الروم
Ar-Rum
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay ku tusin mucjisada Quraanka (sidii soo hormartay).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa lagaga adkaaday Ruum.
- Mahmud Muhammad AbduhDhulkii dhawaa, intii laga adkaaday ka dibna way adkaan.
- Mahmud Muhammad Abduhdhawr sano dhexdeed, amarkana Eebaa iska leh horey iyo diba, Maalintaasayna ku farxi Mu'miniintu.
- Mahmud Muhammad AbduhGargaarka Eebe, wuxuuna u gargaari cidduu doono, waana adkaade naxariista ah.
- Mahmud Muhammad Abduhwaa yabooha Eebe, mana baajiyo Eebe yaboohiisa, laakin Dadka badankiisu ma oga.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay yaqaanaan Dadku muuqaalka nolosha addunyo Aakhirose way halmaansanyihiin (ka jaahil yihiin).
- Mahmud Muhammad Abduhmiyeyna ka fikirin naftooda Inuusan Eebe Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya u abuurin waxaan xaq iyo muddo magacaaban ahayn, wax badan oo dadka ka mid ahna waxay ka Gaaloobi la kulanka Eebahood.
- Mahmud Muhammad Abduhmeyeyna ku soconin Dhulka oy eegan siday ahaatay cidhibtii kuwii ka horreeyey (Gaaladii Makaad) waxay ahaayeen kuwo ka daran iyaga kana xoog badan, Dhulkana waybeerteen wayna Dhiseen Dhulka intay dhiseen wax ka badan. waxayna ula timid Rasuulladoodii Xujooyin, Eebana ma aha mid wax dulmiya, laakiin iyagaa naftooda dulmiyey.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkaasay noqotay cidhibtii kuwii xumaanta falay, xumaan iyo (Jahannamo) beenintay aayadaha Eebe beeniyeen darteed, waxayna ahaayeen kuwo aayadaha ku jees jeesa.
- Mahmud Muhammad AbduhEebaa billaahay (Abuurka) Khalqiga isagaana soo celin, xaggiisaana laydiin celin.
- Mahmud Muhammad AbduhMaalintay kici Saacaddu (Qiyaamadu) way aamusi dambiilayaashu (ooy quusan).
- Mahmud Muhammad Abduhugumana sugnaanin kuway Eebe lawadajiyeen (Cibaadada) Shafeeco waxayna noqon kuwo diida Shurakadoodii.
- Mahmud Muhammad AbduhMaalintay kici Saacadu waa maalin ay kala tagi Dadku.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwa rumeeyey (xaqa) oo camalfiicanfalay Beer Janno yaa lagu faraxgaliyaa.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwa Gaaloobayse oo beeniyey aayaadkanaga iyo lakulanka aakhiro kuwaas waxaa lagu kulmin Cadaabka.,
- Mahmud Muhammad AbduhEebaa nasahan (Ceeb ka fog) markaad galabaysanaysaan iyo markaad waabariisanaysaan.
- Mahmud Muhammad Abduhmahadna isagaa ku leh Samooyinka iyo Dhulka dhexdooda iyo Habeenkii iyo Duhurkiiba.
- Mahmud Muhammad Abduhkana soobixiya wax nool wax dhintay wax dhintayna wax nool, nooleeyana Dhulka intuu dhintay ka dhib, saasaana laydiin soo bixin.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idinka abuuray Carro markaasaad noqoteen Dad dhaqdhaqaaqi (Faafi).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa ka mid ah Calaamooyinkiisa inuu idiinka abuuray naftiina Haween si aad isugu xasishaan, yeelayna dhexdiina isjacayl iyo naxariis, taasina waxaa ugu sugan Calaamad qoomkii fikiri.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (Qudrada) Eebe samooyinka uu abuuray iyo Dhulka iyo kala duwanaanta Afkiina (Luuqada) iyo midabkiinaba, taasina calaamad yaa ugu sugan kuwa Cilmiga leh.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa ka mid ah Aayadka tusin (Qudrada) Eebe Hurdadiina Habeenkii iyo Maalintii iyo doonidiina Fadliga Eebe, taasna calaamad yaa ugu sugan kuwa wax maqli.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudra) Eebe Hillaaca uu idin tusiyo, Cabsi iyo Doonid darteed, iyo Samada uu idiinka soo dajiyo Biyo, kuna nooleeyo Dhulka intuu dhintay ka dib, taasina Calaamado yaa ugu sugan kuwa wax kasi.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa ka mid ah Aayaadka ku tusin (qudrada) Eebe inay Samada iyo Dhulku ku taaganyihiin amarka Eebe, markuu Dhulka idiinka yeedhana (soobixinta) aad durba soo baxdaan.
