العاديات
Al-'Adiyat
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku dhaartay Fardaha Jahaadka u orda iyagoo qaylyi.
- Mahmud Muhammad Abduhiyo kuwa dabka Qoobkooda ku ifiya (guuraha).
- Mahmud Muhammad AbduhIyo kuwa Cadawga weerara Subaxdii.
- Mahmud Muhammad AbduhEe Boodhka kiciya.
- Mahmud Muhammad AbduhCadawgana dhexgala.
- Mahmud Muhammad AbduhEe Dadku Eebohood waa diideen.
- Mahmud Muhammad AbduhArrintaasna Dadku wuu ogyahay.
- Mahmud Muhammad AbduhDadkuna Xoola jacaylka waa ku daranyahay.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyuuna ogayn Marka Xabaalaha waxa ku jira la soo bixiyo.
- Mahmud Muhammad AbduhLaabaha waxa ku qarsoonna la muujiyo.
- Mahmud Muhammad AbduhIn Eebohood Maalintaas ogyahay.