النمل

An-Naml

Suuradda 27 · Makki · 93 aayadood · Soo degidda: 48

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Xarafka hore Isagoo kale waan soo Maray) Inuu ku Tusin Mucjisada Quraanka, Taasi Waa Aayaadka Quraanka iyo Kitaabka Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana Hanuunka iyo Bishaarada Mu'miniinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ah kuwa Ooga Salaadda oo Guta Zakada oo Aakhiro Yaqiinin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwaanse Rumayn Aakhiro waxaan u Qurxinay Camalkooda waana ku Indho la'Yihiin (Wareersanyihiin).
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwaasi waa Kuwuu u Sugnaaday Cadaab Xun Aakharaba Iyaga unbaa Khasaaray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAdiguna Nabiyow waxaad kala Kulmi Quraanka Falka San ee Og Agtiisa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXusuuso Markuu ku Yidhi Nabi Muuse Ehelkiisa Anugu waxaan Arkaa Iftiin waxaan Idiinka Keeni Xaggiisa War Ama Waxaan Idiinka Keeni Dhuxul Daba inaad Kulaashaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu Yimid waxaa Loogu Dhawaaqay Waa la Barakeevev Cidda Dabka la Joogta iyo kuwa Gaararkiisa ah, waxaana Nasahan Ilaaha Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMuusow Anugu waxaan ahay Ilaaha Adkaada ee Falka San.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Tuur Ushaada, Markuu Arkay Iyadoo Gilgilan Sida Maska wuu Jeedsaday Isagoo Carari, Mana soo Noqon, Muusow ha Cabsanin, kuma Cabsadaan Agtayda Rasuulladuye.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCiddiise Dulmi Fasha markaas Wanaag ku Baddasha Xumaan ka Dib Anugu waxaan ahay Dambi Dhaafe Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhGali Gacantaada Jeebkaaga waxay soo Bixi Iyadoo Cad Xumaan La'aan (Waxayna ka mid yihiin) Sagaal Calaamo oo Fircoon iyo Qoomkiisa loo Muujiyey, waxayna ahaayeen Qoom Faasiqiina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay u Timid Calaamaddannadii Iyadoo Cad waxay Dheheen Kani waa Sixir Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayna Diideen Iyagooy Yaqiinsatay Naftoodu Dulmi iyo Isla Sarreeyn Darteed, ee Day Siday ahaatay Cidhibtii Mufsidiinta (Xumo Wadayaasha).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan siinay Daawuud iyo Sulaymaan Cilmi, waxayna Dheeheen Mahad Ilaahbaa iska leh ee ah kan Naga Fadilay wax badan oo Addoomdiisa Mu'miniinta ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Dhaxlay Sulaymaan Daawuud, wuxuuna yidhi Dadow waxaa nala Baray Codka Shimbiraha, waxaana nala siiyey wax kasta (oo Xukun ah) kaasina waa Fadliga Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa Loo kulmiyey Sulaymaan Junuudiisii oo Jinni, Insi iyo Shimbiro leh, iyagoo iseeleelin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay Yimaaddeen Togii Qudhaanjooy Gala Guryihiinna Yeyna idin Jajabin Sulaymaan iyo Junuudiisu Iyagoo idin Ogayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu Muusooday Isagoo ku Qosli Hadalkeeda wuxuuna yidhi Eebow I waafaji inaan ku Mahdiyo Nicmadaad ugu Nicmaysay Ani iyo Waalidkay iyo Inaan Falo Wanaag Aad ka Raali tahay ina Gali Naxariistaada Addoomadaada Suuban Dhexdooda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Fiirfiiriyey Shimbiribii (Sulaymaan) Wuxuuna Yidhi Maxaan la Arki La'ahay Hud-Hudkii Mise kuwa Maqan buu ka Midyahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan Cadaabi Cadaab Daran ama waan Gawrici ama wuxuu iikeeni Xujo Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu Muddo Yar Maqnaa Markaasu Yidhi (Markuu Yimid) waxaan Ogaaday waxaadan Ogaanin, waxaana kaaga keenay ReeSaba War Yaqiina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan Helay Haweeney Xukumaysa Iana Siiyey wax kasta (oo Xukun ah) waxayna Leedahay Carshi Wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan Helay Iyada iyo Qoomkeedii oo u Sujuudi Qorraxda Eebe ka Sokow wuxuuna U qurxiyey Shaydaan Camalkooda wuxuuna ka Leexiyey Jidka Mana Hanuunsana.