يس

Ya-Sin

Suuradda 36 · Makki · 83 aayadood · Soo degidda: 41

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Waxay ku tusin mucjisada Quraanka).
  1. Mahmud Muhammad AbduhQuraanka xigmada leh yaan ku dhaartaye.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNabiyoow waxaad ka mid tahay kuwa la diray (Rasuulada).
  1. Mahmud Muhammad AbduhJid toosanna waad ku sugan tahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQuraankuna waa soo dajinta Eebaha adkaada ee naxariista,
  1. Mahmud Muhammad Abduhinaad ugu digto qoom aan loo digin Aabayaalkood oo halmaansan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaanna waxaa ugu waajibay badankoodo (ciqaab) mana rumeeyaan xaqa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa yeelay cunahooda Bir waxayna qaban tan iyo gadhka Madaxayna kor u taagi (dhibaato darteed).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana yeelay hortooda jidaar gadaashoodana jidaar waana indha tiray waxna ma arkaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaa isku mid ah hadaad u digto iyo hadaadan udigin (marna) ma rumeeyaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad un u digi (ooy anfici digidu) Ruxii raaca Quraanka oo Eebe ka yaaba isagoon arkayn, uguna bishaaree dambi dhaaf iyo ajiir wanaagsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnaagaa nooleyna wixii dhintay, waana qornaa waxay hor marsadeen iyo raaadkoodiiba, wax walbana waxaan ku koobnay Kitaab muuqda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhUga yeel tusaale asaxaabtii magaaladii markay uyimaadeen Rasuulladii (loo soo diray).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaan u diray xagooda labo, ooy beeniyeen, markaas aan ku xoojinay mid saddexaad, oy dhaheen idinkaa naloo kiin soo diray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen (gaaladii) idinku ma tihidiin waxaan bashar (dad) nala mid ah ahayn, Eebaha Raxamaan ahna waxba ma soo dajinin, idinkuna waxaan been ahayn masheegaysaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxay dhaheen (Rasuuladii) Eebahannaa og in naloo kiin soodiray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKorkannagana ma aha waxaan gaadhsiin cad ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhaheen (gaaladii) waan idin baasaysannay, haddaydaan joogin waan idin dhagaxyeynaynaa, waxaana xagganaga idinka taahan cadaab daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhaheen Rasuulladii baaskiinu wuu idinla joogi, haddii laydin waaniyo (Miyubaasku idinlajiri) waxaadse tihiin qoon xadgudbay,
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa ka yimid Magaalada dhankeeda fog nin dagdagi (ordi) wuxuuna ku yidhi qoomkayow raaca rasuullada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRaaca cid aan idin warsanayn ujuuro, oo hanuunsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaxaana u caabudaynin Eebihii i abuuray xagiisana laydiin celin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaan ka yeelan wax ka soo hadhay ilaahyo hadduu Eebaha Raxmaan ah dhib ila doono ayan wax iitareyn shafeecadoodu waxba, ayana i korinayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaas waxaan ku sugnaan baadi muuqata (cad).
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnigu waxaan rumeyay Eebehiin ee maqla.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa lagu yidhi gal jannada wuxuuna yidhi shallaytadaydee qoomkaygii muu ogaado.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxa Eebe iigu dambi dhaafay iigana yeelay kuwo la karaameeyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuma aanaan dajinin qoomkiisii gadaashiis Januud samad ka timid, mana aanaan ku soo dajinin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan qaylo Kaliya ahayna laguma halaagin oo markaas ay bakhtiyeen (halaagsameen).
  1. Mahmud Muhammad AbduhNidaamo (Qoomamo) yaa u sugmaatay addomada Rasuulkii u yimaadaba waxay ahaadaan kuwo ku jees jeesa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyayna arkeyn intaan halaagnay hortood quruumo, aan xagooda usoo noqonayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhammaanna waxaa lagu soo kulmin agtannada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa calaamo u ah dhulka dhinta (abaarooba) oo noolayno kana soo bixino midho ay wax ka cunaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana yeellay dhexdeeda beero Timir iyo Cinabyo ah, waxaana ka dillaacinay dhexdeeda ilo (Biyo ah).
  1. Mahmud Muhammad AbduhSi ay u cunaan midhihiisa iyo waxay camal faleen gaemahoodu, miyeyna mahdinaynin Eebe.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana nasahana Eebaha abuuray nooeyada dhamaanteed oo ah waxa dhulka soo dhaliyo iyo naftoodaba iyo wax ayna ogayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaaa dadka calaamo ugu filan habeenkaan Maalinta ka soo siibno, oo markaas ay mugdi galaan Dadkii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQorraxduna waxay kuorodaa meelay leedahay, taasina waa qadaraadda Eebaha adkaada ee waxwalba og.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDayaxana waxaan uqadaray (uyeelay) meelo uu ku hoydo intuu ka noqdo sida laan gabowday oo kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQorraxdana uma suurowdo inay haleesho Dayaxa Habeenkana uma suuroowdo inuu maalinta ka hormaro, mid kastana falagiisuu dhex dabaalan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa calaamo ugu filan dadka inaan ku xambaaray aabaylkood Doontii buuxday.