الواقعة
Al-Waqi'ah
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhMarkay Qiyaamadu dhacdo.
- Mahmud Muhammad AbduhDhiciddaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
- Mahmud Muhammad AbduhMarka la gilgilo Dhulka gilgilid.
- Mahmud Muhammad AbduhBuurahana la riqdo.
- Mahmud Muhammad AbduhOy noqoto boodh Firdhisan.
- Mahmud Muhammad AbduhOod ahaataan Saddex nooc, (markaasaa dadka la soo bixin).
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa midigta mari (waa Ehlu-Jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo kuwa bidixda mari (waa ehluNaarkee) ma taqaan kuwa Bidixda mari.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo kuwii aad u hormaray.
- Mahmud Muhammad AbduhWaa kuwa Eebe dhaweeyay.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna gali Jannooyin Nicma leh.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Koox ka mid ah kuwii hore.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
- Mahmud Muhammad AbduhSariiro Dahab laga sameeyay yayna ku sugnaan.
- Mahmud Muhammad AbduhOy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo is qaabili.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa la dhex wareegi wiilal waari.
- Mahmud Muhammad AbduhKoobab iyo kildhiyo iyo weel uu ka buuxo macaan socda.
- Mahmud Muhammad AbduhMadax xanuun iyo caqlitagid midna ma leh.
- Mahmud Muhammad AbduhFaakihaday «khudaartay» doonaanna way heli.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Hilib Shimbir oo kay rabaan ah.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Haween Janno oo Indha cadcad.
- Mahmud Muhammad AbduhOod mooddo Jawhar la ilaaliyay.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana abaalmarin waxay Camalfali jireen (oo wanaag ahaa).
- Mahmud Muhammad AbduhKumana maqlaan Jannada hadal micno darra iyo dambi midna.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayse ku Maqli Salaan (dhexdooda ah).
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa Midigta mari, Ma taqaan kuwa midigta.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay heli Geedka Sidriga ah oon Qodax lahayn.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Geedka Dhalxiga ah oo buuxa.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Hoos joogta ah.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Biyo socda (goor walba).
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Faakiha badan.
- Mahmud Muhammad AbduhOon la goynaynin lana reebaynin.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Gogol la koryeelay.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa ahaysiin (Da'yarayn Haweenka Jannada).
- Mahmud Muhammad AbduhKana dhigi kuwa aan la taaban.
- Mahmud Muhammad AbduhOy is jecelyihiin (Raggooda) simanna.
- Mahmud Muhammad AbduhLiwa Midigta yaa muta (arrintaas).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Koox kuwii hore ka mid ah.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Koox kuwa dambe ka mid ah.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa Bidixda mari, ma taqaan kuwa Bidixda.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku sugnaan Naar daran iyo Biyo kulayl badan.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo hoos madow oo wax guba.
- Mahmud Muhammad AbduhAan qaboobayn aragna fiicnayn.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ahaayeen arrintaas ka hor kuwo ku raaxaysta (Xumaanta).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Daa'imi jireen dambi wayn.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhihi jireen ma markaan dhimanno oon Lafo iyo Carro noqonnaa lana soo bixin.
- Mahmud Muhammad AbduhAma Aabayaalkannagii horeeyay.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa kuwii horeeyay iyo kuwii dambeeyayba.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa loo soo kulmin Maalin la yaqaan (Qiyaamo).
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaas Baadiyaalyahow Beeniyayaasha ah.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad wax ka cunaysaan Geed xun.
- Mahmud Muhammad AbduhAad kana buuxinaysaan Caloosha.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna ku cabbaysaan Biyo kulayl badan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna u cabbaysaan sida Geel aad u ooman.
- Mahmud Muhammad AbduhKaasina waa waxa lagu soori (Gaalada) Maalinta abaalmarinta (Qiyamada).
- Mahmud Muhammad Abduh(Eebe wuxuu yidhi) Annagaa idin abuurraye maxaad la rumaynwaydeen (soo bixinta).
- Mahmud Muhammad AbduhKa warrama Dhibicda aad tuuraysan «Manida».
- Mahmud Muhammad AbduhMa idinkaa abuura mase Annagaa abuurra,
- Mahmud Muhammad AbduhAnnaaa idinku eheynay Geerida, Ruux naga fakanna ma jiro.
- Mahmud Muhammad AbduhInaan idinku baddallo kuwo idin la mid ah oon idinka ahaysiinno waxaydaan aqoon.
- Mahmud Muhammad AbduhDhabahaanbaad u ogtihiin abuuriddii hore, maad wax xusuusataan.
- Mahmud Muhammad AbduhKa warrama waxaad beereysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMa idinkaa soo dhaliya mase Annagaa soo dhalinna.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaan doonno waxaan ka dhigaynaa burbur (aan wax tarin) markaasaad yaabaysaan (murugoonaysaan).
- Mahmud Muhammad Abduh(Idinkoo dhihi) Waa nala khasaariyay.
- Mahmud Muhammad AbduhMase waa nala hoojiyay.
- Mahmud Muhammad AbduhKa warrama Biyahaad cabbaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMa idinkaa ka soo dajiyay Daruurta mase annakaa soo dajinnay.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaan doonno waxaan ka yeelaynaa khadhaadh (aan la hollin karin) ee maad ku mahadisaan (Eebe).
- Mahmud Muhammad AbduhKa warrama Dabkaad Madagta ka shiddaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMa idinkaa ahaysiiyay Geedkeeda mase annagaa ahaysiinnay.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa ka dhignay Dabka waano iyo nacfiga kuwa Safarka ah (iyo cidlada).
- Mahmud Muhammad AbduhEe waynee oo u Tasbiixso Magaca Eebaha wayn.
- Mahmud Muhammad Abduh(Eebe wuxuu yidhi) Waxaan ku dhaartay halkay Xiddiguhu ku dhacaan (ku qarsoomaan).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana dhaar wayn haddaad ogtihiine.
- Mahmud Muhammad AbduhQuraanku waa shay sharaf leh.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ku suganyahay Kitaab la dhawray.
- Mahmud Muhammad AbduhMana taabto Ruuxan Daahir ahayn.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana soo dajiyay Eebaha Caalamka.
- Mahmud Muhammad AbduhEe ma Quraankan yaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhOod ka yeeleysaan (mahaddii) Riqigiinna beenin (Xaqa).
- Mahmud Muhammad AbduhMaxaydaan markay Naftu dhuunta gaadho.
- Mahmud Muhammad AbduhIdinkuna aad fiirinaysaan (Ruuxa dhiman).
- Mahmud Muhammad AbduhAnnaguna aan idiinka dhawnahay, Laakiinse aydaan arkaynin.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaad tihiin kuwa aan la soo bixinaynin.
- Mahmud Muhammad AbduhMaad Nafta ku celisaan, haddaad Run sheegaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhHadduu ka mid yahay (Ruuxa dhiman) kuwa Eebe dhaweeyay.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu heli naxariis iyo farax iyoJannada Naciima.
- Mahmud Muhammad AbduhHadduu yahay kuwa Midigta marina.
- Mahmud Muhammad AbduhNabadgalyaa u sugnaatay (iyo wanaag).
- Mahmud Muhammad AbduhHadduu yahay kuwa xaqa beeniyay ee dhumayna.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu heli martiqaad iyo kulaylbadan.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo galidda Naarta Jaxiimo.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad (la soo sheegay) waa run dhab ah.
- Mahmud Muhammad AbduhEe tasbiixso Magaca Eebaha wayn.