الزخرف
Az-Zukhruf
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhMucjisada Quraankay ku tusin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dhaartay Kitaabka (Quraanka) cade (muuqda) ee.
- Mahmud Muhammad Abduhannagaa ka yeelley Quraan Carabi ku soo dagay, inaad kastaan darteed.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ku suganyahay Kitaabka asalkiisa (Looxul maxfuudka) agtiisa, waana sarreeyaa Quraanku falna sanyahay.
- Mahmud Muhammad AbduhMa waxaan Quraanka idiinka haysanaynaa (daysanayna) inaad tihiin qoom ku xadgudbay xumaanta.
- Mahmud Muhammad AbduhBadanaa intaan udiray Nabi kuwii hore.
- Mahmud Muhammad AbduhNabi uma yimaado Gaaladii hadii kale way ku jees jeesi jireen.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana halaagnay kuwo ka xoogbadan qabasho waxaana tagay (hor maray) tusaalihii kuwii horreeyey (ee halaaga ahaa).
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaad warsato Gaalada yaa abuuray Samooyinka iyo dhulka waxay odhan waxaa abuuray Eebaha adkaada ee wax walba og.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Eebaha idiin kayeeley dhulka gogol idiinkana yeeleydhexdiisa Wadooyin si aad ugu hanuuntaan (toostaan).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Eebaha ka soo dajiyey Samada Biyo qadaran oon ku noolayno Magaalo dhimatay, saasaana leydiin soobixin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Eebaha abuuray noocyada dhamaantood idiinkana yeeley Maraakiibta iyo Xoolaha waxaad kortaan.
- Mahmud Muhammad AbduhInaad ku ekaataan dhabarkeeda markaas aad xusuusataan Nicmada Eebihiin markaad ku ekaataan ood dhahdaan waxaa nasahan Eebaha noosahley tan mana nihin kuwo kara leyligeeda.
- Mahmud Muhammad AbduhAnaguna xagga Eebahanno yaannu u gadoomeynaa.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay uga yeeleen Eebe addoomadiisa qayb, Dadkuna waa gaaloow badane cad.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyuu ka yeeshay Eebe wuxuu abuuray qarkood Gabdho, oo idiin doorey Wiilal.
- Mahmud Muhammad AbduhMarka loogu bishaareeyo midkood wuxuu Eebaha Raxmaana uga yeeley tusaale, wuxuu noqdaa wajigiisu mid madow oo walbahaarsan.
- Mahmud Muhammad AbduhMa Eebey u yeeleen wax ku barbaara isqurxin, oon doodna caddayn karin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ka yeeleen Malaa'igta ah addoomada Eebaha Raxmaan ah dhadig, miyey joogeen abuurkoodii, waan qoreynaa maragooda waana la warsan (waxaas).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhaheen hadduu doono Eebaha Raxmaan ah maanaan caabudneen waxkale ugumana sugnaanin wax cilmi ah arrintaas, waxaan beensheegayaal ahayna ma aha.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxaan siinay Kitaab ka horreyey (quraanka) oy haystaan isagaas.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaybase dhaheen waxaan bellay Abbayowganoo jid ku socda anaguna iyaga raadkoodii yaan ku hanuunsanahay.
- Mahmud Muhammad AbduhWaa saasoo kale umaanaandirin Magaalo hortaa u dige haddii kale waxa dhihi Jireen kuwa raaxaystay anagu waxaan hellay Aabayoowganoo jid ku sugan anaguna raadkooda yaan ku dayanaynaa.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa (ma waxaad raaxaysaan waxaas) haddaan idiinla imaado wax ka hanuunsan waxaad ka hesheen Aabayaalkiin (oo ku sugan) waxay dhihi annagu waxa laydiin ku soo diray waannu ka Gaalownay.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan ka aarsanay, bal day siday noqotay cidhibtii beeniyayaasha (xaqa).
- Mahmud Muhammad AbduhXusa Markuu ku yidhi (nabi) Ibraahim Aabihiis iyo Qoomkiisii anigu waxaan bari ka ahay waxaad caabudaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaanse caabudi Eebaha I abuuray isagaana i hanuunin.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna kayeelay Kalimada (tawxiidka) tii ku baaqi ah Faraca Ibraahiim si ay xaqa ugu noqdaan.
- Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee waan u raaxeeyey kuwaas iyo Aabbayaalkood intuu uga yimaado xaqu iyo Rasuul cad (oo muuqda).
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu u yimid xaqii waxay dhaheen kan waa sixir annaguna waannu ka Gaalownay.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhaheen gaaladii maxaa loogu dajin waayey Quraankan mid ka mid ah labada Magaalo ee weyn.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyagaa qaybin Naxariista Eebahaa anagaa u qaybina dhexdeeda rizqigooda nolosha adduunyo waana ka kor yeelay qaarkood qaarka kale darajooyin, si leysugu shaqeeyo, Naxariista Eebahaa yaa ka khayrbadan waxay kulmin.
