الأنبياء
Al-Anbya
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhXisaabtoodii iyagoo Halmaansho ku Sugan oo Jeedsan.
- Mahmud Muhammad AbduhQuraankastee oo uga Yimaadda Xagga Eebahood kana Soo darriya way maqlaan iyagoo Ciyaari.
- Mahmud Muhammad AbduhOy shuqloontahay Quluubtoodu, waxayna hoos u dhigeen Faqii kuwii Dulmi Falay (iyagoo dhihi) kanu ma waxaan Dad idinkoo kale ahaynbaa, ma waxaad u imanaysaan sixir idinkoo Arka.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (Nabigii) Eebahaybaa Og Hadalka Samada ku Sugan iyo Dhulka, waana Maqle Oge ah.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen (Gaaladii) Saas ma aha ee waa Qarowyo saa ma aha ee wuu Been Abuurtay, Saas ma aha ee waa gabayaa ee ha noo keeno Aayad Sidii Lagu diray Kuwii hore.
- Mahmud Muhammad AbduhMayna Rumeynin Hortood Magaalo aan Halaag (La doonay) ee Ma iyagaa Rumeyn.
- Mahmud Muhammad AbduhMaanaan Dirin Hortaa Rag mooyee, kuwaas oon u Waxyoonay, ee Warsada kuwa Cilmiga leh Haddaydaan wax Ogayn.
- Mahmud Muhammad AbduhKamaanaan Dhigin (Nabiyada) Jasad (Muqaal) oon Cunayn Cunno mana ahayn kuwo Waara.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasna waxaan u Rumeynay Yaboohii waana Korrinay iyagii iyo Ciddaan Doono, waxaana Halaagnay Xadgudbayaasha.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan idiin soo Dejinay Kitaab Sharaftiinnu ku Sugantahayee Miyeydaan Kasayn.
- Mahmud Muhammad AbduhBadanaana intaan Halaagnay Magaalo Dulmi Badan (Dadkeedu) oon Ahaysiinay Gadaasheed Qoom kale.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkay kaseen Cadaabkanaga yey ahaayeen kuwo ka Carari.
- Mahmud Muhammad AbduhHa Cararina kuna noqda wixii laydiinku Raaxeeyey iyo Guryihiinna waxay u Dhawdahay in wax laydin warsadee.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dhaheen Halaaganagee waxaan nahay Daalimiin.
- Mahmud Muhammad AbduhSaasna kuma tagin Qayladoodu intaan ka yeello, wax la shafay oo Bakhtiya.
- Mahmud Muhammad AbduhMaanaan Abuurin Samooyinka iyo Dhulka iyo waxa u Dhaxeeya Anagoo Ciyaari.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaan Doono Madadaallo inaan yeelano waxaan ka yeelan lahayn Agtanada haddaan Falayno.
- Mahmud Muhammad AbduhXaqaanse ku Gannaa Baadilka oo Tirtira markaasuu tagaa, waxaa idiinku Sugnaaday Halaag waxaad Sheegaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhIlaahay waxaa u sugnaaday waxa Samooyinka ku sugan iyo Dhulka, kuwa Eebe Agtiisa ahna Iskama Kibriyaan Cibaadadiisa kamana daalaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwayna Nasahaan Habeen iyo Dharaarba kamana Noogaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxay yeesheen (Gaaladii) Ilaahyaal Dhulka Xaggiisa oo wax soo Nooleeya.
- Mahmud Muhammad AbduhHadday yihiin dhexdooda (Samada iyo Dhulka) Ilaahyo way Fasaadi Lahaayeen, waxaa ka Nasahan Eebaha Carshiga leh waxay ku Tilmaami.
- Mahmud Muhammad AbduhLama warsanayo wuxuu Falo Iyagase waa la warsan.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxay Yeesheen Eebe ka sokow Ilaahyo, waxaad Dhahdaa keena Xujadiinna, kana waa (quraanka) sheegi waxa ila jooga iyo sheegiddii kuwii iga horreeyey, Badidoodse ma oga Xaqa wayna ka Jeedsan.
- Mahmud Muhammad AbduhRasuulkaan hortaa dirayba waxaan u waxyoonay ilaah aan Ani ahayn ma jiro ee I caabuda.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay dhaheen Gaaladii wuxuu Yeeshay (Eebaha) Raxmaana Ilmo, waa ka Nasahanyahay, waase Addoomo (Malaa'igtu) la Sharrifo.
- Mahmud Muhammad Abduhkagama hor maraan Hadal iyaguna Amarkiisay ku Camalfalaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuu ogyahay waxa hortooda iyo Gadaashooda ah umana shafeecaan Ciduu ka raaliyahay mooyee iyaguna Cabsidiisay la Baqaan.
