الشعراء

Ash-Shu'ara

Suuradda 26 · Makki · 227 aayadood · Soo degidda: 47

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku Tusin Mucjisada Quraanka sida soo Hor martay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasi waa Aayadihii Kitaabka Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna u Dhawdahay Nabiyow inaad Halaagto Naftaada Haddayna Rumayn Xaqa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddaan Doono Waxaan kaga soo Dejinaynaa Korkooda Samada Aayad oy Noqoto Luquntoodu Miday u Khushuucdo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxkasta oo Quraana oo Uga Yimaadda Xagga Eebaha Raxmaana oo soo Darriyo (Cusboonaada) waxay ahaan kuwo ka Jeedsada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Beeniyeen (Xaqa) waxaase u Imaan Warka waxay ku Jees Jeesayeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyeyna Arkayn Dhulka Inaan ka soo Bixinno Nooc kasta oo Fiican.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasna waxaa ku sugan Aayad Badankooduna ma aha Mid Rumeyn (Xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana Waa Adkaade Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Xusuuso) markuu ugu Yeedhay Eebahaa (Nabi) Muuse inuu Aado Qoomka Daalimiinta ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQoomka Fircoon, Maydhawrsadaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi (Nabi) Muuse Eebow waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOoy Cidhiidhyanto Laabtaydu Siina Daysmin Carrabkaygu ee Dir la Jirkayga Haaruun.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna igu Leeyihiin Dambi (Godob) waxaana ka Cabsan inay I dilaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Ilaahay saas ma aha ee La aada Aayaadkanaga, Anagaa Idinla Jirra Maqlina.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee u Taga Firecoon una Dhaha Annagu waxaan Nahay Rasuulka Eebaha Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Dir «u Ogolow» Banii Israa'iil la jirkannaga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi (Firecoon) Miyaanaan kugu Barbaarinin Dhexdanada Adoo Yar oodan ku Nagaanin Dhexdanada Cimrigaaga Sanooyin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOod Fashay Arrintaad Fashay Adoo Diidan (Sama Falkii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waan Falay Anoon Wax kasayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana Idinka Cararay Markaan Idinka Cabsaday Markaasuu Eebe I siiyey Nabinimo, Igana Yeelay kuwa La Diray (Rasuul).
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasise ma Nicma aad igu Mannaysanbaa Haddaad Addoonsatay Banii Israa'iil.
  1. Mahmud Muhammad AbduhFircoon wuxuun Yidhi waa maxay Eebaha Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi (Nabi) Muuse waa Eebaha Samooyinka iyo Waxa u Dhaxeeya haddaad wax Yaqiinsanaysaan (Rumaynaysaan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ku Yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa War ma Maqlaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebihiin iyo Eebaha Aabayaalkiinii Hore.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Fircoon Rasuulkiinna laydiin soo diray waa Waalanyahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Nabi Muuse waa Eebaha Bari iyo Galbeed iyo Waxa u Dhaxeeya Haddaad wax kasaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Fircoon haddaad Yeelato Ilaah iga soo Hadhay waxaan kaa Yeeli kuwa Xabbisan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Nabi Muuse Haddaan kuula Imaaddo wax Cadna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Fircoon la Imow Haddaad Run Sheegi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu Tuuray Nabi Muuse Ushiishii waxayna Noqotay Mas Muuqda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Siibay Gacantiisa waxayna ahaatay mid u Cad Dadka Dayi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ku yidhi (Fircoon) kuwii Gaararkiisa ahaa kani waa Sixirre Xeel Dheer.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDoonina Inuu Idinkaga Bixiyo Dhulkiinna Sixirkiisa ee Maxaad Faraysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen Dib u Dhig Isaga iyo Walaalkiis (Xaalkooda) una Dir Magaalooyinka kuwo soo Kulmiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHa kuu Keeneen Sixirre kasta oo Xeel Dheer.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Loo kulmiyey Saaxiriintii Imaatin Maalin la Yaqaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Loo Yidhi Dadkii ma Kulmaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhInaan Raacno Saaxiriinta Hadday Adkaadaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay Yimaaddeen Saaxiriintii waxay ku Dheheen Fircoon Ujuuro ma Leenahay haddaan Adkaanno.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi haa Waxaadna Noqonaysaan kuwa ii dhow.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ku Yidhi (Nabi) Muuse Tuura waxaad Tuuraysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Tuureen Xadhkahoodii iyo Ulahoodii waxayna Dheheen Sharafta Fircoon yaan ku dhaarannaye Anagaa adkaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu Tuuray (Nabi) Muuse Ushiisii waxayna Ahaatay mid Gurata waxay Dhoodhoobeen.