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMay u Sujuudaan Ilaaha soo Bixiya waxa ku Qarsoon Samooyinka iyo Dhulka oo Og waxaad Qarinaysaan iyo waxaad Muujinaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIlaahay Isaga Mooye Ilaah kale ma jiro, waana Eebaha Carshiga Wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi Waannu Eegi inaad Run Sheegi iyo inaad ka mid Tahay Beenaalayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhLa Tag Warqaddaaydan kuna Tuur Xaggooda kana Durug Xaggooda, markaas Fiiri waxay soo Celiyaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Tidhi Maxaxeey waxaa La ii soo tuuray Warqad Sharaf leh.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Kuna Qoran) Waxay ka Timid Sulaymaan waxayna ku Billaabatay Magaca Eebaha Naxariis Guud iyo Mid Gaaraba Naxariista.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Hayska Kay waynaynina iina Imaadda Idinkoo Muslimiina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Tidhi Madaxeey ii Ishaara Amarkayga ma Ihi Mid Goysa Amar Intaad ka Joogtaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Dhaheen Annagu waxaan Nahay kuwo Xoog badan oo Geesinimo Badan, amarkase adaa leh ee Fiiri Waxaad Fari.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Tidhi Xaakimyadu Haday Magaalo ku Galaan (Xoog) way Fasaadiyaan waxayna ka yeelaan Ehelkeeda Sharafta leh kuwo Dullaysan Saasayna Falaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaanse u Diri Hadyad waxaana Eegi waxay La soo Noqdaan kuwa la Diray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay soo Gaadhay Hadyaddii (Nabi) Sulaymaan Yuu Yidhi ma waxaad ii Kordhinaysaa Xoolo, wuxuu I siiyey Eebe yaa ka khayr Roon wuxuu idin siiyey, Idinkaase ku Farxi Hadyadiina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe U celi Waxaana ula Imaanaynaa Junuud (Col) ayna Awoodayn waxaaana ka Bixinaynaa Magaalada Iyagoo Dullaysan oo Ihaanaysan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi Qoomow Yaa ii Keena Carshigeeda (Kursigeeda) ka hor Imaatinkooda Iyagoo Muslim ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Mid Xoog badan oo Jin ah anaa kuu Keeni Intaadan ka Kicin Fadhigaada, waxaana ahay Xoog badane Aamina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuse yidhi kay Agtiisa ahayd Ogaanshaha Kitaabka Anaa kuu keeni Ishaada Laabideeda horteed (Ilbidhiqsi) Markuu ku Arkay Agtiisa Isagoo ku Sugan wuxuu Yidhi Kani waa Fadliga Eebahay inuu Imtixaamo inaan ku Mahdiyo iyo Inaan ka Gaaloobo, Ciddii ku Mahadisa wuxuu uun u Mahdiyey Naftiisa Ciddii Gaalowdana Eebahay waa ka Kaaftoonyahay waana Sharafbadanyahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi Dooriya Kursigeeda inay Garato iyo Inay Noqoto Cidaan Garanayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay Timid waxaa lagu Yidhi ma sidanaa Kursigaagu, waxayna Tidhi waxaad Mooddaa Isagii (Wuxuuna yidhi) waxaa nala Siiyey Horteed Cilmi waxaana nahay Muslimiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana (Xaqa) ka Reebay Waxay Caabudaysay oo Eebe ka soo Haddhay, waxayna ka mid ahayd Qoom Gaala ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa lagu Yidhi Gal Daarta Markay Aragtayna waxay U Malaysay Mawjad (Biya ah) waxayna ka Faydatay Dhudhumadeeda, wuxuuna ku yidhi waa Daar Salaax Sugan oo Quruurado ah, waxayna Tidhi Eebow anigu waxaan Dulmiyey Naftayda, waxaana u Islaamay la Jirka Sulaymaan Ilaahay Dartiis ee Eebaha Caalamka ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan u Dirray Ree Thammuud Walaalkood Saalax inay Eebe Caabudaan Markaasay soo Bexeen iyagoo Labo Kooxooda oo Doodi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi Qoomkayow maxaad u Dedejisanaysaan Xumaan Wanaag ka Hor, Maadse Dambi Dhaaf Warsataan Eebe inuu idiin Naxariisto.