- Mahmud Muhammad AbduhEebaa iska leh waxa Samooyinka iyo Dhulkaba ku sugan, isagayna u khushuucaan (u hogaansamaan).
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waa kan billaabay abuurka Khalqiga, hadana soo celin wayna u fududahay arrintaasu, Eebaana sifo sare ku muta Samooyinka iyo Dhulka, waana adkaade falsan.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu idiin yeeley tusaale naftiina ah, waxaad hanataan miyey idinlawadaagaan wax laydinku arzuqay, ood si isku mid ah u maamulaysaan, ugana cabsanaysaan sidaad isaga cabsataan, saasuuna u caddayn aayaadka ciddii wax kasi.
- Mahmud Muhammad Abduhhaseyeeshee waxay raaceen kuwii dulmilowga ahaa Hawadooda iyagoon wax ogayn, yaa hanuunin kara ruux Eebe dhumid u qadaray, wax u gargaarana lahayn.
- Mahmud Muhammad Abduhee Wajigaaga u jeedi Diinta adoo toosan (Diintu) waa abuuridda Eebe ee Dadka uu ku abuuray, wax badali kara abuurka Eebana ma jiro, saasina waa Diinta toosan laakiin dadka babidiis ma oga.
- Mahmud Muhammad Abduhidinkoo Eebe u noqon, kana yaaba, Salaadana ooga, Galadana ha ka mid noqonina.
- Mahmud Muhammad Abduhee Diintooda ku kala tagay noqdayna kooxo, Xisbi walba uu ku farxi waxa agtiisa ah.
- Mahmud Muhammad Abduhhadduu Dadka taabto dhib waxay baryaan Eebahood iyagoo u noqon, markuuse dhadhansiiyo naxariis qayb iyaga ka mid ah waxay wax lawadaaijyaan Eebahood.
- Mahmud Muhammad Abduhsi ay uga gaaloobaan waxaan siinney, iska raaxaysta, waadna ogaandoontaan Cidhibta raaxadaasi.
- Mahmud Muhammad Abduhmise waxaan ku soo dejiney xujo, oo ku hadli waxay Eebe la wadaajin.
- Mahmud Muhammad Abduhhaddaan dhadhansiino dadka naxariis way ku farxi «kibraan» hadduu dhibku dhacana waxay hor marsadeen darteed way quustaan.
- Mahmud Muhammad Abduhmiyeyna arkayn in Eebe u waasiciyo rizqiga cidduudoono, kuna cidhiidhyo (Cidduu doono) arrintaasna Calaamooyinbaa ugu sugan kuwa rumeyn (Xaqa).
- Mahmud Muhammad Abduhee Qaraabada sii xaqeeda iyo Miskiinka iyo Musaafurka, saasaa u khayroon kuwa dooni Wajiga Eebe, (u dhawaanshahiisa) kuwaasina waa kuwa liibaanay.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad bixisaan oo Ribo ah si aad uga badsataan xoolaha dadka ma badnaado Eebe agtiisa, wixiise aad bixisaan oo Zako (xalaal ah) idinkoo ku dooni Wajiga Eebe kuwaas waa loo laablaabi.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waa kan idin abuuray Iladana idin arzaaqay hadana idin Dili, hadana idin soo noolayn, majiraa shurakadiina mid fali sidaas wax ka mid ah, Eebaa ka nasahana kana sareeya waxay la wadaajin.
- Mahmud Muhammad Abduhxumaanbaa ka daahirtay Barri iyo Badba, waxay kasbatay Gaemo Dad dardiis, si Eebe u dhadhansiiyo waxay camalfaleen qaarkiis, inay noqdaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa ku socda Dhulka fiiriyana siday noqotay cidhibtii kuwii hore, wuxuu ahaa badankoodu Mushrikiin.