- Mahmud Muhammad AbduhHadduusan Dadku noqoneyn umad kaliya (Gaalimada) waxaan uga yeelilahayn kuwa ka Gaalooba Eebe guryahooda Saanqaag Fidlo ah iyo Sallaano Fidla ah, oy ku koraan.
- Mahmud Muhammad AbduhGuryhoodana waxaan uga yeeli lahayn Albaabyo iyo Sariiro ay ku dangiigsadaan oo fidla ah.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Dahab, waxaas dhamaantiisana waxaan raaxada nolasha dhaw ahayn ma aha, aakhiraase u ah Eebe agtiisa kuwa dhawrsada.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxii ka jeedsada «aragheela» xuska Eebahaa Raxmaan ah (Quraanka) waxaannu la xidhiidhinaa shaydaan oo saaxiib u noqon.
- Mahmud Muhammad AbduhShayaadiintuna waxay ka leexin Jidka (xaqa) waxayna isu maleyn inay hanuunsanyihiin (toosan yihiin).
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu nooyimaaddo (Gaalku Qiyaamada) waxuu ku dhahaa (Shaydaanku) shaleytee mey dhexdeenna ahaato «wax la mid ah» fogaanshaha qorrax ka soobax iyo u dhaca, adaana u xun Saaxiib.
- Mahmud Muhammad AbduhWax idiinma tarayso Maanta haddaad dulmi fasheen inaad cadaab wadaagtaan (ku kulantaan).
- Mahmud Muhammad AbduhMa adaa wax maqashiin kara wax ma maqle, ma adaase hanuunin Kara (toosin kara) wax ma arke iyo cid ku sugan baadi cad.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaan kulatagno adiga ku (oofsano) anaga uunbaa ka aarsan Gaalada.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaan ku tusino waxaan u yaboohnayoo cadaab ah, waanu karraa korkooda.
- Mahmud Muhammad AbduhEe qabso waxa laguu waxyooday Nabiyow waxaad ku sugantahay Jid toosan.
- Mahmud Muhammad AbduhQuraankuna sharaf buu u yahay adiga iyo qoomkaagaba, waana leydin warsan doonaa.
- Mahmud Muhammad AbduhWarso kuwaan dirray ee kaa horeeyey oo Rasuuladanada ka mid ahaa inaan yeellay Eebaha Raxmaana Kasoboow Ilaahyaal la caabudo.
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan yaan ugu dirray Nabi Muuse isagoo wata aayaadkanaga xaga Fircoon iyo Jamaacadiisa, wuxuu yidhi anigu waxaan ahay Rasuulkii Eebaha Caalamka.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ulayimid aayadkanaga waxay noqdeen kuwo ku qosla.
- Mahmud Muhammad AbduhMa tusino aayad haddii kale wey ka weyntahay walaasheed (tan kale) waxaana ku qabanay cadaab inay noqdaan darteed.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhaheen kan Saaxirka (Caalimka) ahaw (Muuse) noo bari Eebahaa wuxuu kugula ballantamay wanagu waan hanuuneynaaye.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaan ka faydnay xaggooda cadaabkii waxay soo bexeen kuwo buriya (ballankii).
- Mahmud Muhammad AbduhWuu u dhawaaqay Fircoon Qoomkiisii wuxuu yidhi miyuusan ii sugnaan xukunka Masar, iyo Wabiyadan socota hoostayda, miyeydaan wax arkaynin.
- Mahmud Muhammad AbduhSaw anagu kama khayroonin kan dulleysan een karayn waxcaddayn (Nabi Muuse).
- Mahmud Muhammad AbduhMaxaa loogu soo tuuriwaayey Jijimooyin Dahab ah, ama maxay ula imaan wayday Malaa'ig israac raacsan.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu fudaysaday (Fircoon) qoomkiisii wayna adeeceen waxayna ahaayeen Qoom faasiqiin ah.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkey nacadha galiyeenna waan ka aarsanay xaggooda, waana maanshaynay dhamaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ka yeeley waano iyo tusaaale Dadka dambe.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaan uga yeellay ina maryama (Ciise) tusaale, markaasay qoomkaagu Nabiyow ka jeedsadaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dheheen ma Ilaahyadanaa khayr roon mise isaga, mayna kuugu qadarin tusaale muran mooyee, waana qoom dood badan.
- Mahmud Muhammad AbduhWax kale ma aha Ciise ee waa uun addoon aan u Nicmaynay ugana yeellay tusaale ree Bani Israa'iil.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaan doono waxaan idiinka yeelilahayn Malaa'ig badalkiina Dhulka u hadha.
