العنكبوت
Al-'Ankabut
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay ku tusin mucjisada Quraanka (sida la soo sheegay).
- Mahmud Muhammad Abduhma wuxuu u maleeyey Dadku in loogaga tagi inay dhahaan waan rumeynay oon la imtixaamayn.
- Mahmud Muhammad Abduhdhab ahaan yaan u imtixaanay kuwii ka horreeyay, Eebana wuu muujin kuwii run sheegay, wuxuuna muujin kuwa beenlowga ah.
- Mahmud Muhammad Abduhmise waxay u maleeyeen kuwii xumaanta samaynayey inay naga dheereyn (carari) waxaa xun waxay xukumi.
- Mahmud Muhammad Abduhruuxii rajayn (ka cabsan) la kulanka Eebe, Ajashii Eebe (uu qadaray) way imaan, Eebana waa maqle oge ah.
- Mahmud Muhammad Abduhruuxii dadaala wuxuu uun u dadaalay naftiisa, Eebana waa ka kaaftoon yahay caalamka.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwa (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan asturaynaa xumaantooda, waxaana ka abaalmarinaynaa kii u fiicnaa ay camalfali jireen.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaan u dardaaaranay Dadka Labadiisii Waalid wanaagfalkooda, hadday kugula dadaalaan inaad ila wadaajiso waxaadan cilmi u lahayn (Gaalowdo) ha ku adeecin, xaggayga unbaa laydiin soo celin, waxaana idiinka warrami (abaalna marin) waxaad camalfali jirteen.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwiise (xaqa) rumeeyey camalfiicanna falay waxaan dhexgalinaynaa kuwa suuban (Janada).
- Mahmud Muhammad AbduhDadka waxaa ka mid ah ruux dhihi waxaan rumeynay Eebe, markii lagu dhibo Eebe dartiisna kayeela imtixaamka Dadka (dhibookda) cadaabka Eebe oo kale, hadday timaado Guul xagga Eebe ka ahaatay waxay dhahaan anagu waan idin lajiraa, Eebe miyuusan ahayn kan og waxa laabta Dadka ku jira.
- Mahmud Muhammad Abduhdhab ahaan yuu u muujin Eebe kuwa xaqa rumeeyey, dhab ahaanna wuxuu u muujin kuwa munaafiqiinta ah.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay ku dhaheen kuwii galoobay kuwii xaqa rumeeyey raaca waddadannada aan xambaarro gafafkiinee, mana aha kuwo xambaari waxa gafafkooda ah, ee waa beenaalayaal.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayse dhab ahaan xambaari culaysyaalkooda iyo culaysyo Culaysyadoodii la jira, waxaana dhab ahaan loo warsan maalinta Qiyaame waxay been abuuran jireen.
- Mahmud Muhammad Abduhdhab ahaan baan ugu dirray (Nabi) Nuux Qoomkiisii, wuxuuna ku dhexnagaaday Kun sano oo kontan la'waxaana wabtay dhuufaankii (Halaagii Biyaha) iyagoo daalimiin ah.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana korinay Nuux iyo Dadkii Doonta, waxaana ka yeellay aayad (uu ku waantoomo) Caalamku.
- Mahmud Muhammad Abduh(Nabi) Ibraahimna (waa diray) wuxuuna ku yidhi qoomkiisii Cabuda Eebe akana dhawrsada saasaa idiin khayrbadane haddaad wax ogtihiin.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad uun caabudaysaan Eebe ka sokow Sanamyo, waxaadna abuuraysaan been, kuwaad caabudaysaan Eebe ka sokow idiinma hantaan wax rizqi ah ee ka dalba Eebe rizqiga Cabudana kuna mahdiya xaggiisaa laydin celine.
- Mahmud Muhammad Abduhhaddaad Beenisaan (Xaqa) waxaa beeniyey Umado idinka horreeyey Rasuulkana ma saarra waxaan gaadhsiin cad ahayn.
