ق

Qaf

Suuradda 50 · Makki · 45 aayadood · Soo degidda: 34

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku dhaartay Quraanka sharafta leh (in dadka la soo bixin).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayse La yaabeen inuu u yimid dige ka mid ah oy markaas dheheen gaaladii kan waa wax la yaab leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa markaan dhimanno oon carro noqonno yaa nala soo celin, taas waa soo celin fog.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaan ognahay waxa dhulku ka cunay jidhkooda, agtannadana waxaa yaallaa Kitaab koobay wax walba, oo ilaashan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaybase beeniyeen xaqii markuu u yimid, waxayna ku suganyihiin xaal qasan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyayna eegin Samada korkooda ah sidaan u dhisnay una qurxinay ayna duleella u lahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhulkana waan waasicinnay waxaana ku sugnay Buuro, waxaana ka soo bixinnay dhexdiisa nooc kasta oo quruxsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhInay aragti iyo waano u noqoto Ruux kasta oo Addoon Eebe oo toobad keen badan ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ka soo dajinnay samada Biyo barakaysan oon ku soo bixinnay Beero iyo Midho la goosta,
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo timir dheer oo fidsan oo leh fiido wax ka soo dhashaan oo is dul saaran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSi Addoommada Eebe loogu irsaaqo, Biyahaana waxaan ku noolaynay Magaalo dhimatay, saasayna soo bixintu tahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa Reer Makaad hortooda waxaa xaqii beeniyay Qoomkii (Nabi) Nuux iyo Rasi dadkeedii iyo thamuud.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Ree Caad iyo Fircoon iyo (Nabi) Luudh walaalihiis (qoomkiisii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo kayntii dadkeedii (Nabi Shucayb qoomkiisii) iyo Qoomkii Tubbac, dhammantood waxay beeniyeen Rasuulladdi, waxaana ku dhacay wixii Eebe ugu goodiyay (ciqaabtii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa waxaan ka noognay abuuriddi hore, waxayse shakisan yihiin abuuridda cusub (soo bixinta).
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan yaan u abuurray Insaanka (dadka) waana ognahay waxay naftiisu ku waswaasin Annagaana ugsa dhaw xididka dhuunta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay kulmi malaa'igta ilaalinaysa oo Midigta iyo bidixda ka fadhida.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWax kastoo lugu hadlo waxaa la jooga Raqiib iyo Catiid (oo qori).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa u yimid sakaraadkii geerida si dhab ah wanataas geeridaad ka cararaysay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSuurkii (Qiyaamana) waa la afuufi waana Maalin laysu yaboohay (oo sugan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhNaf walba way iman iyadoo malag hoggaamin midna ku marag furi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana loo odhan waad halmaansanaydeen ariintan (Qiyaamada) waxaana kaafaydnay daboolkii araggaaguna Maanta waa xoog badan yahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMalaggi la xidhiidhayna wuxuu dhihi waa kan waana darbanyahay, (kiilayxilsaaray).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaa lugu dhihi ku tuura Naarta Jhannamo Gaalnimo badane madax adag dhammaantiis.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo khayrka reebidbadan gardarraloowna ah shakiilowna ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Eebe miciisa Ilaah kale yeelay, ku tuura caddibaad daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaaxiibkiisii (shaydaankiisii) wuxuu dhihi Eeboow anigu ma dhuminnin laakiin isagaa baadi fog ku sugnaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu dhihi ha ku murmina agtayda waan idiin hormariyay gooddigii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadalla agtayda laguma baddalo, mana dulmiyo addoomada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXusuusta Maalinta u dhahayno Naarta Jahannama Ma buuxsantay, oo markaa ay dhihi wax ma la ii siyaadin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhJannadiina loo so dhaweeyo kuwii dhawrsaday iyadoon ka fogayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaasina waa wixii loo yaboohay Ruux kasta oo tawbadkeen badan oo dhawrid badan (ballaanka).
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxii Eebaha Raxmaan ah ka yaaba isagoon arkaynin, oo la yimaada Qalbi toobadkeen badan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa lugu dhihi ku gala Jannada Nabadgalyo waana Maalintii waariddee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhJannada waxay ka heliwaxay doonaan, agtannadana waxaa ah siyaado.
  1. Mahmud Muhammad AbduhImisa Qarniyaan halaagnay Reer Makaad ka hor oo kana xoogbadan iyagoo dhulka ku gagaddoomay, meel Eebe looga cararana ma jirto.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaasina waa waanada ruuxii qalbi leh ama wax dhagaysan isagoo Qalbigiisu joogo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhabahaan annagaa Samaawaadka iyo Dhulka iyo waxa u dhaxeeya ku abuura lix maalmood, wax daal ahna nama taabanin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKu samir (Nabiyow) waxay sheegayaan, Eebana u tasbiixso adigoo ku mahadin qorrax soo bax ka hor iyo dhicidda ka hor.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHabeenkana qaar u tasbiixso iyo sujuudda dabadeed.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhagayso Maalinta uu ka dhawaaqi mid dhawaaqa meel dhaw.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa ay maqli qaylada oo dhab ah, waana Maalinta soo bixidda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa waxna noolaynna waxna dilla, xaggannagaana loo soo ahaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta Dhulka ka dillaaci iyagoo dagdagi, taasina waa soo kulmin noo fudud.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa og waxay dhihi, aduguna matihid mid xoogi korkooda, ee ku waani Quraanka Ruuxii Eebe waciidkiisa (goodigiisa) ka yaabi.