ص
Sad
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhXarafka hore wuxuu kutusin mucjisada (Quraanka), Quraanka sharafta leh yaan kudhaaranay (waalaydin soo bixin).
- Mahmud Muhammad AbduhKuwii gaaloobay waxay kusuganyihiin isla wayni iyo khilaaf (xaqdiido).
- Mahmud Muhammad AbduhImisaan halaagnay hortood qarni ay markaas dhawaaqeen waqti aan dhawaaq waxba tareynin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna layaabeen gaaladii inuu uyimaado dige ka mid ah waxayna dhaheen gaaladii kani waa sixirroow beenaale ah.
- Mahmud Muhammad AbduhMa wuxuu ka dhigay ilaahyadii ilaah kaliya, arrintaasi waa wax lala yaabo.
- Mahmud Muhammad AbduhWuu kala tagay shirkii (madaxdii) kamidka ahayd, waxayna isu dhahen war socda oo ku samra (kusugnaada) Ilaahyaalkiina, arrintani waa wax laynala dooni.
- Mahmud Muhammad AbduhManaan kumaqlin tanoo kale diintii kale (Nasraaniyada) arintan Eebe kaliya waa wax la been abuurtay.
- Mahmud Muhammad AbduhMa quraankaa lagudajiyey isagoo na dhexjooga (anagaa ka mudan) waxayse kaga sugan yihiin Quraankayga shaki walina mayan dhahdhamin Cadaabkayga.
- Mahmud Muhammad AbduhMa agtaadaa khasnadaha naxariista Eebehaaga adkaada ee bixinta badan (khayrka) yahay.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxaa u sugnaaday xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, ha uu koreen sallaanno xagga (samada).
- Mahmud Muhammad AbduhJunuuda (Colka) halkaas joogaana (Gaalada) waa xisbiyo la jabin (laga adkaan).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa beeniyey xaqan iyaga ka hor qoomkii (Nabi) Nuux iyo (reer) caad iyo Fircoonkii tiirarka lahaa.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Reer Thamuud iyo qoomkii (Nabi) Luudh iyo Asaxaabtii kaynta (Qoomkii) Nabi Shucayb, kuwaas waa xisbiyadii (Xaqa beeniyey).
- Mahmud Muhammad AbduhMidaan Rasuullada beenin majiro, markaasay ciqaabtaydii ku dhacday.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwaasuna (Gaaladii Makaad) ma sugayaan waxaan hal qaylo ahayn, mana laha cilmi iyo sugid midna.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen Gaaladii Eebow noo dadaji qaybtanada (Ciqaabtanada) Maalinta xisaabta ka hor, (Qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhKu samir (u adkayso) waxay sheegi xusuusana addoonkaygii Daa'uud ahaa ee xoogga lahaa, wuxuuna ahaa noqosho (Toobad keen) badane.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa u sakhirray (u fudaynay) Buuraha, wayna la tasbiixsadaan Galab iyo Subaxba.
- Mahmud Muhammad AbduhShimbirahana waa loo kulmiyey, dhammaantoodna waxay u noqdaan (Adeecaan) Eebe.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana adkaynay xukunkiisa (Daa'uud) waxaana siiney xigmad (Nabinimo) iyo fahmo iyo hadal cadday (iyo garsoorid).
- Mahmud Muhammad AbduhMa ku soo gaadhay warkii kuwii doodayey, markey Mixraabka ugu soo dheceen.
- Mahmud Muhammad Abduhuna soo galeen Daa'uud markaas uu ka argagaxay, ayna ku dhaheen ha cabsan, waxaan nahay doodayaal qaarkanno qaarkakale dulmiyey, ee si ah noo kala xukun, hana joowrfalin, naguna hanuuni jidka toosan (xaqa).
- Mahmud Muhammad Abduh(Waxayna dheheen) kani waa walaalkay wuxuuna leeyahay sagaal iyo sagaashan Ido ah, anna waxaan leeyahay mid kaliya, wuxuuna sheegtay inaan siiyo hadalkiina wuu igaga adkaaday.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi «Daa'uud» wuu kugu dulmiyey warsashada Laxdaada (inuu ku biiriyo) Idihiisa, in badan oo ka mid ah kuwa wax isku darsadana qaarkood waxay ku xadgudbaan (dulmiyaan) qaarka kale, marka laga reebo kuwa xaqa rumeeyey ee camalka wanaagsan falay, wayna yaryihiin kuwaasi, Daa'uudna wuxuu umaleeyey inaan ibtileynay wuyxuuna ka dambidhaaf dalbay Eebihiis, rukuuc (sujuudbuuna) la dhacay wuuna noday.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan u dambi dhaafnay, agtanada wuxuu ku leeyahay dhawaansho iyo noqosho fiican (darajo sare).