- Mahmud Muhammad Abduhee Wajigaaga Diinta toosani (Islaamka) u jeedi, maalin aan la eelin karin ka hor, Eebe xaggiisana ka iman, Maalintaas Dadku way kala tagi.
- Mahmud Muhammad Abduhruuxii Gaalooba isagay (dhibi) Gaalimadiisu, ruuxii camal wanaagsan fala Naftiisa yuu u goglay.
- Mahmud Muhammad Abduhsi Eebe u abaalmariyo kuwa rumeeyey xaqa oo camal wanaagsan falay fadligiisa, Eebana ma jeela Gaalo.
- Mahmud Muhammad AbduhCalaamaadka Eebe ku tusin waxaa ka mid ah inuu dabaylaha diro iyagoo ku bishaarayn (Roob) iyo in Eebe idin dhadhansiiyo naxariistiisa iyo in doontu ku socoto amarkiisa iyo inaad dalabtaan fadligiisa, markaas aad Eebe ku mahdisaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaan dhab ahaan ugu diray hortaa Rasuulo qoomkoodii, waxayna ulayimaadeen xujooyin waana ka aarsanay kuwii dambi Falay, waxaana korkanaga ah u gargaarka Mu'miniinta.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waa kan diray Dabaylaha oo markaas kicisa Daruuro kuna fidiya Samada siduu doono kana yeela Goosimo aad aragtid Roobka oo ka soobixi dhexdeeda, markaasuu Eebe Roobka siiyaa Ciduu doono oo adoomadiisa ka mid ahna markaasay bishaaraystaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna ahaayeen soo dajinta Roobka ka hor kuwo Quusan.
- Mahmud Muhammad Abduhee day naxariista Eebe raadkeeda sida Eebe, ugu nooleeyo dhulka intuu dhintay ka dib Eebaha wuxuu nooleeyaa wixii dhintay wax walbana waa arkaa.
- Mahmud Muhammad Abduhhaddaan ku diro Dabaylo (daran) Beertooda ay arkaan iyadoo doorsoon, waxay markaas ka dib noqdaan kuwo Gaalooba.
- Mahmud Muhammad Abduhadigu wax ma maqashiin kartid kuwo dhintay, Mid dhagala' oo jeedsadayna wax ma maqashiin kartid.
- Mahmud Muhammad Abduhruux Indha la'na baadi kama hanuunin kartid, ma maqashiinkartid (xaqa) ruuxaan rumeynin Aayaadkanaga oo muslimiin ahayn.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waa kan idin ka abuuray Tabaryare, hadana idinka yeelay Tabaryare ka dib xoog, hadana xoog dabadi idinka yeelay Tabaryari iyo Gabow, wuxuu doono yuu abuuraa, waana wax walba oge, wax walba karc (oo uu doono).
- Mahmud Muhammad Abduhmaalinta Qiyaamadu kacdo waxay ku dhaartaan dambiilayaashu inayan nagaanin Saacad mooyee, saasaana (xaqa) looga leexiyey.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwii waxay dheheen cilmiga iyo Iimaanka la siiyey waad ku nagaateen Qadarka Eebe tan iyo maalinta soobixinta, kanna waa maalintii soobixinta, laakiin waxaad ahaydeen kuwo aan ogayn.
- Mahmud Muhammad AbduhMaanta (Qiyaamada) ma anfacdo kuwii dulmiga falay cudur daar iyo toobad keen.
- Mahmud Muhammad Abduhdhab ahaanbaan ugu caddaynay Dadka Quraankan dhexdiisa tusaale kasta, haddaadna ula timaado aayad waxay dhihi kuwii Gaaloobay waxaan baadhil (xumaan) ahayn kuma sugnidin.
- Mahmud Muhammad Abduhsaasaa Eebe u daboolaa Quluubta kuwaan wax ogayn (wax anfaca).
- Mahmud Muhammad Abduhee samir yabooha Eebe waa xaqe, yeyna ku fududayn kuwaan yaqiinsanayn (Xaqa).