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana la Riday Saaxiriintii Sujuud Darteed.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Dheheen waxaan Rumaynay Eebaha Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha (Nabi) Muuse iyo (Nabi) Haaruun.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi Fircoon Miyaad Rumeyseen Muuse ka Hor Idankayga, Isagu waa kan idiinku wayn ee idin Baray Sixirka waadse Ogaan doontaan, waxaana u Goyn Gacmahiinna iyo Lugahiinna Isdhaaf, waana idin Wadhi Dhammaantiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen Dhib ma leh annagu Xagga Eebahannaan u Noqonaynaa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana Dalbaynaa (Damcaynaa) inuu noo Dhaafo Eebahanno Gafafkanaga Inaan Noqonay kuwii ugu Hor Rumeeyey (Xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan u waxyoonay Nabi Muuse Guuri Addoomadayda waa Laydin Raaciye.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu u Diray Fircoon magaalooyinka kuwo Soo kulmiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIsagoo dhihi Kuwaasu «Banii Israa'iil» waa Koox Yar.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayna Na cadho Galiyeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana nahay kuwo Had iyo Jeer Digtoon.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka Bixinnay Beero iyo (Biyo) ilo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Kanziyo iyo Nagaadi Fiican.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Dhaxalsiinay Banii Israa'iil.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasay Raacen (ka daba Duulcen) Qorrax soo Bixii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay isu Muuqdeen Labadii Kooxood waxay Dheheen Asaxaabtii Nabi Muuse Inaga waa Layna Haleelay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi (Nabi) Muuse Saas ma aha ee Eebahaybaa Ila jira wuuna i Toosin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u Waxyoonay (Nabi) Muuse ku Garaac Ushaada Badda wayna kala Jeexantay Baddii wuxuuna Noqday Jeex kasta Buur wayn oo kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana ku soo Dhawayanay Halkaas kuwii kale (Colkii Fircoon).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Korinay (Nabi) Muuse iyo Intii la Jirtay Dhammaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKa dibna waxaan Maanshaynay Kuwii kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhArrintaasna waxaa ku Sugan Aayad Mana aha Badankood kuwo Rumeeyn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waa Adkaade Naxariista,
  1. Mahmud Muhammad AbduhKu Akhri Korkooda Warkii Nabi Ibraahim.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku Yidhi Aabihiis iyo Qoomkiisii maxaad Caabudaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen waxaannu Caabudi Sanamyo oonu ahaan kuwo ku Nagaada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi (Nabi Ibraahim) Maydin Maqlayaan markaad Baryeysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMase idin Anfaci ama idin Dhibi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen waxaan Hellay Aabayaalkanno oo Sidaas Fali.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Bal Warrama waxaad Caabudaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIdinka iyo Aabayaalkiinii Horeeyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadday Iyagu Col ii Yihiin Eebaha Caalamka Mooyee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Eebaha I Abuuray ee ah kan I Hanuunin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKan I Quudin ee I Waraabin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaan Bukoodana Isagaa I Caafiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana kan I dili Ina Noolayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ah kaan Damci inuu Ii Dhaafo Gafafkayga Maalinta Abaal marinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebow i Sii Xikmo (Nabinimo) Ina Haleeshii kuwa Suuban.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIina Yeel Sheegid Run ah (Fiican) kuwa Dambe.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIgana yeel kuwa Dhaxli Janada Naciimo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhUna Dambi Dhaaf Aabahay wuxuu ka Mid ahaa kuwa Dhumaye.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHana i Dullayn Maalinta la Soo Bixin (Dadka).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalintayna wax Anfacayn Xoolo iyo Ilmo midna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuux ula Yimaadda Eebe Qalbi Fayow Mooyee (Iimaan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana loo Dhawayn Jannada kuwa Dhawrsada (Mu'miniinta Dhabta ah).