- Mahmud Muhammad Abduhruuxii dhaha oo ka mid ah Malaa'igta anaa Ilaah ah Eebe ka sokow, kaas waxaannu ku Abaal marin Jahannamo, saasaana ku Abaal marinnaa Daalimiinta.
- Mahmud Muhammad Abduhmiyeyna arkayn kuwii Gaaloobay in Samooyinka iyo dhulku ahaayeen kuwo isku dhaggan oona kala Bixinay, kana yeelay Biyaha wax kasta oo Nool ee miyeyna Rumaynayn.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana yeellay Dhulka Sugayaal (buuro) inayna la iilanin Dadka, waxaana yeellay Dhexdeeda Karimo Waddooyin ah, inay ku Toosaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ka yeelay Samada Saanqaaf ilaashan iyaguna Calaamooyinkeeda way ka jeedsan.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waa kan Abuuray Habeenka, Maalinta, Qorraxda iyo dayaxa mid kastana Falag buu Dhexdabbaalan.
- Mahmud Muhammad Abduhmaanan yeelin Dadka ka horreeyey kuwo waara ee haddaad dhimato ma iyagaa waari (Gaaladu).
- Mahmud Muhammad AbduhNaf kastaa waxay dhadhamin Geeri waxaana idinku Imtixaami Shar iyo Khayr Ibtilo darteed, xagganagaana laydiin soo Celin.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkay ku arkaan kuwii Gaaloobay waxay kaa yeeshaan jeesjees iyagoo dhihi ma kanaa kan sheegi Ilaahyihiinna iyagoo ka gaaloobi xusidda Eebaha Raxmaana.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa laga abuuray Dadka Deg deg, waxaana idin tusin Aayaadkayga ee ha degdegina.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay dhihi waa goorma Yaboohii (Cadaabku) haddaad run sheegaysaan.
- Mahmud Muhammad Abduhhadday ogyihiin kuwii Gaaloobay markaan laga reebeyn Wajiyadooda Naarta iyo Dhabarkooda oon loona gargaarayn (ma degdegsadeen).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayse ugu imaan (naartu) si kada ah wayna wareerin mana karayaan Celinteeda lamana Sugo.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa lagu jees jeesay Rasuullo kaa horreeyey waxaana ku dhacay kuwii ku jees jeesay oo Gaalada ah waxay ku jees jeesi jireen.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa yaa idinka Ilaalin Habeen iyo Dharaarba Eebaha Raxmaana waxayse iyagu ka jeedsan Xusidda Eebahood.
- Mahmud Muhammad Abduhma waxaa u sugnaaday Ilaahyo naga celin ma karaan (waxay caabudi) Gargaarka Naftooda nalagamana Magan galiyo.
- Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha cc waxaan u Raaxaynay kuwaas iyo Aabayaalkood Intuu ku Dheeraado Cimrigu, Miyeyna Arkayn Inaannu ku imanayno Dhulka Anagoo Nusqaamin (Guusha Islaamka) Miyagaa Adag.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa waxaa uun aan idiinku Digi Waxyiga Mana Maqlo Dhagoole Dhawaaqa marka loo Digi.
- Mahmud Muhammad AbduhHadduu Taabto wax Yar oo Cadaabka Eebahaa ah waxay Odhan Halaagganagee Anagaa Daalimiin ah,.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaannu u Dejinaynaa Miisaanka Cadilka ah Maalinta Qiyaame lagamana Dulmiyo Naf waxba, haba ahaado wax la eg Xabbad Khardal ah (wax yar) ee waan siinaynaa, annagaana ugu Filan Xisaabiye.
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan yaan u Siinay (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun kala Bixiye (Tawreed) iyo Nuur iyo Waanada kuwo Dhawrsada.
- Mahmud Muhammad AbduhOo ah kuwa ka Cabsada Eebahood iyagoo kali ah iyagoo Saacadda (Qiyaame) ka Cabsan.
- Mahmud Muhammad AbduhKan (Quraankuna) waa Quraan la Barakeeyey oon Soo Dejinay ee midinkaa Diidi Isaga.
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan waxaan u Siinay Nabi Ibraahim Hanuukiisa mar hore anagaana Ogayn.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii waa maxay Sawiradan aad ku kor Negidihiin (Caabudaysaan).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Caabudi.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (Nabi) Ibraahim waxaad ku Sugantihiin idinka iyo Aabayaalkiin Baadi Cad.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen ma waxaad Noola Timid Xaq Mise Adigu waxaad ka mid Tahay kuwa Ciyaari.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi Eebihiin waa Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ee ah Kan Abuuray Aniguna Arrintaas yaan ahay kuwa ka Marag Kici.
