hana cabsan (Badda).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana raacay Fircoon (oo wata) Colkiisii waxaana ka daboolay hirka Xaggiisa wax daboolay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna dhumiyey Fircoon Qoomkiisii mana hanuunin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBanii Israa'iilow waxaan idinka korinay Cadawgiinna, waxaana idinkula yaboohtanay (ballari) dhinieii buurta ee midig, waxaana ku soo dejinay kor kiinna Macaan iyo Shimbir.
  1. Mahmud Muhammad Abduhka cuna wanaaggaan idinku Arsuqay hana ku xadgudbina dhexdiisa, oo idinku dhaco cadhadaydu, ruuxay ku dhaedo cadhadaydu dhabbuu u Hoobtay (halaagmay).
  1. Mahmud Muhammad Abduhanigu waan u dhaafid badanahay ruuxii Toobad keena oo rumeeya oo fala wanaaga oo hanuuna.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmaxaa kaa soo dedejiyey Qoomkaagii Muusow.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Muuse) iyagu waa kuwan raadkaygay ku soo joogaan, waana kuu soo dag degay Eebow inaad iga raalli noqoto.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Eebe) Annagu waxaan imtixaannay qoomkaagii gadaashaa waxaana dhumiyey Saamiri.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmarkaasuu u noqday (Nabi Muuse) qoomkiisii isagoo cadhaysan oo walbahaarsan wuxuuna yidhi qoomkayow miyuuna idiin yaboohiin Eebihiin yabooh wanaagsan, ma waxaa idinku dheeraaday korkiinna ballankii mise waxaad doonteen inay idinku dhaedo Cadhada Eebe ood u baajiseen ballankaygii.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen maanaan u baajin ballankaaga awooddanada waxaase nala saaray culaysyo Alaab oo ah waxa qoomku isku qurxinjireen waana tuurray siduu u tuuray Saamiri.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna u soo bixiyey dibi muuqal ah oo ood leh, waxayna dhaheen kani waa Ilaahiin iyo Ilaahii Muuse wuuna halmaamay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmiyeyna arkay inuusan u soo Celinayn Hadal una hananayn dhib iyo Nacfi (midna).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuunau yidhi Haaruun mar hore qoomkayow waa uun laydinku fidmeeyey, Eebihiinna waa Raxmaan ee i raaca, adeecana amarkayga.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dhaheen kama tagayno korkiisa inaan ku nagaanno intuu nooga soo noqon muuse.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (muuse) Haaruunow maxaa kuu diiday markaad aragtay inay dhumeen.
  1. Mahmud Muhammad Abduhinaadan raacin ma waxaad caasiday Amarkeygii.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Haaruun) ina hooyow hayqabanin Gadhka iyo madaxa, anigu waxaan ka cabsaday inaad dhahdo waxaad kala gaysay Banii israa'iil dhexdooda oodan maqlin hadalkayga.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (muuse) xaalkaagu muxuu yahay Saamiriyow.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi waxaan arkay waxayna arkin, waxaana qaatay wax ka mid ah raad rasuul (malaga) waana tuuray saasayna ii qurxisay naftaydu.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Muuse) tag, waxaa kuu sugnaaday nolosha inaad dhahdo taabasho ma jirto, waxaana kuu sugnaaday waqti aadan baajinayn, day ilaahaagii aad ahayd mid ku kor nagi (caabudi) waanu gubi markaas waxaana ku firdhin mowjadda (badda) firdhin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebihiin waa uun Ilaahiinna ah kaan Eebe jirin isaga mooyee, wuuna u waasac noqday wax kasta ogaansho.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsaasaan kuugu qisoon (sheegi) warkii hor maray, waxaana kaa siinay agtanada quraan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhciddii ka jeedsata xaggiisa waxay xambaari maalinta qiyaame culays (dambi).
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyagoo ku waari (ciqaabta) dhexdeeda waxaana u xumaaday iyaga maalinta qiyaame rar.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaa maalinta la afuufi suurka, oon soona kulmineyno dambiilayaasha maalintaas iyagoo indho cawlan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwayna is warsan (xansan) dhexdooda maydaan ku nagaanin (adduunyada) Toban mooyee (maahmood)
  1. Mahmud Muhammad Abduhanagaa og waxay dhihi, markuu dhihi kooda ugu jid leh maydaan nagaanin maalin mooyee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay ku warsan Buuraha waxaad dhahdaa waxaa burburin Eebahay burburin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna ka yeeli meel siman oo ebar ah.
