الحاقة

Al-Haqqah

Suuradda 69 · Makki · 52 aayadood · Soo degidda: 78

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta Xaaqo (Qiyaamadu waa wax sugan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhXaaqo maxay tahay.
  1. Mahmud Muhammad Abduhinaadan aqoon ma laga yaabaa xaaqada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxa beeniyeen Reer «Thamuud» iyo «Caadba» Qiyaamada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhThamuudse waxaa lagu halligay Qaylo daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCaadna waxaa lagu halligay Dabayl daran oo qabow.
  1. Mahmud Muhammad Abduhoo lagu diray korkooda Toddoba habeen iyo Siddeed Maalmood oo iraacsan, waxaadna arkaysaa iyagoo daadsan ood mooddo jirrid Timir (dogob dhacay).
  1. Mahmud Muhammad Abduhwax ka hadhay miyaad aragtaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhFircoon iyo kuwii ka horreeyeyna waa jireen iyo kuwii gafsanaa ee la daba geddiyey (Nabi Luudh Qoomkiisi).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Caasiyeen rusushii Eebahood Markaasuu si daran u qabtay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay Biyihii xad dhaafeen (Waqtigii Nabi Nuux) waxaan idinku xambaarnay (Awoow yaalkiin) Doontii.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsi aan uga yeelno waano ay una xafiddo dhag wax maqasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka Suurka la afuufo hal mar.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhulka iyo Buurahana la xambaaro oo la burburiyo hal mar.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalintaasay Qiyaamadu dhacaysaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSamaduna Maalintaas way dillaaci wayna tabar yaraan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMalaa'igtuna Cirka gaararkiisa yey ahaan Maalintaas, Carshiga Eebana waxaa dadka korkiisa ku xambaari Maalintaas Siddeed Malag.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalintaasaa dadka loo soo bandhigi Eebe wax xagooda kaga qarsoonna ma jiro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise Kitaabkiisa midigta laga siiyo wuxuu dhihi (farax daraadiis) akhriya Kitaabkayga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan yaqiinsanaa (Adduunka) inaan la kulmi Xisaabtayda.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwuxuu ruuxaasi ku noolaan nolol laga raalli yahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna geli «Janno» sarreeysa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMidhaheeduna u dhaw yihiin (Ruuxa guran).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana lagu dhihi Cuna oo Caba idinkoo shifaysan Camalkaad hor marsateen ayaamihii tegay daraadiis (Adduunkii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise Kitaabkiisa laga siiyo Bidixda wuxuu dhahayaa Magacayba'ee maan la i siinin Kitaabkayga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXisaabtaydana maanan ogaanin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMagaacayba'ee maxaan u soo noolaaday.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXoolahaygi wax iima tarin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa lumay awooddaydii (iyo xujadaydii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa loo odhan qabta oo Gacmihiisa iyo luquntiisa isku xira.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNaarta Jahannamada geliya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaas geliya Silsilad Todobaatan dhudhun ah.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmaxaayeelay wuxuu ahaa kaan rumaynin Eebaha weyn.
  1. Mahmud Muhammad Abduhaana fari jirin in Masaakiinta wax la siiyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaanta (Qiyaamada) kuma leh Saaxiib.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCuunana kuma leh aan ahayn dhaacaanka «Ehlu Naarka».
  1. Mahmud Muhammad AbduhCunnadaasna ma cuno kuwa gafay waxaan ahayn (Gaalada).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dhaaran waxaad aragtaan (Makhluuqaad ah).
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyo waxaydaan arkayninba.
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Qur'aanku waa hadalkii Eebe uu u soo dhiibay Rasuul Sharaf leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadal gabayaana ma aha, wax yar yaadse rumaynaysaan (Xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadal wax sheegana ma aha wax yar yaadse waantoomaysaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Qur'aanku) wuxuu ka soo degay Eebaha Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadduu nagu been abuurto (Nabi Muxamed).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaanu ku qaban gacan adag.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaannu gooynaynaa Xididka Wadnaha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuux idinka mid ah oo naga eelinnna ma jiro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQur'aankuna waa waanada kuwa Eebe ka dhawrsada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ognahay inay idin ka mid yihiin kuwa beenin (Qur'aanka).
  1. Mahmud Muhammad AbduhQur'aanku waa qoomamada Gaalada (Maalinta Qiyaame).
  1. Mahmud Muhammad AbduhQur'aanka waa run dhab ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Nabiyow u tasbiixso Magaca Eebe ee weyn.