الصافات
As-Saffat
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad Abduh(Waxaan ku dhaartay) malaa'igta safan.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo tan kaxaysa daruuraha.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo tan akhrida Quraanka.
- Mahmud Muhammad AbduhEe ilaahiin waa mid (qudha).
- Mahmud Muhammad AbduhWaa Eebaha samooyinka iyo dhulka iyo waxa udhaxeeya, iyo Eebaha qorrax ka soo bixidda.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa ku qurxinay Samada dhaw quraxda xidiga ah.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo ka dhowrid shaydaan kastoo madax adag.
- Mahmud Muhammad AbduhMana dhagaystaan jameecada sare, (Malaa'igta) waxaana laga soo tuuraa dhan kasta.
- Mahmud Muhammad AbduhIyagoo la cryi oo cadaab joogta ah usugnaaday.
- Mahmud Muhammad AbduhMarka laga reebo mid mid dafa hadalka oo uu raaco danab ifi.
- Mahmud Muhammad AbduhWaydii gaalada ma iyagaa ku daran abuuridda mise waxaan abuuray, annagaa ka abuurray dhoobo dhagta.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaadse la yaabtay (beenintooda) iyaguna way jees jeesi.
- Mahmud Muhammad AbduhMarka la waaniyana ma waantooban.
- Mahmud Muhammad AbduhHadday calaamo arkaana way ku jees jeesaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhahaan kani waxaan sixir cad ahayn ma aha.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhahaan ma markaan dhimanno oon carro noqono iyo lafo yaa nala soo bixin.
- Mahmud Muhammad AbduhAma aabayaalkannagii hore (iyagana malasoocelin).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa haa waalaydin soo celin idinkoo waliba dullaysan.
- Mahmud Muhammad AbduhXaaladduna waa uun qaylo kaliya markaas, waxaa soo bixi dadkii oo wax eegi.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhihi gaaladii halaagganaggee kan waa maalintii abaalmarinta.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana lagu dhihi kani waa maalintii kala bixinta ee aad beeninjirteen.
- Mahmud Muhammad AbduhKulmiya kuwii daalimiinta ahaa iyo wixii la mid ahaa iyo waxay caabudijireen.
- Mahmud Muhammad AbduhOo Eebe ka soo hadhay, tusiyana jidka Jaxiimo.
- Mahmud Muhammad AbduhJoojiyana waxbaa la waydiine.
- Mahmud Muhammad Abduh(Waxaana lagu dhihi) Maxaad leedihiin oydaan isugu gargaaraynin.
- Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee maanta way isdhiibeen.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu qaabilay qaarkood qaarko kale iyago wax iswarsan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen kuwii waxraacay (raaciyadii) waxaa ahaydeen kuwo nooga yimaadda xaga midig (wanaaga).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhaheen madaxdii ma aha ee idinkaan mu'miniin ahayn.
- Mahmud Muhammad AbduhWax xoog ah oon idin ku lahayn ma jirin waxaadse ahaydeen qoom xad gudbey.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu nagu waajibay (nagu rumoobey) hadalkii Eebe (ciqaab) waxaana dhadhaminaynaa (cadaabka).
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan idin dhuminay annaguna waan dhunsanayn.
- Mahmud Muhammad AbduhIyagu maalintaas cadaabkay wadaagi.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnaguna saasaan kufalla dambiilayaasha.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ahaayeen marka lagu dhaho Eebe mooyee ilaah kale majiro kuwa iskibriya.
- Mahmud Muhammad AbduhOo dhaha ma waxaan uga tagaynaa ilaahyadannada gabayaa waalan.
- Mahmud Muhammad AbduhSaas ma ahaa ee wuxuu la yimid (Nabigu) xaq wuuna rumeeyey Rasuulladii (Eebe soodiray).
- Mahmud Muhammad AbduhIdinku (gaaloy) waxaaad dhadhamisaan cadaabka daran (wax xanuujiya).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan camalkiina ahayna laydinkama abaalmariyo.
- Mahmud Muhammad AbduhAddoomada Eebe ee niyada san (xumaan ma arkaan).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna mudan kuwaasi risqi layaqaanno (Janno).
- Mahmud Muhammad AbduhFaakihadna way heli, iyagoo lagu sharti.
- Mahmud Muhammad AbduhJannooyinka Naciima.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ku sugnaan sariiro iyagoo is qaabili.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana lala kor socon weel laga soo buuxiyay il (Jaano).
