القلم

Al-Qalam

Suuradda 68 · Makki · 52 aayadood · Soo degidda: 2

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku dhaartay Qalinka iyo waxa Malaa'igtu qorayso (Camalka dadka).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Nabiyow Nicmada Eebe darteed lama waallid.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana kuu sugnaaday Ajri aan go'ayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana kuu sugnaaday dabeeco (fiican) oo weyn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaad arki doontaa nabiyow Gaaladuna way arki doonaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhkinna waalan (ama la caddibo).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe waa ogyahay Cidda ka dhunta Jidkiisa, waana ogyahay Cidda hanuunsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Nabiyow ha maqlin xaq beeniyayaasha (Warkooda).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay jecel yihiin inaad u iilato iyana kuu soo iishaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHa maqlin dhaar badane dhammaantiis oo dullaysan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhoo Xanlow ah, isku diraa ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKhayrka iyo Xoolahana reebta, gardarrow iyo dambiile ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXumaantana ku madax agad isku dhejisna ah (xumaanlow ah).
  1. Mahmud Muhammad Abduhinuu Xoolo iyo Wiilal uu leeyahay darteed (yuu saas u falay).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka Quraankannaga lagu akhriyana wuxuu dhahaa waa dadkii hore warkoodii.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuuse Eebe ka calaamayn Sanqaroorka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe wuu Imtixaanay Gaaladii (Reer Makaad) sidii loo imtixanay kuwii beerta markay ku dhaarten inay Aroortii goostaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyagoon dhihin haddii Eebe idmo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaase Beertii xagaa Eebe uga yimid Amar iyagoo hurda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna noqotay wax la shafay oo kale.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwayna isu dhawaaqeen Subaxdii.
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyagoo leh kallaha oo beerta goosta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwayna tageen iyagoo Codka hoos u dhigi.
  1. Mahmud Muhammad Abduhinaan Beerta maanta Miskiin soo gelin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayna kallaheen iyagoo diidan (in Miskiin u soo galo).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay ay arkeen Beertii siday tahay yey isu dhaheen waan soo dhunnay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhhaddana way isgarteen waxayna dhaheen ma ehee waa la ina hoojiyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaas kii u fiicnaa yiri: miyaana idin dhihin war Eebe weyneeya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasay dheheen Eebaa weyn, waan xad gudubnay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaa qaarba qaar ku jeedsaday iyagoo is dagaali.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dheheen Magacaana ba'ye waan xad gudubnay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu u dhow yahay inuu noogu beddelo mid ka fiican isagaan Khayr ka rajaynaynaa eh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCaddibaaddu waa saas Caddibaadda Aakharaase ka weyn haddii ay wax ogyihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa Eebe ka dhowrsada waxay Eeba agtiisa ku leeyihiin «Jannada Naciimada».
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa Muslimiinta yaanu kala mid dhigaynaa Dambiilayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSeed u dhihi kartaan saas.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise Gaalooy waxaa idiin sugnaaday Kitaab aad akhrisataan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhoo Waxaad doontaanba aad ka helaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise ballan adag yaad naga qaadeen tan iyo Maalinta Qiyaame oo waxaad rabtaaan aad xukumaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWeydii (Nabiyow) Gaalada Cidda damiinka ugu ah Xaalkaas.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmise dad la wadaaga Arrintaas yey leeyihiin, ha keeneen kuwaas hadday run sheegi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta dhudhunka la faydi doono Gaaladana loogu yeedhi doono inay sujuudaan ma karayaan Sujuud.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIndhaha Gaaladu Maalintaas waa dullaysan tahay waxaana ku muuqda Walbahaar iyo qoomamo, waxayna ahaayeen (Adduunka) kuwa loogu yeeray Sujuud iyagoo nabad qaba.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIsu kaana daa aniga iyo kuwa beeniyey Quraanka waana sasabi iyagoon ogeyn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana sugi tan iyo muddo, Maamulka Eebana waa xoog badan yahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNabiyow ma waxaad weydiisatay Gaalada Ujuuro oo markaas Cuslleeyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMise waxa maqan yaa aktooda yaal ooy wax ka qori.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKu samir Xukunka Eebe hana noqonin sidii Saaxiibkii Xuudka (Mallayga Yuunus) markuu naadiyey Eebihiis isaga oo walbahaarsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddan naxariista Eebe haleelin waxaa lagu tuuri lahaa Cidlo (bannaan) isagoo la dagaalay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaase doortay Eebihiis wuxuuna ka dhigay kuwa wanaagsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay u dhow yihiin kuwi gaaloobay inay daymada kugu lagdaan markay maqlaan Qur'aanka waxayna dhihi waa waalan yahay (Nabigu).
  1. Mahmud Muhammad AbduhQuraanka iyo Nabiguna waa uun waanada Caalamka.