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana uga abuuraynaa iyada oo kale waxay Koraan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadaan doonana waan maansheynaa wax u gargaarana mahelaan lamana koriyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNaxariis Eebe iyo uraaxayn tan iyo wakhti mooyee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaa gaalada lagu dhaho ka dhowrsada waxa hortiina ah iyo waxa gadaashiina ah waxaad udhawdihiin in laydiin naxariistee (ma maqlaan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhAayad kasta oo u timaada oo ka mid ah aayaadka Eebahood way ka jeedsadaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka lagu dhaho bixiya waxa Eebe idinku arzuqay wax ka mid ah waxay ku dhahaan kuwa gaaloobay kuwii rumeeyay ma waxaan quudinaynaa cid hadduu doono Eebe uu quudin lahaa, waxaan baadi cad ahayna kuma sugnidin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay odhan gaaladu waa goorma (waqtiguu dhici) yaboohaas (Qiyaamadu) hadaad run sheegaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa sugaayaan (gaaladu) hal qaylo mooyee oo qabanaysa iyagoo doodi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana karaan dardaaran ehelkoodiina uma soo noqdaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSuurkaa la afuufi markaasaa dadku qubuurahooda xagga Eebahood uga soo dagdagi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyagooy dhihi gaaladu waan khasaarnaye yaa naga soobixiyey meeshaan jiifnay (qabrigii) taasina waa wixii Eebaha Raxmaan ah yaboohay Rasuulladuna ku run sheegeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan qayki kaliyo ahayn ma aha, maarkaasaa dhamaantood agtanada lagu soo kulmin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaantana (qiyaamada) lagama dulmiyo nafna waxba, laydiin kana abaalmarin maayo waxaad camal falayseen mooyeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAsaxaabta Jannada (ehelkeeda) Maantaa waxay ku shuqloonyihiin Nicmo iyo farax.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyaga iyo haweenkooduba waxay ku sugnaan hadh, waxayna ku dangiigsanaan sariiro (sare).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhexdeeda ka heli faakihad, waxayna heli waxay dalbaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsalaan Eebaha Naxariista xagiisa ka timidna way heli.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSoocma maanta danbiilayaalyahow (gaalada).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaanan idinkula ballamin Bani aadamow inaydaan caabudin Dhaydaan, illen col muuqda yuu idiin yahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOod ani i caabudaan, taasina waa wadada toosan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan wuxuu udhumiyay (Shaydaan) xaggiina dad badan, miyaydaan wax kasaynin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTanina waa jahannamadii laydiinku yaboohay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe gala Maanta gaalimadinii darteed.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaanta waxan daboolaynaa afkooda, waxaana nala hadli gacmahooda waxaana ku marag furi lugahooda waxay kasban jireen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddaan doono waan indha tiraynaa oo markaas ay udag dagaan wadada, sayse u arki.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadaan doonana waan doorinaynaa, mana karayaan tagid iyo soo noqosho midna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxaan cimri siinno waxaannu ku gadin abuuridda (waannu tabar yarayn) ee miyaydaan wax kasayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaanaan barin Nabiga shicirka, Kumana haboona, waxaan (barna) un waano iyo Quraan cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSi uu ugu digo ruuxii nool (xaqa raaci) cadaabna ugu sugnaado Gaalada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyeyna arkaynin inaan uga abuuray waxaan sameynay xoolo ay hantaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOOn u laylinay, ooy waxna ka Koraan waxna ku cunaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ugu sugan manfacado iyo cabid ee miyayna mahdinaynin Eebe.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay ka yeesheen Eebe ka soke ilaahyaal inay u gargaaraan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana karaan gargaarkooda waxayna uyihiin Junuud (askar) kulmisan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe yeyna ku walbahaar galinin hadalkoodu annagaa og qaxay qarsan iyo waxay muujinbee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyuusan arag dadku (oo ogayn) Inaan ka abuuray dhibic, markaas uu noqday dood badane cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna noo yeelay tusaale wuuna halmaamay abuurkiisa wuxuuna yidhi yaa noolayn lafo baaliyoobay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa waxaa noolayn Eebihii ahaysiiyay markii horaba, abuur walbana waa ogyahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha idiinka yeelay geedka cagaaran dab, oo markaas aad bursataan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha abuuray Samooyinka iyo dhulka miyuusan karin inuu abuuro isagoo kale, waa karaa, waana abuur badane ogaansho badan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAmarka Eebena markuu wax inuu abuuro doono waa inuu ku yidhaahdo uun ahaw oo uu ahaado.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa nasahan (xumaan ka fog) Eebaha awooddiisu ku jirto xukunka wax kasta, xaggiisana laydiinsoo celin.