- Mahmud Muhammad Abduh(Eebe wuxuu yidhi): Daa'uudow annagaa kaa yeeley khaliifka dhulka ee dadka kukala xikun xaqa hana raacin hawada (xun) oo kolkaas uu kaa dhumiyo jidka Eebe kuwa ka dhuma jidka Eebe waxaa u sugnaaday cadaabdaran halmaankoodii Maalinta xisaabta (Qiyaamada) darteed.
- Mahmud Muhammad AbduhMaanaan u abuurin Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya dana laan (Ciyaar). taasina waa siday maleeyeen kuwii Gaaloobay halaaguna wuxuu ugu sugnaaday kuwii Gaaloobey Naar.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyaan ka yeeleynaa kuwii xaqa rumeeyey oo camal fiican falay sida kuwa hallayn dhulka, mise waxaan kala mid dhigaynaa kuwa dhowrsada kuwa xun oo kale (Gaalada).
- Mahmud Muhammad Abduh(Quraanku) waa kitaab aan kugu soo dajinay oo barakeysan, si ay u fiiriyaan dadku aayaadkiisa iyo inay waantoobaan kuwa caqliga leh,
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan siinnay Nabi Daa'uud (wiikiisii) Suleymaan ahaaa wuxuuna ahaa adeec (Eebe) oo fiican toobad keen badan.
- Mahmud Muhammad AbduhXusuuso marka loo bandhigay Casarkii Fardo oradbadan oo fiiefiican.
- Mahmud Muhammad AbduhOo markaas uu yidhi ma waxaan ka jeclaan xusidda Eebe xoolo, inta Qorraxdu ka dhacdo.
- Mahmud Muhammad Abduhii soo celiya wuxuuna bilaabay inuu ka taabto Dhudhumade iyo Luqunta (uu gawraco sadaqo darteed).
- Mahmud Muhammad AbduhDhabahaan yaan u fidmeynay (imtixaanay) Nabi Suleymaan, waxaana ku tuuray kursigiisii jasad markaasuu toobad keeney.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Eebow ii dambi dhaaf ina sii xukun aan ku habooneyn cid igadambeeysa adaa bixin badane ahe.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u sakhirrey daheysha iyadoo ku socota amarkiisa iyadoo jilicsan meeshuu doono.
- Mahmud Muhammad AbduhShayaadiinta (Waxaan usakhirey) mid wax dhisid iyo mid dhunbasho badanba.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo kuwo kale oo ku xidhxidhan silsilado.,
- Mahmud Muhammad Abduh(Waxaan ku nidhi) tan waa siismada ee bixi ama hayso xisaab la'aan.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ku leeyahay agtanada dhawaansho iyo noqosho fiican.
- Mahmud Muhammad AbduhXusuuso addoonkeygii Ayuub ahaa markuu u dhawaaqay (baryey) Eebihiis isagoo dhihi wuxuu itaabsiiyey shaydaan dhib iyo Cadaab.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku nidhi ku garaac Lugtaada (dhulka) waxaana ku nidhi kani waa Biyo meydhi ah qabowna lana cabdo.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana siinnay Caruurtiisii iyo kuwo kale oo lamid ah naxariis xagganaga ka ahaatay iyo xusuus kuwa caqliga lch.
- Mahmud Muhammad AbduhKuna qabo gacantaada xidhmo laamo ah kuna garaac hana jabinin dhaarta waxaana ku ognahay inuu yahay samre addoon fiican ah toobadkeenna badan.
- Mahmud Muhammad AbduhXusuuso addoomadannadii (Nabi) Ibraahim iyo Nabi Isxaaq iyo Nabi Yacquub ee ku xoog badnaa cibaadada kuna aragdheeraa (xaqa).
- Mahmud Muhammad AbduhAnagaa u dooranay xusidda aakhiro.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ka yihiin agtanada kuwo la doortay oo wanaagsan.
- Mahmud Muhammad Abduh48, Xusuusana Nabi Ismaaciil, Alyasac iyo Dul kifli dhamaanna waxay ahaayeen kuwo wanaagsan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaas la soo sheegay waa xusuus, kuwa dhowrsadana waxaa u sugnaaday noqosho fiican.