- Mahmud Muhammad Abduhmiyeyna arkayn sida Eebe u billaabay (Abuuridda) Khalqiga una soo celin, arrintaasna Eebe waa u fududahay.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa socda Dhulka oo daya sida Eebe u biilaabay khalqiga, hadana Eebe u ahaysiin abuuridda dambe (Soo bixinta), Eebana wax walba wuu karaa.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuu cadaabaa cidduu doono wuxuuna u naxariistaa cidduu doono xaggiisaana laydiin celin.
- Mahmud Muhammad Abduhidinkuna ma tihidin kuwa Eebe ku daaliya Dhulka iyo Samada midna wax Eebe ka soohadhay oo idiin sokeeya ah ama idiin gargaarina ma jiro.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwii ka gaaloobay aayaadka Eebe iyo la kulankiisa kuwaasi waxay kaquusteen naxariistayda waxaana kuwaas u sugnaaday Cadaab daran.
- Mahmud Muhammad AbduhJawaabtii Qoomkiisuna waxaad ahayn Dila ama Guba ma ahayn, markaasaa Eebe ka koriyey Dabkii, arrintaasna waano yaa ugu sugan Cidii wax rumeyn.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna ku yidhi (Nabi Ibraahim) waxaad yeelateen Eebe ka sokow Sanamyaal Jacayl dhexdiinna ah dartiis Nolosha adduunyo, Maalinta Qiyaamese wuu diidi qaarka kale Lacanadina qaarkin qaarka kale, Hoygiinuna waa Naarta wax idiin gargaarina idiin ma sugnaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa rumeeyey Nabi Ibraahim (Nabi) Luudh wuxuuna yidhi Nabi Ibraahim waxaan u hijroon Eebehay illeen waa adkaade falsane.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana siinay isxaaq iyo yacquub waxaana yeelay faraciisii Nabinimo iyo Kitaab (loo soodajiyey) waxaana siiney ajrigiisii adduunyada dhexdeeda aakhirana wuxuu ka mid noqon kuwa suuban.
- Mahmud Muhammad Abduh«Nabi» Luudhna «xusuuso» markuu ku yidhi qoomkiisii waxaad latimaadeen xumaan aan cidna idiinkahormarin addunyada.
- Mahmud Muhammad Abduhidinku ma waxaad u tagaysaan Ragga ood goynaysaan Jidka Kulana imaanaysaan Naadigiina wax la naco, mana noqonin qoomkiisii jawaabtoodii inay dhahaan noo keen cadaabka Eebe hadaad ka Mid tahay runlayaasha mooyee.
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna yidhi Eebow iiga gargaar qoomka wax fasaadiya.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkay ulatimid fariintanadii (Malaa'igtii) Nabi Ibraahim bishaaro waxay dhaheen anagu waxaan halaagayna ehelka magaaladan, ehelkeedu waa daalimiine.
- Mahmud Muhammad Abduh(wuxuu yidhi Nabi Ibraahim) waxaa ku sugan Luudh, waxay dhaheen anagaa og cidda dhexdeeda ah waanu korinaynaa Luudh iyo ehelkiisa Haweenaydiisa mooyee oo noqon ku wa halaaggu ku hadhi.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkay Rasuuladanadii (Malaa'igtii) u timid Luudh wuu ka tiiraanyooday wuuna la cidhiidhyamay waxayna ku dhaheen ha cabsan hana tiiraanyoon waanu ku korin adiga iyo ehelkaagabee Haweenaydaada mooyee oo noqon kuwa lahalaagi.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaanu ku soo dajin magaalada Dadkeeda Dhagaxyo (Naarced) oo Samada ka yimid faasiqnimadooda darteed.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaanu kaga tagnay magaaladaa calaamad u muuqata Qoomkii wax kasi.
