الدخان
Ad-Dukhan
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhWaannu sheegnay iyadoo kale.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dhaartay Kitaabka Cade (Quraanka).
- Mahmud Muhammad AbduhAnagaa dejinay Quraanka Habeen barakeysan (Layletulqadar) anagaana wax u digi.
- Mahmud Muhammad AbduhHabeenkaasaana la kala bixiyaa amar kastoo xigmo leh.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana amar agtanada ka ahaaday, anagaana wax dirra (Rasuulo).
- Mahmud Muhammad AbduhNaxariis ka ahaater xagga Eebahaa, Eebaana wax maqle ah wax og.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Eebaha samooyiinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya haddaad yaqiinsanaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhIlaahay mooyee Eebe kalane ma jiro, isagaa wax nooleeya waxna dila, waana Eebihiina iyo Eebaha Aabbayaalkiinii horreeyey.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayse ku suganyihiin shaki wayna ciyaari.
- Mahmud Muhammad AbduhEe sug Maalinta uu ku imaan Cirku qiiq muuqda (isagoo ku dheehan).
- Mahmud Muhammad AbduhOo dabooli Dadka kaasina waa cadaab daran.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dheheen Eebow naga fayd cadaabka waxaan nahay Mu'miniine.
- Mahmud Muhammad AbduhGoormay waantoobi isagoos u yimid Rasuul cad «muuqda».
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasay ka, jeedsadeen Nabiga waxayna dheheen waa waxlabare waalan.
- Mahmud Muhammad AbduhAnagu waxaan idiinka faydaynaa cadaabka wax yar idinkuna waxaad ku noqonaysaan xumaanta.
- Mahmud Muhammad AbduhMaalintaan qabanayno qabashada wayn (Qiyaamada) (ama Badar) waanu aarsan.
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaanbaan Imtixaanay hortood qoomkii Fircoon, waxaana u yimid Rasuul sharaf leh.
- Mahmud Muhammad AbduhIsagoo dhihi iidhiiba addoomada Eebe (ama maqalka) waxaan idiin ahay Rasuul aamin ah.
- Mahmud Muhammad AbduhHana iska wayneynina Eebe waxaan idiin la imid xujo cade.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka magangalay Eebahay iyo Eebihiin inaad idhagaxyeysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhEe hadaydaan i rumeyn iga fogaada (idaaya).
- Mahmud Muhammad Abduhwuxuuna u qaylyey Eebihiis in kuwaasu yihiin Qoom dambiila yaal ah.
- Mahmud Muhammad Abduhguuri addoomadayda Habeenimo, waa laydin raaciye.
- Mahmud Muhammad Abduhkana tag badda iyadoo xasilloon oo furan iyagu waa col la maanshayne.
- Mahmud Muhammad Abduhimisey ka tageen Beero iyo Ilo.
- Mahmud Muhammad Abduhiyo Tallaal iyo meel sharaf leh.
- Mahmud Muhammad Abduhiyo Nicmooyin ay ku raaxaysanayeen.
- Mahmud Muhammad Abduhxaalkuna waa saas, waxaana dhaxalsiinay qoom kale.
- Mahmud Muhammad Abduhuma ooyin samada iyo Dhulku korkooda, lamana sugin.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana ka korinay ree Bani Israa'iil cadaab wax duleeya.
- Mahmud Muhammad Abduh(Fircoombaan ka korinay) wuxuuna ahaa isla weyne xadgudbayaasha ka mid ah.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ka dooranay (dadkii waqtigoodii) anagoo og.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana siinay aayado imtixaan cad kusuganyahay.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwaasi (Gaaladu) waxay dhihi.
- Mahmud Muhammad Abduharrintu ma aha geerida hore mooyee, mana nihin kuwo la soobixin.
- Mahmud Muhammad Abduhnoo keena aabayowgano haddaad run sheegaysaan.
- Mahmud Muhammad Abduhmiyagaa khayr roon mise qoomkii Tubax iyo kuwii ka horreeyey waan halaagnay waxayna ahaayeen dambiilayaal.
- Mahmud Muhammad AbduhSamooyinka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya umaanaan abuurin ciyaar.
- Mahmud Muhammad Abduhmana aanaan u abuurin wax aan xaq ahayn hasa yeeshee badankood ma oga.
- Mahmud Muhammad Abduhmaalinta kala bixinta yaa ballan u ah dhamaan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana Maalintaan Qaraabanimo waxba laysugu tarayn laysuna gargaarayn.
- Mahmud Muhammad Abduhcid Eebe u naxariisto mooyee, illeen waz adkaade naxariistee.
- Mahmud Muhammad AbduhGeedka Zaquumka ah.
- Mahmud Muhammad Abduhwaa cunnada dambi badanaha.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana Laami oo kale kuna kari Caloosha.
- Mahmud Muhammad Abduhsida Xamiimka (Kulayl daran) oo kale.
- Mahmud Muhammad Abduh(waxaana lagu dhihi) qabta Gaalka una Jiida Jaximo dhexdeeda.
- Mahmud Muhammad Abduhmarkaas ku shuba Madaxiisa korkiisa cadaab kulul.
- Mahmud Muhammad Abduh(waxaana lagu dhihi) dhadhami (Cadaabka) waxaad tahay adkaade sharaflehe.
- Mahmud Muhammad Abduhkaasina waa kaad ahaydeen kuwo shakiya (Cadaabka).
- Mahmud Muhammad Abduhkuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah.
- Mahmud Muhammad AbduhJannooyin iyo Ilo (yey kusugnaan).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna xidhan Xariir jilicsan iyo mid adag (oo dhalaali) wayna is qaabili.
- Mahmud Muhammad Abduhsaasoo kale waxaa usugnaaday Haween Indho waaweyn.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna uyeedhan Janada dhexdeeda Khudaar kasa iyagoo aamin ah.
- Mahmud Muhammad Abduhmana ku dhadhamiyaan Jannada dhexdeeda Geeri, Geeridii hore mooyee wuxuuna ka dhawray (Eebe) Cadaabka Jaxiimo.
- Mahmud Muhammad Abduhwaana fadliga Eebahaa, taasina waa liibaanta wayn.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaan ugu fududaynay Quraanka Carrabkaaga inay waantoobaan.
- Mahmud Muhammad Abduhee sug iyaguna way sugiye.