- Mahmud Muhammad AbduhJanada cadnimo loo furay albaabada yey mudan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ku dangiigsan dhexdeeda (sariiro) waxayna u yeedhaan faakhihad badan iyo Cabbid.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana agtooda ahaan Haween indhahoodu ku koobanyahay Ragooda (dhowrsoon) oo Isla eg.
- Mahmud Muhammad AbduhKaas waxa leydiin yaboohay Maalinta Xisaabta (qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhKaasuna waa Rizqigannaga mana dhamaado.
- Mahmud Muhammad AbduhXaalku waa sidaas, Gaalana waxaa u sugnaadey noqosho xun.
- Mahmud Muhammad AbduhJahannamo yeyna gali iyadaana u xun Gogol.
- Mahmud Muhammad AbduhKaas waa Cadaab, ee dhadhamiya, isagoo ah Biyo kulul iyo Dhaacaanka ehelu Naarka.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo mid kale oo Cadaab ah oo mooeya ah.
- Mahmud Muhammad AbduhMalaa'igtuna waxay dhihi kani waa koox idinla gali Cadaabka waxayna ku dhihi ha soo dhawaanina, waxayna galaan Naarta.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku dhaheen kuwii raacay kuwii madaxda ahaa ha soo dhawaanina (wanaag halla kulmina) idinkaa na soo galiyey Cadaabkan isagaana uxun meel lagu nagaado.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dheheen kuwii wax raacay Eebow ruuxii nasoo galiyey Cadaabkan u siyaadi laban laab Naarta.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhaheen (Madaxdii) Gaalada maxaan la arkiweyney rag aan ku tirinay kuwo xun xun,
- Mahmud Muhammad AbduhMa waxaan ka yeelanay (adduunkuu) Jees jees mise waxaa ka iishey xaggooda Araggii.
- Mahmud Muhammad AbduhKaasina (doodaas) waa xaq sugan oo ah dooda ehelu naarka.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa Nabiyow waxaan uun ahay dige, Eebe aan Eebe ahayna ma jiro ee kaliga ah awoodana badnaa.
- Mahmud Muhammad AbduhEe ah Eebaha samooyinja iyo dhulka iyo waxa udhaxeeyaba, ahna adkaade dambidhaaf badan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa Nabiyow Quraanku waa war weyn.
- Mahmud Muhammad AbduhOod idinku ka jeedsaneysaan.
- Mahmud Muhammad Abduhmana ogayn shirka sare (malaa'igtu) markey doodayaan (Haddaan waxyi jirin).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaa uun leywaxyoodey inaan ahaydige muuqda.
- Mahmud Muhammad AbduhXusuuso markuu Eebe ku yidhi malaa'igta anigu waxaan ka abuuri dadka (Aadam) Dhoobo.
- Mahmud Muhammad AbduhEe markaan ejeeyo oon ku afuufo Ruuxdeyda ugu dhaca sujuud (salaan).
- Mahmud Muhammad AbduhWayna sujuudey malaa'igtii dhamaantood oo idil.
- Mahmud Muhammad AbduhIbliss mooyee oo is kibriyey kana mid noqday gaalada.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu yidhi Ibliisow maxaa kaa reebay inaad u sujuuddo kaan ku abuuray yaddayda ma iskibrisey mise waxaad ka mid noqotay kuwa islasareeya.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi anaa ka kheyroon isaga (aadam), waxaad iga abuurtey naar isagana waxaad ka abuurtey dhoobo.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku yidhi iiga bax samadeyda, waxaad tahay mid la dheereeyeye.
- Mahmud Muhammad AbduhKorkaagana ha ahaato lacanade tan iyo maalinta abaalmarinta.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (ibliis) Eebow i sugtan iyo maalinta la soo bixin dadka.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu yidhi waxaad ka midtahay kuwa la sugi.
- Mahmud Muhammad AbduhTan iyo maalinta waqtiga layqaan ah.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi waxaan ku dhaartey sharaftaadee waan baadiyeyn dhamaantood.
- Mahmud Muhammad Abduhmarka laga reebo addomadaada suuban.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu yidhi dhabtaan kusifoobaa, dhabtaana uhadlaa.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku dhaaran inaan kabuuxiyo Jahannamo adiga iyo inta kuraacda oo ka midah dadka dhamaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa Nabiyow idin kama warsanaayo xaqa ujuuro, mana ibi kuwa is dhiba (isku dhibawaxaan la firin).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxyiguna waxaan waanada caalamka ahayn ma aha.
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaanna waxaad u ogaan doontaan warkiisa muddo ka dib.