الذاريات
Adh-Dhariyat
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku dhaartay dabaysha (Carrada kicisa).
- Mahmud Muhammad AbduhIyo daruurta xambaarta culayska (Roobka).
- Mahmud Muhammad Abduhiyo doonnida sida fudud u socota.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Malaa'igta amarka qaybisa.
- Mahmud Muhammad AbduhEe dadow waxa laydiinku goodin waa run.
- Mahmud Muhammad AbduhAbaalmarintuna waa sugantahay.
- Mahmud Muhammad AbduhSamada yuu Eebe ku dhaartay ee quruxda iyo waddooyinka leh.
- Mahmud Muhammad AbduhEe dadow waxaad ku sugantihiin hadal is khilaafsan.
- Mahmud Muhammad AbduhIimaankana waxaa laga iilaa ruux dhumay.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana la nacladay Beenalayaasha.
- Mahmud Muhammad AbduhEe ah kuwa xumaantooda (baadinimadooda) ku dhexhilmaansan.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxay waydiin goorta abaalmarinta (qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana maalinta naarta lagu gubi.
- Mahmud Muhammad AbduhLaguna dhihi dhadhamiya caddibaddii aad dadajisanayseen.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa dhawrsaday waxay ku sugnaan Jannooyin iyo Ilo.
- Mahmud Muhammad AbduhIyagoo qaadan waxa Eebe siiyay, maxaayeelay waxay ahaayeen horay kuwo wanaag fala.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ahaayeen kuwo wax yar Habeenkii seexda.
- Mahmud Muhammad AbduhWaagana way dambi dhaaf waydiisanayeen.
- Mahmud Muhammad AbduhXoolohoodana xaq bay ku leeyihiin kuwa waydiista iyo kadhibaataysan.
- Mahmud Muhammad AbduhDhulkana waxaa ugu sugan calaamooyin kuwa wax yaqiinin.
- Mahmud Muhammad AbduhNaftiinna miyaydaan arkaynin (waana qaadasho).
- Mahmud Muhammad AbduhSamada yuuna jiraa risqigiinnu iyo waxa laydiin yaboohi.
- Mahmud Muhammad AbduhEbaha Cirka iyo dhulka yaan ku dhaarannaye waxa quraanku sheegi waa suganyahay sida hadalkiinna oo kale.
- Mahmud Muhammad AbduhMa ku soo gaadhay warkii martidii (Nabi) Ibraahiim ee sharafta lahayd.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkay salaameenna, isna uu salaantii ka celiyey yidhi waxaad tihiin kuwo aan la oqoonnin.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasu aaday ehelkiisii lana yimid Dibi shilis (una gawracay).
- Mahmud Muhammad AbduhUna soo dhaweeyay isagoo ku leh maxaad u cuni waydeen.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna naftiisa ka kasay cabsi xaggooda ah, waxayna ku dheheen ha cabsanin, waxayna ugu bishaareeyeen wiil cilmi yeelan,
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasay soo qaabishay haweenaydiisii iyadoo ku qaylyi wajigana garaaci Ma Habar mandhalays ah (yaa wax dhali).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna ku dheheen xaalku waa saas, Eebahaaga falkasan ee waxwalba og yaa yidhi
- Mahmud Muhammad Abduh(Nabi Ibraahim) wuxuu ku yidhi xaalkiinnu see yahay kuwayohow la soo diray.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dheheen waxaa lanoo soo diray qoon dambiilayaal ah.
- Mahmud Muhammad AbduhSi aan ugu soo dirro korkooda dhagaxyo dhoobo (kulul).
- Mahmud Muhammad AbduhOo Eebe agtiisa loogu calaameeyay kuwa xadgudbay.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan ka bixinnay kuwii mu'miniinta ahaa oo ku dhexjiray.
- Mahmud Muhammad Abduhkamana aannaan helin waxaan halguri oo muslin ah ahayn.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana kaga tagnay dhexdeeda calaamad (ay ku waana qaatan) kuwa ka cabsan caddibaad daran.
- Mahmud Muhammad Abduh(Nabi) Muusana calaamo lagu waana qaatu ahaa markaan u dirray Fircoon isagoo wata xujo cad.
- Mahmud Muhammad AbduhWuuna jeedsaday isagoo la jira colkiisii, wuxuuna ku yidhi waa Saaxir ama waa waalanyahay.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan qabannay (ciqaabnay) isaga iyo Askartiisiiba, waxaana ku tuurray Badda isagoo la dagaalay.
- Mahmud Muhammad AbduhRee Caadna (calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markaan ku dirray dabayl wax halaagta.
- Mahmud Muhammad AbduhWax kasta oy martana ka dhigi wax tirtiran.
- Mahmud Muhammad AbduhRee Thamuudna (Calaamo lagu waana qaato yaa ku sugan) markii lagu yidhi taaxaysta ilaa waqti.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna iska kibriyeen amarkii Eebe, waxaana qabtay Qaylo daran iyagoo eegi.
- Mahmud Muhammad AbduhMana ayna karin kicid, isumana ayna gargaarin.
- Mahmud Muhammad Abduh(Nabi) Nuux qoomkiisiina waa horreeyeen, waxayna ahaayeen kuwo faasiqiin ah,
- Mahmud Muhammad AbduhSamada annagaa u dhisnay si xoog ah, waana waasicinnay.
- Mahmud Muhammad AbduhDhulkana waan gogollay cid wax gogoshana annagaa u fiican (Eebe).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxwalbana waxaan ka abuurray laba nooc, si aad ugu waana qaadataan.
- Mahmud Muhammad AbduhEe Eebe u carara (toobad keena), waxaana idiin ahay dige cade (muuqda).
- Mahmud Muhammad AbduhHana yeelina Eebe miciisa ilaah kale, waxaan idiin ahay dige cade;.
- Mahmud Muhammad AbduhXaalku waa saas, Gaaladii ReeMakaad ka horreysayna markastoo Rasuul uyimaado waxay dhihi jireen waa Saaxir ama waa waalanyahay.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyay isu dardaarmeen arrintaas, waase qoom xadgudbay.
- Mahmud Muhammad AbduhEe Nabiyow iskaga jeedsado xaggooda, ma tihid mid la dagaaliye (Eebe agtiisa).
- Mahmud Muhammad AbduhEe wax waani, waanaduna waxay anfici mu'minintee.
- Mahmud Muhammad AbduhJinni iyo Insi waxaan Cibaadadayda ahayn uma abuurin.
- Mahmud Muhammad AbduhKamana doonaayo Risqi, iyo inay i quudiyaan.
- Mahmud Muhammad AbduhIlleen Eebe umbaa ah arsuqe xoogbadane.
- Mahmud Muhammad Abduh59 Kuwii dulmiilowga ahaa waxaa u sugnaaday. Qyb (ciqaab ah) oo la mid ah tii saaxiibbadoodii (ka horreeyey) ee ha dadajisanin.
- Mahmud Muhammad AbduhHalaag wuxuu usugnaaday kuwii gaaloobay maalintoodii (Qiyaame) ee loogu yaboohay.