- Mahmud Muhammad AbduhTaasoo cad oo u macaan kuwa cabi.
- Mahmud Muhammad AbduhMana laha caqli qaadid iyo waalli midna (Khamrada Jannada).
- Mahmud Muhammad AbduhAgtoodana waxaa ahaan haween dhoowsoon oo indha waaweyn.
- Mahmud Muhammad AbduhOod moodo ukun la dhowray.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna qaabilay qaarkood qaarka kale (ehelo Jannaha) iyagoo wax iswaydiin.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna dhihi mid hadlay oo ka mid ah waxaan kulahaa (adduunkii) saaxiih.
- Mahmud Muhammad AbduhDhihi jiray adigu mawaxaad ka mid tahay kuwa rumeeyay (soobixinta).
- Mahmud Muhammad AbduhMa markaan dhimana oon carro noqono iyo lafo yaa nala abaalmarin.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna dhihi mayla dayeeysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasu dayaa kuna arkaa jaxiima dhexdeeda.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna dhahaa Eebaan kudhaartayee waxaad udhaweyd inaad ihalaagto (idhumiso).
- Mahmud Muhammad AbduhHaddayna Nicmada Eebe jirinna waxaan ahaan lahaa kuwa lagu soo kulmiyay (naarta).
- Mahmud Muhammad Abduh(Waxayna dhahaan ehelu jannuhu) miyeynaandhimaneynin.
- Mahmud Muhammad AbduhGeerideenii hore mooyee laynama cadaabayn.
- Mahmud Muhammad AbduhTaasina waa uun liibaanta wayn.
- Mahmud Muhammad AbduhEe taasoo kale ha faleen kuwa camal fali.
- Mahmud Muhammad AbduhMataasaa marti qaad u fiican (Jannada) mise geedii zaquum (xumeyd).
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa uga yeelay fitno (imtixaan) daalimiinta.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana geed kasoobaxda gunta jaxiimo.
- Mahmud Muhammad AbduhMidhaheeduna waxaad moodaa madaxyo shaydaan.
- Mahmud Muhammad AbduhIyaguna (ehelu naarku) waxbay ka cunaan, waxayne ka buuxiyaan caloosha.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna kalooy mudan dheehid biyo kulayl daran.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaas waxay ku noqon jaxiimo.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay heleen aabayaalkood oo baadi ah.
- Mahmud Muhammad AbduhIyaguna raadkoodii bay ku dag dagi.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa dhab ahaan u dhumay hortood badi kuwii hore.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana udiraydhexdooda udigayaal.
- Mahmud Muhammad AbduhEe eeg siday noqotay cidhibtii kuwii loo digay.
- Mahmud Muhammad AbduhHasa yeeshee addoomadii Eebe ee niyada samaa (cadaab ma arkaan).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa dhabahaan noogudhawaaqay (beryey) Nabi nuux, Cid wax ajiibana (maqlana) annagaa u fiican.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Ka korinay isaga iyo ehelkiisiiba shidadii waynayd (maanshayntii).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka yeelay faraciisii kuwa soo hadhay uun.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ugu reebnay kuwo dambeeya (amaan ah).
- Mahmud Muhammad AbduhNabadGalyo Nuux korkiisa adduunyada ha udhex ahaato.
- Mahmud Muhammad AbduhSaasaana ku abaal marinaa samafalayaalka.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ka midyahay addomadannada rumeeyay (xaqa).
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan maanshaynay kuwii kale,
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa kamid ah gargaarayaashiisa (Jidkiisaqaaday) Nabi Ibrahim.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ula yimid Eebihiis qalbi fayow (xaq rumeeyey).
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku yidhi Aabihiis iyo qoomkiisii maxaad caabudaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMa been abuurasho yaad ilaahyo Eebe ka soo hadhay u dooranaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMaxaadse ka maleysaneysaan Eebaha Calaamka.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu eegay Nabi Ibraahim xiddigaha.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi waan bukaa.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasay katageen kana jeedsadeen.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu aaday Ilaahyaalkoodii (sanamyadii) wuxuuna ku yidhi miyeydaan (wax) cunayn.