- Mahmud Muhammad AbduhEebaan ku Dhaartayc waan Dhagri Sanamyadiinna ka Dib markaad Jeedsataan Idinkoo Tagi.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ka Yeelay Burbur, Koodii waynaa mooye inay Xaggiisa u Noqdaan (Inuu Jajabiyey Isagu).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay Dheheen yaa ku falay Sidan Ilaahyadanadii Kaasi waa Daalime.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Dheheen Waxaan Maqallay Wiil Sheegi lana Dhaho Ibraahim.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen keena dadka Indhihiisa inay ku Marag Furaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay Dheheen Gaaladii Maadaa ku Falay Sidan Ilaahyadannada Ibraahimow.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi waxaa Fatay Kooda Weyn ee Kana, Waydiiya Iladday Hadli.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasay u Noqdeen Naftooda waxayna Isu Dhaheen war Idinkaa Daalimiina.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaa Loogadiyey Madaxooda (waxayna Dhaheen) Dhabbaad u Ogtahay inayna kuwani Hadlayn.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi ma waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow waxaan Idin Anfacayn waxba idinna Dhibayn.
- Mahmud Muhammad AbduhUfbaa laydin Yidhi Idinka iyo Waxaad Caabudaysaan Eebe ka Sokow Miyeydaan wax kaseyn.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dhaheen Guba una Gargaara Ilaahyadiinna Haddaad wax Falaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxan Nidhi Naaray u Noqo Qabow iyo Nabadgalyi Ibraahim.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay la Dooneen Dhagar waxaana ka yeellay kuwo Khasaaray.
- Mahmud Muhammad AbduhWaannu u Korinay (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Luudh Dhulkii aan u Barakaynay Caalamka (Shaam).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan Siinay Isxaaq iyo Yacquub oo Siyaada ah, waxaana ka Yeellay Dhammaan kuwo Suubban.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka yeellay Imaamyo ku Hanuuniya Amarkanaga, waxaana u waxyoonay Falidda Khayrka, Oogidda Salaadda iyo Bixinta Sakada waxayna ahaayeen kuwo Na caabuda.
- Mahmud Muhammad Abduh(Nabi) Luudhna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana ka Korinay Magaalaadii ahayd mid Fasha Xumo waxay ahaayeen Qoom Xun oo Faasiqiina.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Galinay Naxariistanada, wuxuuna ka mid ahaa kuwa Suuban.
- Mahmud Muhammad Abduh(Nabi) Nuuxna waa Korinay, markuu Dhawaaqay mar hore, waana ajiibnay, waana ka Korinay isaga iyo Ehelkiisaba Murugadii Waynayd.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana uga Gargaaray Qoomkii Beeniyey Aayaadkanaga, waxayna ahaayeen Qoom Xun waana Maanshaynay Dhammaantood.
- Mahmud Muhammad AbduhXusuuso (Nabi) Daawuud iyo (Nabi) Suleymaan markay Xukumayeen Beerta markuu Daaqay Adhi Qoom (Dad) waxaana ahayn kuwa Xukunkooda u Maraga (Arka).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Fahansiinay Sulaymaan, Dhammaanna waxaan Siinay Xukun iyo Cilmi, waxaana u Sakhirray Daawuud Buuraha iyagoo la Tasbiixsan iyo Shimbiraha, waana Fallaa «karraa».
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Barray Daawuud Samaynta Duruucda inay Idinka Dhawrto Dagaalkiina, ee ma Tihiin kuwo Mahadin.
- Mahmud Muhammad AbduhSuleymaanna waxaan u Sakhirray Dabaysha iyadoo Daran oo ku Socota Amarkiisa Xaggii Dhulkii ahaa kaan Barakaynay Dhexdiisa, waxaana Nahay Kuwo wax walba Og.
- Mahmud Muhammad AbduhShaydaamadana, waxaan uga Sakhirray Kuwo u Dhumban (Badda), una Fala Camal aan kaas ahayn Anagaana Ilaalinna.
- Mahmud Muhammad Abduh(Xusuuso) Ayuubna markuu u Dhawaaqay Eebihiis (Isagoo Dhihi) Aniga waxaa I taabtay Dhib Adiguna waxaad Tahay Naxariis Badane.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Ajiibnay Waxaana ka Faydnay waxa Haya oo Dhiba, waxaana Siinay Ehelkiisii iyo wax la mid ah Naxariis Xagganaga ah Darteed iyo Waanada Caalamka.
- Mahmud Muhammad AbduhXusuuso Ismaaciil, Idiriis, Dulkifli Dhammaan waxay ka mid ahaayeen kuwa Samra.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Dhex galinay Naxariis tanada waxayna ka Mid ahaayeen kuwa Suuban.