- Mahmud Muhammad Abduhree Madyanna (waxaanu u diray Walaalkood (Nabi) Shucayb wuxuuna ku yidhi Qoomkayow Caabuda Eebe, rajeeyana (ka yaaba) Maalintii dambaysay hana la soconina dhulka fasaadin.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkaasay beeniyeen waxaana qabtay Gariir (iyo Qaylo) waxayna noqdeen kuwo Lawyaha u dhaca.
- Mahmud Muhammad AbduhCaad iyo Thamuudna (waan halaagnay), «halaagooduna» wuxuu idiinka muuqdaa Guryahoodii, wuxuuna u qurxiyey Shaydaan Camal koodi, wuxuuna kaleexiyey Jidka waxayna ahaayeen kuwo wax arka (haday waantoobi).
- Mahmud Muhammad AbduhQaaruun, Fircoon iyo Haamaana (waa lahalaagay), dhab ahaanna wuxuu ugula yimid (Nabi) Muuse xujooyin wayna isku kibriyeen dhulka, mana aha kuwo naga dheereyn (carari) kara.
- Mahmud Muhammad Abduhdhammantood waxaan u qabanay dambigooda, waxaa ka mid ah mid aan ku diray Dabayl Dhagax wadata, waxaa ka mid ah miday qabtay Qaylo, waxaa ka mid ah midaan la goynay Dhulka, waxaa ka mid ah midaan maanshaynay, Eebana ma aha kii dulmiya hasayeeshee iyagaa naftooda dulmiyey.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwii yeeshay Eebe kasokow Awliyo (sokeeye u gargaara) waxay lamid yihiin Caaro yeelatay Guri waxaana ugu xun Guri' Guri Caaro hadday wax ogyihiin.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waa ogyahay waxay baryayaan (Caabudayaan) oo isaga kasoo hadhay, Eebana waa adkaade falsan.
- Mahmud Muhammad Abduhtaasina waa tusaale aannu u yeelayno Dadka'wax kasi oon ahayn kuwa wax yaqaanna ma jiro.
- Mahmud Muhammad AbduhEebaa u abuuray Samooyinka iyo Dhulka si xaq ah, arrintaasna Calaamaa ugu sugan Mu'miniinta.
- Mahmud Muhammad AbduhAkhri (Nabiyow) waxa luguu waxyoon oo Kitaabka ah oog Salaaddana maxaayeelaySalaaddu waxay ka reebta (Dadka) Xumaanta iyo waxa la noco, xusidda Eebaana weyn, Eebana waa ogyahay waxaad sanceyneysaan.
- Mahmud Muhammad Abduhhakula murmina ehelu Kitaabka wax fiican mooyee, marka lagareebo kuwa dulmiga fala oo ka mid ah, waxaadna dhahdaan waxaan rumeynay wixii nalagu soo dajiyey iyo wixii laydinku soo dajiyey Ilaahaanno iyo ilaahiinna waa mid annaguna isagaan u hogaansanay.
- Mahmud Muhammad Abduhsaasaanu kuugu soodajiney Kitaabka, kuwa la siiyey Kitaabkana way rumeeyaan, kuwaasna waxaa ka mid ah kuwo rumeyn (ree Makaad), mana diido aayaadkanaga Gaalmooyee.
- Mahmud Muhammad Abduhmatihid mid wax akhriya Quraanka ka hor kumana aadan dhigi jirin Midigtaada markaas ay shakiyaan kuwa baadhilka (xumaanta) ku socda.
- Mahmud Muhammad Abduhwaase aayaad cad cad kuna sugan laabta kuwa cilmiga la siiyey, wax diidi aayaadkanaga oon daalimiinta ahayna ma jiro.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay dhaheen gaaladii (Makaad) maxaa loogu dajinwaayey korkiisa aayado xagga Eebe ka yimid, waxaad dhahdaa aayaadku waxaa uun ay ka yimaadaan Eebe agtiisa aniguse waxaan uun ahay udige muuqda.