  1. Mahmud Muhammad Abduhku arki maysid qallooc iyo taag midna.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmaalintaas waxay raaci dhawaaqaha, kamana leexdaan waxayna u xasishay Cododku Eebaha Raxmaana mana maqashid shanqadh mooyee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmaalintaas ma anfacdo shafeeco cid Eebaha Raxmaana idmo oo ka raalli noqday hadalkiisa mooyee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ogyahay Eebe waxa hortaada ah iyo waxa ka dambeeya mana ku koobayaan Eebe ogaansho.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay u khuduucday Wajiyadu Eebaha nool ee wax maamula, waxaana khasaaray ruuxii xambaara dulmi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhruuxii fala wanaag isagoo rumeeyey kama Cabsado dulmi iyo nusqaamin midna.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsaasaanu kugu soo dejinnay Quraan Carabi ah uguna caddaynay ((celcelinay) dhexdiisa Gooddi inay dhawrsadaan darteed ama u timaado xusuus (waano).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaa sarreeya Eebaha xaakimka xaqa ah, hana ku degdein quraanka ka hor dhamayn waxyigiisa xaggaaga, waxaadna dhahdaa Eebow ii kordhi Cilmi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhdhab ahaan yaan ula Ballantannay Aadan mar hore wuuna halmaamay kama aanaan helin niyo Adag.
  1. Mahmud Muhammad Abduhxusuuso markaan ku nidhi Malaa'igta u Sujuuda Aadam wayna Sujuudeen Ibliis mooyee oo diiday.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana nidhi Aadamow kani (Ibliis) waa Colkaaga iyo colka Haweeneydaada ee yuusan idinka bixinin janada ood dhibbooto.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaa kuu sugnaaday inaadan ku gaajoon dhexdeeda kuna arradin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana kuugu sugnaaday inaadan ku oomin dhexdeeda kuna Qorroxoobin.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaase waswaasiyey shaydaan wuxuuna yidhi Aadamow ma ku tusiyaa Geedda waaridda iyo xukun aan gaboobayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwayna cuneen xaggeeda waxaana u muuqday Cawradoodii, waxayna noqdeen kuwa isku dhejiya korkooda caleenta jannadam wuu caasiyey Aadan Eebihiis wuuna leexday.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaase doortay Eebihiis wuuna ka Toobadaqbalay oo hanuuniyey.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhi (Eebe) ka hoobta Jannada dhammaantiin qaarkiin qaar colbuu u yahaye, hadduu xaggayga idiinka yimaaddo hanuun ruuxii raaca hanuunkeyga ma dhumo (adduunka) mana xumaado (aakhiro).
  1. Mahmud Muhammad Abduhruuxisa ka jeedsada xuskeyga (Quraanka) waxaa u sugnaaday nolol cidhiidhi ah, waxaana soo kulminaynaa maalinta qiyaame isagoo arag La'.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna dhihi Eebow maxaad ii soo kulmisay (keentay) anoo arag la' oona ahaa arke (adduunkii).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu yidhaa (Eebe) waa saas waxaa kuu timid aayadahanaga waadna halmaantay saasaana maanta lagaaga tagi (sida halmaan).
  1. Mahmud Muhammad Abduhsaasaan ku abaal marinaa ciddii xadgudubta oon rumayn aayaadka Eebihiis cadaabka aakhiraana daran oo hadhid badan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmiyuuna u caddayn Gaalada intaan halaagnay hortood quruumo iyagoo ku socda guryahooda, taasna calaamaa ugu sugan kuwa caqliga leh.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddayna jirin kalimad u hor martay Eebahaa iyo muddo maga caaban wuxuu ahaan lahaa cadaabku mid ku soo deg dega.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee ku samir waxay sheegi kuna tasbiixso adoo mahadda Eebahaa ku dheehan ka hor qorrax soo bax iyo ka hor dhicidda, saacadaha habeenkiina tasbiixso (Tuko) iyo darfaha maalinta inaad raalli noqoto.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhawtaagin indhahaaga waxaan ugu raaxaynay nooc ka mid ah oo quraxda nolashaa adduun si aan ugu fidnayno, rizqiga Eebahaa yaase khayrroon oo hadhid badan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhfar ehelkaaga salaadda kuna samir korkeeda ku warsanmayno rizqiye annagaa ku arzuqi cidhibta (fiicana) waxaa iska leh dhawrsashada.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dheheen gaaladii muu noola yimaaddo aayad xagga Eebihiis ka timid, miyuuna u imaanin Maraggii wixii ku sugnaa Kutubihii hore.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddaan ku halaagno Cadaab Rasuulka (iyo Quraanka) ka hor waxay dhihilahaayeen Eebahannow maxaad noogu diri wayday rasuul oon raacno aayaadkaaga ka hor dullowganaga iyo khasaarahanaga.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa (Nabiyow) dhammaan way sugi ee suga, waxaad ogaan doontaan cidda jidka toosan iyo cidda hanuunsane.