- Mahmud Muhammad AbduhMaxaad leedihiin oydaan la hadlaynin.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu foorariyay midigta oo ku garaacay
- Mahmud Muhammad AbduhWayna soo qaabileeen gaaladii xaggiisa iyagoo dag dagi. (markuu jajabiyay).
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ka yidhi ma waxaad caabudaysaan waxaad qoraysaan (sameyseen).
- Mahmud Muhammad AbduhEebaana idin abuuray idinka iyo waxaad camalfalaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen u dhisa meel (dab lagushido) kuna tuura Jaxiimo (dabka).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay la dooneen dhagar iyagaana ka yeellay kuwo hooseeya (laga adkaaday).
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi anigu waxaan aadi Eebahay (hijro) wuuna i toosin.
- Mahmud Muhammad AbduhEebow wax iga sii kuwa suuban (ilmo).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ugu bishaaraynay wiil dabeeco.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku gaadhay agtiisa socod wuxuu ku yidhi Nabi Ibraahim wiilayow waxaan ku arkay hurdada anoo ku gawrici ee eeg waxaad fali, wuxuuna yidhi aabow samee waxa lagu faray waxaad heli hadduu Eebe doono inaan kamidnoqdo kuwa samree.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkay hogaansameen oos u lagday wajiga.
- Mahmud Muhammad AbduhYaan udhawaaqnay Ibraahimow.
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan baad ugu rumeysay riyadii, sasaana ku abaalmarinaa samafalayaasha.
- Mahmud Muhammad AbduhTaasina waa imtixaan muuqda (oo weyn).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku furanay loog weyn (wan).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ugaga tagnay (ugureebnay) kuwa dame.
- Mahmud Muhammad AbduhNabadgalyo (salaan) Nabi Ibraahim korkiisa ha ahaato.
- Mahmud Muhammad AbduhSaasaana ku abaal marinaa samofalayaasha.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ka mid ahaa addoomadanada mu'miniinta ah.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ugu bishaaraynay Isxaaq oo Nabi suuban ah.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana barakaynay Ibraahim iyo Isxaaqba, waxaana ka mid ah faracooda mid samagala iyo mid naftiisa si cad u dulmiya.
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan yaan ugu mannaysanay (ugunicmeeynay) Nabi Muuse iyo NabiHaruun (Nabinimo).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana ka korinay iyaga iyo Qoomkooda dhibaatadii waynayd.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana u gargaaray, waxayna noqdeen kuwo adkaaday (sareeyey).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana siinay Kitaabkii caddaa.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku hanuuninay Jidka toosan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ugu dhaafnay dadka dambe, (amaan ah).
- Mahmud Muhammad AbduhNabadgalyo ha ahaato Nabi Muuse iyo Nabi Haaruun korkooda.
- Mahmud Muhammad AbduhSaasaan ku abaalmarinaa kuwa wanaagga fala,
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ka midyihiin addoomadanada mu'miniinta ah.
- Mahmud Muhammad AbduhIlyaasna Wuxuu ka mid ahaa Rasuullada.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku yidhi qoomkiisii miyeydaan dhawsaneyn (Eebe kayaabayn).
- Mahmud Muhammad AbduhMawaxaad baryeysaan Bacli (Sanam) ood ka tagaysaan Eebaha abuurka wanaajiya.
- Mahmud Muhammad AbduhEe ah Eebihiina iyo Eebaha aabayaalkiinii hore.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasay beeniyeen, waxaana loo soo kulmin (Cadaab).
- Mahmud Muhammad AbduhLaakiin adoomada Eebe ee niyada san (waxay lakulmi khayr).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ugu reebnay dadka danbe (amaan ah).
- Mahmud Muhammad AbduhNabadgalyo ha ahaato Ilyaas korkiisa.
- Mahmud Muhammad AbduhSaasaana ku abaalmarinaa kuwa sama fala.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ka midyahay adoomadanada mu'miniinta ah.
- Mahmud Muhammad AbduhNabi luudhna wuxuu ka mid ahaa rasuulada (la diray).
- Mahmud Muhammad AbduhXus markaan korinay isaga iyo ehelkiisaba dhamaan.
- Mahmud Muhammad Abduhmarka laga reebo Cajuuso (haweeneydiisii) oo ku hadhay halaaga.
- Mahmud Muhammad AbduhKa dibna waxaan halaagnay intii kale.
- Mahmud Muhammad AbduhIdinkuna (reer makaad) waxaad martaan dhulkoodii waabariga.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Habeenkaba ee miyeydaan wax kasaynin.