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Dheheen waan ku Baasaysanay Adiga iyo Inta kula Jirta, wuxuuna ku Yidhi Baaskiinnu wuxuu Jiraa Eebe Agtiisa, waxaadse Tihiin Qoom la Fidneeyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Magaalada ku Sugnaa Sagaal Qof oo Fasaadin Dhulka Hagaajinayna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Dheheen isku Dhaarta Eebe inaan mirro isaga iyo Ehelkiisaba Markaas aan ky Dhahno Qaraabadiisa Maanaan Joogin Meeju ku Halaagmay Ehelkiisu waxaana Sheegaynaa Run.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWay Dhagreen Dhagar Anana waan Abaal marinay Iyagoon Ogayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Day Siday Noqotay Cidhibtii Dhagartooda Anagaa Halaagnay Iyagii iyo Qoomkoodiiba Dhammaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasina wa Guryaahoodii oo Cidla ah Dulankoodii Dartiis, Arrintaasna Calaamad yaa ugu Sugan Qoomkii wax Ogaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Korinay kuwii Rumeeyey oo Dhawrsanayey.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Nabi) Ludh (Xusuuso) markuu ku Yidhi Qoomkiisii ma waxaad la Imanaysaan Xumaan Idinkoo Arko.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIdinku ma Raggaad u Tagaysaan Doonid darteed Haweenka ka sokow, waxaadse Tihiin Qoom Jaahiliina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana Noqonin Jawaabtii Qoomkiisa waxaan ahayn ka Bixiya Luudh iyo Ehelkiisa Magaaladiina waa Dad Isdaahirine.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana Korinay Isagii iyo Ehelkiisii Haweenaydiisii mooyee, waxaan ku Qaddarray (ka dhignay) kuwa Halaagsami.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku soo Daadinay korkooda Roob (Dhagax Naara) waxaana Xumaaday Roobka kuwa Loo Digay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa mahad Eebaa iska leh Nabadgalyana ha Ahaato Addoomadiis uu Doortay Korkooda, ma Eebaa Khayr roon mise waxay la Wadaajin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa Eebaha Abuuray Samooyinka iyo Dhulka oo idiinka soo Dejiyey Samada Biyo oon ku soo Bixinay Beero Qurux Badan (Miyaa Khayrroon mise waxaad Caabudaysaan) ma kari kartaan inaad Soo bixisaan Geedkeeda, ma Ilaah kalaa jira Eebe Miciis, waase Qoom (xaqa) ka Leexaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise (waxaa Khayr roon) Eebaha ka Yeelay Dhulka Sugnaan, oo U yeelay wabiyo, buuro oo u Yeelay Badaha Dhexdooda Soohdin, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Badankooduse wax ma Oga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise Eebaha Aqbala ka Dhibban markuu Baryo oo Fayda Xumaanta (Dhibka) idinkana Yeeli kuwa Dhulka u Hadhi (Iska Baddala), ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Yaraa Intaad wax Xusuusanaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise Eebaha idin Toosiya Mugdiyada Barriga (Dhulka) iyo Badda Dhexdeeda, oo ah kan Dira Dabaylaha oo Bishaarayn Naxariista Eebe (Roobka) hortiisa, ma Ilaah kalaa Jira Eebe Miciisa, Eebaa ka Sarreeya waxay la Wadaajin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise Eebaha Billaaba Khalqiga (Abuurkiisa) Haddana soo Celin oo ah kan Idinka Arzaaqa Samada iyo Dhulkaba, ma Ilaah (kalaa) Jira Eebe Miciisa, waxaad Dhahdaa Keena Xujadiinna Haddaad Run Sheegaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa ma Oga waxa Samooyinka iyo Dhulka ku Sugan waxa Maqan Eebe mooyee, mana Oga Goorta la Soo Bixin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuse Gaadhay Cilmigoodi Aakhiro (Buuxsami) waxayse kaga Suganyihiin Xageeda Shaki, wayna ka Indho La'yihiin Xaggeeda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen kuwii Gaaloobay Markaan Noqonno Carro Anaga iyo Aabayaalkanno miyaa nala soo Bixin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa Naloo Yaboohay Kan (soo Bixinta) Anaga iyo Aabayaalkanno mar hore, kanna ma aha waxaan Warkii Dadkii hore ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa ku Socda Dhulka oo Daya siday Noqotay Cidhibtii Dambiilayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHana u Murgin Korkooda, hana ka Cidhiidhyamin waxay Dhagri.