- Mahmud Muhammad AbduhNabi Ciisana waa calaamadda Saacadda (Qiyaame) ee ha shakiyina, ina raaca kaasaa ah jidka toosane.
- Mahmud Muhammad AbduhYuuna idinka leexinin Shaydaan (Jidka) wuxuu idiin yahay Col cade.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu ulayimid Ciise xujooyin wuxuu ku yidhi waxaan idiin la imid xikmad iyo inaan idiin cadeeyo waxaad isku diidantihiin qaarkiis ee ka dhawrsada Eebe ina adeeca.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe isagaa ah Eebahay iyo Eebihiinba ee caabuda taasaa ah jidka toosane.
- Mahmud Muhammad AbduhWayse is khilaafeen Xisbiyadii dhexdooda halaagna wuxuu u sugnaaday kuwii dulmi falay Cadaab Maalin daran xageed.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyey sugi (Gaaladaasi) waxaan saacadda (qiyaame) ahayn inay ugu timaado si kado ah iyagoon ogayn.
- Mahmud Muhammad AbduhSaaxiibadu Maalinta Qiyaame qaarkood qaarka (kale) waa u col kuwa dhawrsaday mooyee (Mu'miniinta).
- Mahmud Muhammad Abduh(Waxaana loo odhon) addoomadaydoow korkiina cabsi ma aha Maanta mana murugoonaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana kuwa rumeeyey Aayaadkanaga oo ahaa Muslimiinta.
- Mahmud Muhammad Abduh(Waxaana lagu dhihi) gala Janada idinkiyo Haweenkiinna (iyo kuwa idin la midka ah) idinkoo laydiin Nicmeeyey (laydin kana farxin).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana lala korsocon Weelal (Saxamo) Dahab ah iyo Koobab, waxayna ka heli (Jannada) dhexdeeda waxay doonto Naftu kuna raaxaystaan Indhuhu idinkoo dhexdeeda ku waari.
- Mahmud Muhammad AbduhTaasina waa janadii aad ku dhaxasheen waxaad camalfalayseen.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna ku leedihiin dhexdeeda Faakiho badan ood xaggeeda wax ka cuntaan.
- Mahmud Muhammad AbduhDambiilayaashu waxay gali cadaabka jahanamo iyagoo ku waari.
- Mahmud Muhammad AbduhLagamana fudaydiyo dhexdiiseyna ku quustaan (aamusaanna).
- Mahmud Muhammad AbduhManaan dulmiyin hasa yeeshee iyagaa dulmiilayaal ahaa.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna u dhawaaqi Maalig (Malaga Naarta) iyagoo dhihi Eebahaa ha nadilo markaasuu dhahaa idinku waas kuwaaraysaan (naarta).
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaanbaan idiin la nimid xaq hasa yeeshee badankiin xaquu nacay.
- Mahmud Muhammad AbduhMa waxbayse gooyeen Gaaladu oo amar ah (dhibka Nabiga) anaguna waxbaan goynaynaa (ciqaabtooda).
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxay umaleeyeen inaanaan maqlayn qarsoodigooda iyo muujintoodaba, saas ma ah ee Mala'igtanadaa agtooda wax ku qoro.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa Nabiyow haddii Eebaha Raxmaan ah usugnaado Ilmo anaa u hor caabudilahaa.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa ka nasahan Eebaha Samooyinka iyo Dhulka ee Eebaha Carshiga ah waxay ku timaamaan.
- Mahmud Muhammad AbduhEe katag ha dhunbadeen (xumaanta) hana ciyaareen intay kala kulmaan maalintoodii loo yaboohaye.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waa macbuudka Samada iyo macbuudka Dhulka, waana falsame wax og.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana barako badnaaday (sarreeyeyna) Eebaha iska leh xukunka Samooyinka iyo dhulka iyo waxa u dhaxeeya, agtiisaana ah ogaanshaha Saacadda (Qiyaame) xaggiisaana laydiin celin.
- Mahmud Muhammad AbduhMana hantaan kuway caabudeen Eebe ka sokow wax shafeeca ah hasayeeshee ciddii xaqa qirta iyagoo og (waxbay ushafeeci idanka Eebe ka dib).
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaad warsato Gaalada yaa abuuray waxay dhihi Eebe ee xaggee loo iili.
- Mahmud Muhammad AbduhNabiguna wuxuu yidhi: Eeboow kuwani waa qoom aan rumaynayn (xaqa).
- Mahmud Muhammad AbduhIska saamax waxaadna dhahdaa Nabadgalyo, way ogaandoonaan (waxa ku dhacee).