- Mahmud Muhammad AbduhNabi Yuunusna wuxuu ka mid ahaa Rasuulladii (ladiray).
- Mahmud Muhammad AbduhXus markuu kudhuuntay (kucaray) Doontii buuxday.
- Mahmud Muhammad AbduhOo uu qoriritay nodayna mid laga reeyey. (Baddana lagu tuuray).
- Mahmud Muhammad AbduhKalluunna liqay isagoo ladagaalay.
- Mahmud Muhammad AbduhHadduusan noqonin kuwa Eebe u tasbiixsada (xusa).
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu kanagaan lahaa calooshiisa tan iyo maalinta lasoo bixin dadka.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana kutuuray banaan cidla ah isagoo buka.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka soo bixinay korkiisa Geedka yaqdhiinka ah (hadhayn darteed).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u diray Boqolkun oo dad ah ama ka badan.
- Mahmud Muhammad AbduhWayna rumeeyeen, waxaana uraaxaynay (sugnay) tan iyo mudo.
- Mahmud Muhammad AbduhWaydii gaalada, in Eebahaa gabdho yeeshay iyaguna Wiilal.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxaan abuuray malaa'igta oo dhadig iyaguna ay Joogeen.
- Mahmud Muhammad AbduhTaasi waa been abuurshadoodii ay dhahayeen.
- Mahmud Muhammad AbduhEeba waa dhalay waana beenaalayaal.
- Mahmud Muhammad AbduhMa wuxuu ka doortay gabdho wilasha.
- Mahmud Muhammad AbduhMaxaa idiinku wacan ood sidaas u xukumaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyeeydaan wax xusuusaneyn.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxaa idiin sugnaatay xujo cad.
- Mahmud Muhammad AbduhKeena Kitaabkiina (cadayn) hadaad runlayaaltihiin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay yeeleen gaaladu Eebe iyo Jinniga dhexdooda (qaraabo) nasab, Jinniguna dhabahaanbuu u ogyahay in gaalada lakeeni (qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhEebaa kanasahan (kadheer) waxay ku tilmaamayaan.
- Mahmud Muhammad AbduhLaakin adoomada Eebe ee niyada suubiyey (Waa ka fogyihiin xumaan).
- Mahmud Muhammad AbduhIdinka iyo waxaad caabudaysaan (gaalooy).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa ka fidmaysaan (dhumisaan) Eebe.
- Mahmud Muhammad AbduhMarka laga reebo kuwagali jaxiimo.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxkastoo nagamid ah (malaa'igta) wuxuuleeyahay meel lagu yaqaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana safannahay (cibaado darteed).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana tasbiixsanaa (qadarinEebe).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ahaayeen gaaladu kuwii dhaha.
- Mahmud Muhammad AbduhHadduu yahay agtanada xuskii (warkii) kuwii hore (Kitaab).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan noqonlahayn addoomaha Eebe ee suuban.
- Mahmud Muhammad AbduhWayse ka gaaloobeen Kitaabkii (quraanka) wayna ogaandoonaan (waxa ku dhaca).
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaanbuu ugu hormaray yaboohannagii adoomahan nagii aan diray (Rasuuladii).
- Mahmud Muhammad AbduhIn iyaga uun loo gargaari.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo in junuudanada (xaqa raacay) ay adkaan (Guuleysan),
- Mahmud Muhammad AbduhEe kajeedso xagooda tan iyo muddo.
- Mahmud Muhammad AbduhFiirina iyaguna wayfiirin doonaane (waxa kudhaca).
- Mahmud Muhammad AbduhMacadaabkanagay (Gaaladu) dadajisan.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ku dago cadaabku ardaagooda waxaa xumaan subaxa kuwa loodigay.
- Mahmud Muhammad AbduhEe kajeedso xagooda tan iyo muddo.
- Mahmud Muhammad AbduhFiirina iyaguna wayfiirindoonaane (waxa kudhaca).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana kanasahan Eebahaaga sharafta leh waxay kutilmaarnaan gaaladu (oo xun).
- Mahmud Muhammad AbduhNabadgalyana ha ahaato Rasuuladii korkooda.
- Mahmud Muhammad AbduhMahadna waxaa iskaleh Eebaha (Barbaariyaha) Caalamka ah.