- Mahmud Muhammad Abduhmiyuusanse ku fileyn inaan kugu soo dajinay Kitaabka (Quraanka) oo lagu akhriyo korkaaga, arrintaasna naxariis iyo waano yaa ugu sugan qoomkii rumeyn (xaqa).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaad dhahdaa waxaa ku filan dhexdeenna Eebe markhaati ahaan wuxuuna ogyahay waxa ku sugan samooyinka iyo Dhulka, kuwa rumeeyey badhil kana gaaloobay Eebe kuwaasi iyaga uunbaa khasaaray.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay kaa dadajisan Cadaab, haddaynajirin muddo magacaaban waxaa u imaan lahaa Cadaabka, wuxuuna ugu imaanlahaa kado iyagoon ogayn.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay kaa dadajisan Cadaab, Naarta Jahannamana waxay koobi gaalada.
- Mahmud Muhammad Abduhmaalinta (Qiyaamada) waxaa dabooli Gaalada Cadaab korkooda iyo Lugahooda hoostoodaba, wuxuuna ku dhihi Eebe dhadhamiya waxaad Camalfali jirteen.
- Mahmud Muhammad Abduhaddoomadayda rumeeyow Dhulkayga waa waasac ee Aniga uun i caabuda.
- Mahmud Muhammad AbduhNafkastaa waxay dhadhamin Geerida xaggaygaana laydiin soo celin markaas.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwa (xaqa) rumeeyey Camalfiicanna falay waxaanu dajin Jannada Qolol ay dureri dhexdeeda wabiyaal ayna ku waari dhexdeeda, waxaana ugu wanaagsan ujuurada kuwa shaqeeyey (Jannada).
- Mahmud Muhammad Abduhee ah kuwa samray Eebahoodna tala saarta.
- Mahmud Muhammad Abduhbadanaa dhul socod aan xambaaran karin rizqigeeda ee Eebe arzuqo iyada iyo idinkaba. Eebana waa maqle oge ah.
- Mahmud Muhammad Abduhhaddaad waydiiso Gaalada yaa abuuray samooyinka iyo dhulka oo sakhiray Qoraxda iyo Dayaxa, waxay odhan Ilaahay, ee xagee loo iili Gaalada.
- Mahmud Muhammad AbduhEebaa u waasiciya rizqiga ruuxuu doono oo addoomihiisa ah, kuna cidhiidhya (kuu doono), Eebana wax walba waa ogyahay.
- Mahmud Muhammad Abduhhaddaad waydiiso Gaalada yaa ka soo dajiya Samada Biyo oo ku nooleeya dhulka intuu dhintay (abaaroobay) kadib waxay odhan Ilaahay, waxaad dhahdaa mahad Eebaa iska leh, badankooduse wax ma kasayaan.
- Mahmud Muhammad Abduhmana aha noloshan adduunyo Ciyaar iyo dheeldheel mooyee, Daarta aakhiraana meel nololeed ah hadday wax ogyihiin Dadku.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkay koraan Doonta waxay baryaan Eebe iyagoo u kaliyeeli Cibaadada, markuu u koriyo (oo geeyo) Barrigana (Dhulkana) markaasay u shariigyeelaan (wax la caabudaan).
- Mahmud Muhammad Abduhsi ay uga gaaloobaan waxaan siinay uguna raaxaystaan, wayse ogaan doonaan (Cidhibteeda).
- Mahmud Muhammad Abduhmiyeyna arkeyn Gaaladii (Qureesheed) inaan yeeley (dajiney) Xaram aamin ah oo ladafayo Dadka dhinacyadooda ah, mabaadilbay rumeyn oo nicmada Eebe ka gaaloobi.
- Mahmud Muhammad AbduhCidna kama dulmi badna ruux ku been abuurtay Eebe korkiisa ama beeniyey xaqa markuu u yimid, miyeyna ahayn Jahannamo Hoyga Gaalada.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwa ku jahaaday Dartanno waxaanu ku hanuunin Jidkanaga, Eebana wuxuu la jiraa kuwa wanaagga fala.