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Odhan waa Goorma Yaboohaasi Haddaad Run sheegaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa waxaa Suurowda inay Dhawdahay waxaad Dedejisanaysaan Qaarkeed.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waa Fadli Siiyaha Dadka, Laakiin Badankoodu kuma Mahdiyaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana wuxuu Ogyahay Waxay Qarin Laabahoodu iyo waxay Muuiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxa ku Maqan Samada iyo Dhulkana waxay ku Suganyihiin Kitaab Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQuraankanna wuxuu ka Qisoon (Warrami) Banii Israa'iil wixii Badnaa ay isku Khilaafeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQuraankuna waa Hanuun iyo Naxariista Mu'miniinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana wuxuu ku kala Xukumi Dhexdooda Xukunkiisa waa Adkaade Og.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Talo Saaro Eebe Adugu waxaad ku Sugantahay Xaq Cade.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAdugu wax ma Maqashiisid kuwa Dhintay mana Maqashiisid Dhagoolaha Dhawaaq markay Jeedsadaan iyagoo sii Socda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana Tihid mid ka Toosin kara Indhoolaha Baadidiisa, waxna ma maqashiin kartid Ruux Rumeeyey Aayaadkanaga oo Muslima mooyee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku Dhaco Korkooda Qawlkii (Ciqaabtii) waxaan u soo Bixinnaa Daabbaddii Dhulka oo la Hadli Dadkuna waxay ahaayeen kuwaan Yaqiinsanayn Aayaadkanaga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXusuuso Maalintaan ka soo Kulminayno Ummad kasta Koox ka mid ah kuwii Beeniyey Aayadkanaga iyagoo is Cidhiidhyi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay Yimaaddaana wuxuu ku Dhahaa Miyaad Beeniseen Aayaadkaygii idinkoon koobin Ogaansho, Maxaadse Fali Jirteen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa ku Dhacey Qawlkii (Ciqaabtii) Dulmigooda Dartiis mana Hadlayaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyeyna Arkayn inaan uga Yeellay Habeenka inay ku Xasilaan, Maalintana Arag, Arrintaasna Calaamooyin yaa ugu Sugan Ciddi Rumayn (Xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhXusuuso Maalinta la Afuufi Suurka oos Argagixi waxa ku Sugan Samooyinka iyo Dhulka Cidduu Eebe Doono Mooyee, Dhammaanna way u Imaan Eebe Iyagoo Dullaysan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna Arkaysaa Buurihii ood u Malayn inay ingagantahay (Sugantahay) iyadoo u Socoto sida Daruuraha, waase Sancada Eebaha Sugay wax kasta, Eebana waa Ogaha waxaad Falayasaaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCiddii la Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka Khayr roon Argaxa Maalintaasna Iyagu way Aamin Noqon.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCiddiise la Timaadda Xumaan waxaa Loogu Tuuri Wajiga Naarta, miyaa Laydinka Abaal Mariya waxaad Falayseen Mooyee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa uun Lay Faray inaan Caabudo Eebaha Baladkan (Maka) ee ah kan Xarrimay oo wax kastana iska leh, waxaana lay Faray inaan ahaado Muslimiinta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyo Inaan Akhriyo Quraanka Ruuxiise Hanuuna wuxuu uun u Hanuunay Naftiisa, Ruuxiise Dhuma waxaad dhahdaa Anugu waxaan uun ahay kuwa Diga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna dhahdaa Mahad Eebaa iska leh wuxuu idin tusin Aayaadkiisa oo Aqoonsanaysaan, mana aha Eebaha mid Halmaansan waxaad Falaysaan.