الرحمن
Ar-Rahman
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad Abduh(Eebaha) Raxmaan ah.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu baray (Nabiga iyo dadka kalaba) Quraanka.
- Mahmud Muhammad AbduhDadkana wuu abuuray.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna baray dadka (Hadalka).
- Mahmud Muhammad AbduhQorraxda iyo dayaxuna waxay ku socdaan xisaab.
- Mahmud Muhammad AbduhXiddigga iyo Geedkuba way Sujuudaan (Eebe Dartiis).
- Mahmud Muhammad AbduhSamadana Eebaa koryeelay, Garsoorna wuu dajiyay.
- Mahmud Muhammad AbduhSi aydaan uga gudbin Caddaaladda.
- Mahmud Muhammad AbduhMiisaanka ku hagaajiya Caddaalad, hana nuqaamininna.
- Mahmud Muhammad AbduhDhulkana Eebe wuxuu u dajiyay khalqiga.
- Mahmud Muhammad AbduhDhexdiisa waxaa ah Faakihad (khudaar) iyo Timir Fiido leh.
- Mahmud Muhammad AbduhXubuubna (midho) ball leh iyo udgoona wuu abuuray.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan (Insi iyo Jinniyow).
- Mahmud Muhammad AbduhDadka Eebaa ka abuuray dhoobo Jilay oo kale ah.
- Mahmud Muhammad AbduhJaankana wuxuu ka abuuray ololka Naarta.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhIlaaheen waa Eebaha Labada Qorrax ka soo bax iyo Labada Qorrax u dhac.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waan kan Labada Badood dariseeyey iyagoo kulmi.
- Mahmud Muhammad AbduhDhexdoodana yeelay soohdin (kala reebta) iskumana xadgudbaan.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa lagala baxaa Baddaas Lu'Lu'iyo Murjaan (Jawhar).
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waxaa u sugnaaday Doomaha socda Badda oo Buuro la mid ah.
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhDhammaan waxa (Dhulka) korkiisa ah wuu tagi.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaase hadhi Eebaha wayn ee sharafta leh.
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa Eebe wax waydiista Samada iyo Dhulka waxa ku sugan, goorwalbana wuxuu maamuli arrin.
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana idin xisaabin si dhab ah Insi iyo Jinniyow.
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhJinni iyo Insiyow haddaad kartaan inaad ka baxdaan Samada Hajooyinkooda iyo Dhulka ka baxa, kamana bixikartaan xujo la'aan.
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe (hadduu doono) wuxuu idinku diri Olol Naar ah, iyo Maar (la dhalaaliyay) umana gargaarsanaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkay Samadu dillaacdo oy noqoto ubax guduudan oo subag la mid ah (dhalaasho) markaas dadkaa la abaalmarin).
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhMaalintaas Ruux la warsan dambigiisa Insi iyo Jinniba ma jiro.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhDambiilayaasha waxaa lagu aqoonsan astaamahooda, waxaana la qaban Foodda iyo gommadaha (Naartaana lagu tuuri).
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan,
- Mahmud Muhammad AbduhTani waa Jahannamadii ay beeniyeen Dambiilayaashu (yaa lagu dhihi).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku meereysan Jahannamo iyo biyo kulayl daran dhexdooda.
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxii ka yaaba Eebe hor istaaggiisa wuxuu mudan Laba Janno.
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhJannooyinkaas oo midabyo leh (iyo Laamo).
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa laga helaa ilo socda.
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa laga helaa nooc kasta oo Faakiha ah (Khudaar ah).
- Mahmud Muhammad AbduhNimcooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku dangiigsan (ehlu Jannuhu) Gogol ay tahay hoosteedo istabraq (xariir) Midhaha Jannooyinku waa u dhawyihiin.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhJannooyinka iyo Firaashka waxaa ku sugan Haween Indha waawayn oo dhawrsoon oosan taabanin horay Insi iyo Jinni midna.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad moodaa Haweenkaas Yaaquut iyo Murjaan (Jawhar midab leh).
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWanaag abaalkiisu soo wanaag ma aha.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay heli Labadaas Janno ka sokow kuwa kale.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Laba Jannoo madow (cagaaran).
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa dhexdeeda ah Laba ilood oo burqan.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhDhexdooda waxaa ah Faakihad (khudrad) iyo Timir iyo Rummaan.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhDhexdooda waxaa ah Haween khayr leh oo Quruxsan.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaa Haween Indhacad oo Gurigooda jooga.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaa Haween uusan horay u taabanin Insi iyo Jinni midna.
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ehlu-Jannuhu ku dangiigsan Barkimo cagaaran iyo Gogol Quruxsan,
- Mahmud Muhammad AbduhNicmooyinka Eebe teebaad beeninaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa barakadiisu badnaatay Magaca Eebaha wayn ee shrafta leh.