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana Loo Muujin Jaxiimo kuwa Baadiyoobay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Lagu Dhihi Aaway waxaad Caabudayseen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo Eebe ka soo Hadhay Maydiin Gargaarayaan ama Gargaarsanayaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana lagu Hambooriyey (Tuuri) Dhexdeeda iyaga iyo kuwa Baadiyoobay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Junuudda (Askarta) Ibliis Dhamaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna obhan iyagoo Dhexdeeda ku doodi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaan ku Dhaaranaye waxaan ku Sugnayn Baadi Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaan Idilla Sinay Eebaha Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWax na Dhumiyey oon Dambiila Yaasha ahayn ma Jiro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana Lihin wax Noo Shafeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Saaxiib Dhaw.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe hadaan Noqonno oon Ahaanno Mu'miniin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaas waxaa ku Sugan Calaamad Badankoodna ma Rumeeyo (Xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waa Adkaade Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Nuux Rasuulladii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku Yiidhi Walaalkood Nuux Miyeydaan Dhawrsanayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIdinkana Warsanmaayo (Xaqa) Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen ma waxaanu ku Rumayn adooy ku Raaceen kuwa Dullaysan (Xun Xun).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Maxaan ka Ogahay Waxay Fali.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXisaabtooda Eebe unbaa leh haddaad wax Garanaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnuguna ma Eryayo Mu'miniinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan u Dige Cad ahayna ma ihi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen Haddaadan Joogin Nuuxow Waxaad Noqon kuwa la Dhagaxyeeyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Eebow Qoomkaygii waa I beeniyeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Nakala Xukun Dhexdanada, ina kori Ani iyo Inta ila jirta ee Mu'miniinta ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaannu ku Korinay Isaga iyo intii la Jirtay Doontii Buuxday.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKa Dibna waxaan Maanshaynay kuwii Hadhay (Gaaladii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waa Adkaade Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Beeniyeen Caad Rasuulladii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku Yidhi Walaalkood Huud Miyeydaan Dhawrsanayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnigu waxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ka Dhawrsada Eebe Ina Adeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIdinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigaygana Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaad ka Dhisaysaan Meel Sare oo Dhan Calaamad (Daar) Idinkoo Ciyaari.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOod Yeelanaysaan Masaanic (Dhismo) inaad Waartaan Darteed.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddaad wax Qabataan Ciqaabtaan una Ciqaabaysaan si Daran.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Eebe ka Dhawrsada Ina Adeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKana Dhawrsada Eebaha idin Siiyey waxaad Ogtihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu idin Siiyey Xoolo iyo Caruur.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Beero iyo Ilo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Idiinka Digi Cadab Maalin Wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen waxaa Isu kaanna Mid ah Waanisayaa ama Maadan Waanininaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKanna ma aha waxaan Dabeecaddii «Diintii» Dadkii hore ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNalamana Cadaabayo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayna Beeniyeen, markasaan Halaagnay. Taasina waxaa ku Sugan Calaamad, mana aha Badankoodu kuwo Rumayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waa Adkaade Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Beenisay Thamuud suulladii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku Yidhi Walaalkood (Nabi) Saalax Miyaydaan Dhawrsanayan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan idiin ahay Rasuul Aamin ah.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee ka Dhawrsadda Eebe ina Adeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIdinkamana Warsanaayo Xaqa ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa waxaa Laydinkaga Tagi Halkan idinkoo Aamina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo ku Sugan Basaatiin iyo Ilo (Socda).
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Beero iyo Timir Fiideedu Bisayl Tahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOod ka Qoranaysaan Buuraha Guryo idinkoo Kibirsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Eebe ka Dhawrsada ina Adeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHana Adeecina «Maqlina» Amarka Xadgudbayaasha.