- Mahmud Muhammad AbduhNabi Yuunus (Xusuuso) markuu Tagay isagoo Cadhaysan una Maleeyey Inaanaan Cidhiidhyayn korkiisa oo uu ku Dhawaaqay Mugdiyada Dhexdooda Ilaah aan Adi Ahayn ma Jiro Nasahnaantaada Anigu waxaan ka Mid ahaa kuwa Daalimiinta ah.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Ajiibnay kana Korinay Murugtii, Saasaana u Korinaa Mu'miniinta.
- Mahmud Muhammad AbduhZakariyana (Xusuuso) markuu u Dhawaaqay Eebihiis isagoo Ich Eebow hayga Tagin Anoo Kali ah Adaa u Khayrroon Cid wax dhaxashee «u hadhee».
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Ajiibnay waxaana Siinay Yaxye waxaana u Hagaajinay Haweennaydiisii, waxayna ahaayeen kuwo u Deg dega Khayaadka oo Na barya iyagoo Rajayn oo Cabsan waxayna ahaayeen kuwa Noo Khusuuca.
- Mahmud Muhammad AbduhTiina (Xusuuso) Dhawrtay Xubinteedaa waa (maryama) oon ku Afuufnay Dhexdeeda Ruuxdanadii kana yeellay iyada iyo Wiilkeeda Calaamadda Caalamka.
- Mahmud Muhammad AbduhTani waa Diintiinii waana Diin kaliya Aniguna waxaan Ahay Eebihiin ee I caabuda.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayse isku Khilaafeen Amarkoodii Dhexdooda Dhammaanna Xagaygaa loo soo Celin.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxii Fala Wanaag isagoo Mu'min ah lagama Qariyo Camalkiisa Anguna waan u Qoraynaa.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa ka Reebban Magaalo aan Halaagnay inay soo Noqoto «Soo bixin ka hor».
- Mahmud Muhammad AbduhInta laga Furi soo (Dayn) Yaajuuj iyo Maajuuj iyaguna Jaho Sarreysa Dhammanteed yey ka soo Deg degi.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa Dhawaaday Yaboohii Xaqa Ahaa waxaana soo bixi inaytaagnaan Indhaha kuwa Gaaloobay (Iyagoo Dhihi) Halaaganagee waxaan kaga Sugnayn Halmaansho kan Waxaanse ahayn Daalimiin.
- Mahmud Muhammad AbduhIdinka iyo waxaad Caabudaysaan oo Eebe ka Soo hadhay waxay Noqon Shidaalka Jahannamo idinkuna waad ku Arooraysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhHadday Yihiin kuwaasu Ilaahyo kuma Arooreen, Dhamaanna way ku Waari.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay ku Yeelan Dhexdeeda Qaylo, waxna Dhexdeeda kuma Maqlaan.
- Mahmud Muhammad Abduhkuway u Hor martay Xagganaga Wanaag kuwaasu Xaggeeda waa laga Fogayn.
- Mahmud Muhammad Abduhmana Maqlaan Shanqadteeda iyaguna waxay Doonto Naftoodu yey ku Waari.
- Mahmud Muhammad Abduhmana Walbahaariyo Argagaxii Waynaa, waxayna kula kulmi Malaa'igtu kani waa Maalintiinnii ah Tii laydiin Yaboohay.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana Maalintaan u Duubayno Samada Sida loo Duubo Warqadaha Kitaabka, Sidaan ku Billownay Abuuriddii hore Yaana ku soo Celinaynaa, waa Yabooh korkanaga ah, annagaana Falna saas.
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan waxaan ugu Qorray Zabuur Sheegid ka Dib (Luuxul Maxfuudka) Dhulka waxaa Dhaxli Addoomadayda Suuban.
- Mahmud Muhammad Abduhkan Gaadhsiin baa ugu Sugan Ciddi Caabudi (Eebe).
- Mahmud Muhammad Abduhkumana aanaan Dirin Naxariista Caalamka adoo ah Mooyee.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa waxaa uun lay Waxyooday Aniga in Ilaaheennu Ilaah kaliya yahay ee Idinku Muslimiin ma Tihiin (Ma Hogaansameysaan).
- Mahmud Muhammad AbduhHaddayse Jeedsadaan waxaad Dhahdaa waxaan idin Ogaysiiyey si Siman (Cad) Colnimo Mana Ogi inay Dhawdahay ama Fogtahay waxa laydiin Yaboohay.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu Ogyahay waxa lala Qaylyo oo Hadala wuxuuna Ogyahay waxaad Qarinaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMana Ogi waxay u Dhawdahay inay Fidmo idiintahay iyo Raaxo Tan iyo Muddo.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (Nabigu) Eebow ku kala Xukun (Dhexdanada) Xaq, Eebahanana waa Raxmaan ee Looga Kaalmo waydiisto waxaad sheegaysaan.