  1. Mahmud Muhammad Abduhah kuwa Fasaadiya Dhulka oon Hagaajinayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen waxaad uun ka mid Tahay kuwa la Sixray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn ee noo keen Aayad Haddaad run Sheegi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Tani waa Hal, Maalinbay Cabbi idinkuna Maalinhaad Cabbaysaan la Yaqaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ha ku Taabanina Xumaan, oos idin qabto Cadaab Maalin wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayse Dileen waxayna ahaadeen kuwo Qoomameeya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Qabtay Cadaab Taasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn (Xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waa Adkaade Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Beeniyeen Qoomkii (Nabi) Luudh Rasuuladii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku Yidhi Walaalkood Luudh Miyeydaan Dhawrsanayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIdinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa waxaad u Tagaysaan Ragga Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOod ka Tagaysaan waxa Eebe idiin Abuuray oo Haweenkiina ah, waxaadse Tihiin Kuwo Xadgudba.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen haddaadan Joogin Luudhow Waxaad Noqon kuwa la Bixiyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi (Luudh) Anigu Camalkiinna waan la Cadhaysnahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebow iga Kori iyo Ehelkaygaba waxay Falayaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana korinay Isaga iyo Ehelkiisiiba Dhammaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHabar ku hadhay Mooyee (Haweeneydiisii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan Halaagnay Intii kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa ku soo Daynay (Roob Dhagax Naara) waxaana u Xun Roobka kuwa Loo digay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasna waxaa ku Sugan Calaamad, Badankoodna ma aha kuwo Rumayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebhaana waa Adkaade Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Beeniyeen Kayntii Ehelkeedii Rasuulladii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku Yidhi Nabi Shucayb Miyeydaan Dhawrsanayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan idiin ahay Rasuul Aaminee.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee ka Dhawrsada Eebe ina Adeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIdinkama Warsanaayo Xaqa Ujuuro, Ajrigayga Eebaha Caalamkaan ka Sugi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOofiya (Dhammaystira) Beegidda hana ka mid Noqonina kuwa Nusqaamiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhUna Miisama Cadaalad Toosan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHana ka Nusqaaminina Dadka waxooda hana Xumaynina Dhulka Idinkoo Fasaadin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKana Dhawrsada Eebaha idin Abuuray iyo Khalqigii Horreeyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen waxaad uun Tahay kuwa la Sixray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana Tihid waxaan Dad nala mid ah ahayn, waxaana kuu Malaynaynaa kuwa Beenaalayaasha ah.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Nagu soo Rid Goosimo Samada ka mid ah haddaad Run sheegi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Eebahay baa og waxaad Falaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayna Beeniyeen waxaana Qabtay Cadaab Maalintii Hadhka, waana Cadaab Maalin Wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhArrintaasna waxaa ku Sugan Calaamad mana aha Badankoodu mid Rumayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waa Adkaade Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQuraankuna waa soo Dejin Ebaha Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa kula soo degan Ruux Aamin ah (Jibriil).
  1. Mahmud Muhammad AbduhQalbigaaga inaad ahaato kuwa ku Diga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAf Carabi ahoo Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQuraankuna wuxuu ku Sugnaa Kutubtii hore.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyeyna Calaamad ugu Fillayn inuu Yaqaanno Culimadii Banii Israa'iil/
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddan ku soo Dejino Quraankan Cajamiga Qaarkiis.
  1. Mahmud Muhammad Abduhoo uu ku Akhriyo Korkooda mayna Rumeeyeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaasaan u Galinay Diidada Quluubta Dambiilayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana Rumaynayaan Xaqa Intay ka Arkaan Cadaab Daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOos ugu Yimaaddo Cadaabku Kado Iyagoon Ogayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOy Dhahaan ma nala Sugi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa Cadaabkanagay Dadajisan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKa Warraan Haddaan u Raaxayno Sanooyin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaas uu u Yimaaddo wixii loogu Goodinaayey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMuxuu uga Tari Xaggooda wixii loogu Raaxeeyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMagaalo aan Halaagno oon loo Diginna ma Jirto.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaano Darteed, mana nihin Daalimiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKumana soo Degto Quraanka Shayaadiintu.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKumana Habboona mana Karaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhShayaadiintu Maqalka waa ka Fogyihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ha Caabudin (Baryin) Eebe Miciisa Ilaah kale ood Noqoto kuwa la Cadaabo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhUna Dig Qaraabadaada Kuu sii Dhaw.
  1. Mahmud Muhammad AbduhUna Raarici Garabkaaga (U Naxariiso) Ciddii ku Raacda oo Mu'miniinta ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadday ku Cassiyaanna waxaad Dhahdaa anigu Bari baan ka ahay waxaad Falaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTalo Saaro Eebaha Adkaada ee Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ku Arka Markaad Kici.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Lagagadoonkaaga kuwa Tukan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebana waa Maqle Og.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa idiinka Warramaa Ruuxay ku soo Degi Shayaadiintu.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku soo Degi Beenaale Dambi Badan oo Dhan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Xadi Maqalka Badankoodna waa Beenaalayaal.
  1. Mahmud Muhammad AbduhGabayaana waxaa Raaca kuwa Baadida ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaadan Arkin in Iyagu Tog kasta (Xumaan) ay ku Dhex Wareersanyihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOyna Sheegi waxayna Falayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa Xaqa Rumeeyey Mooyee oo Camal Fiican Fala oo Xusa Eebe wax Badan, oo Gargaarta Dulmi ka Dib, waxayna Ogaan doonaan kuwii Dulmi Falay soo Noqoshaday soo Noqdaan (Qiyaamada).