القصص

Al-Qasas

Suuradda 28 · Makki · 88 aayadood · Soo degidda: 49

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ku Tusin Mucjisada Quraanka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasina waa Aayaadka Kitaabka (Quraanka) ee Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaannu kugu Akhrin Korkaaga Warkii (Nabi) Muuse iyo Fircoon si Xaq ah Qoomkii Rumayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhFircoon wuu Isku Kibriyey Dhulka (Masar) wuxuuna ka Yeelay Ehelkiisii Kooxo, Isagoo Yaraysan (Dullayn) Koox ka Mid ah Gawricina Wiilashooda oo Dayn Haweenkooda wuxuuna ka mid ahaa kuwa wax Fasaadiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaanu Dooni inaan ku Mannaysanno (Waxsiino) kuwii lagu Dullaysanayay Dhulka kana yeello Imaamyo, kana Yeello kuwa Dhaxli Dhulka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOon Makansiinno Dhulka, Tusinana Fircoon iyo Haamaan iyo Januuddooda waxay ka Digtoonaayeen (Halaagooda).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan u Waxyoonay ku (Ilhaamaynay) Muuse Hooyadiis Nuuji, markaad u Cabsatana ku Tuur Hirka (Badda) hana Cabsan hana Murugoon anagaa kugu soo Celine kana Yeeli kuwa la Diro (Rasuul).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Qaalay Fircoon Dadkiisii Isagoo u Noqon doona Col iyo Walbahaar, Fircoon iyo Haamaan iyo Colkoodiina waxay Ahaayeen kuwo Gefay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Tidhi Haweenaydii Fircoon waa Raaxada Ishayda iyo taada ee ha Dilina, waxay u Dhawdahay inuu ina Anfaco ama aan ka yeelanno Wiile, mana Oga Iyagu (Dhabta).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Ahaaday Qalbigii Muuse Hooyadiis mid Madhan waxayna u Dhawaatay inay Muujiso Haddaanaan Adkaynin Qalbigeeda inay ahaato Mu'miniinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ku Tidhi Walaashiis Raac, waxayna ka eegaysay Dhinac Fog, iyagoon ogayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka Reebnay Korkiisa Nuugmada Horay, waxayna Tidhi Gabadhii Maydin Tusiyaa Qoys idiin Dhaqaalayn una Samo Fali.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku soo Celinay Hooyadiis, si ay u Raaxaysato Isheedu una Murgin, Ogaatana in Yabooha Eebe Yahay Xaq Laakiin Dadka Badankiisu ma Oga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu Gaadhay (Nabi) muuse Xooggiisa oo Ekaaday Yaan siinay Xigmo iyo Cilmi, Saasaana ku abal Marinaa Sama Falayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Galay Magaaladii Waqti aan Dadkeedu ogayn, wuxuuna Helay Labo Nin oo Dagaallami, oo Kaasi Yahay Qaraabadiisa kaasna Yahay Colkiisa, waxaana u Kaalmo warsaday kii Qaraabadiisa ahaa Colkiisa (Korkiisa) wuuna Feedhay Muuse wuuna Dilay, wuxuuna Yidhi waa Camal Shaydaan, Isaguna waa Col Baadiyeeya oo Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Eebow Anigu waxaan Dulmiyey Naftayda ee ii Dambi Dhaaf wuuna u Dambi Dhaafay Illeen Ilaahay waa Dambi Dhaafe Naxariistee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi Eebow Nicmadaad ii Nicmaysay Darteed Yaanan Noqonin mid u Kaalmeeya Dambiilayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ku Waabariistay Magaaladii Isagoo Cabsan oo Sugi (Dhib) Markasuu ku soo Baxay kii Gargaarka Warsaday Shalay oo Qaylyi, wuxuuna ku yidhi Muuse Adugu waxaad tahay baadi cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu Doonay inuu Qabto (Wax yeelo) kii Colka u ahaana wuxuu yidhi (kii loo gargaarayey) Muusow ma waxaad dooni inaad I disho Sidaad u Dishay Naf (Kale) Shalay, ma Doonaysid waxaan Jabbaar (Kibir badane) ahayn Dhulka ku Noqoto, mana Doonaysid inaad Noqoto kuwa wax Wanaajiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka Yimid Magaalada Xageeda God Nin Ordi oo leh Muusow, Qoomku waxay ku Tashanayaan inay ku Dilaan ee Bax Anuguna waan kuu Naseexayne.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuuna ka Baxay (Magaaladii) Isagoo Cabsan oo Filan (waxyeello) wuxuuna yidhi Eebow iga Kori Qoomka Daalimiinta ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu U jahaystay madyan Xaggeedana wuxuu yidhi wuxuu u Dhawyahay Eebahay inuu igu (Hanuuniyo) jidka Toosan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu Gaadhay Biyaha Madyanna wuxuu ku Helay Ummad Dad ahoo Waraabinaysa wuxuuna ka helay Sokodooda Labo Haweena oo Reebi (Adhigooda) wuxuuna yidhi muxuu Xaalkiinu yahay, waxayna Dheheen Ma Waraabinno intay ka Fulaan Xoola jirku, Aabbahanana waa Oday Wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu u Waraabiyey wuxuuna u Jeedsaday Xagga Hooska wuxuuna Yidhi Eebow waxaad ii soo Dejiso (Isiiso) oo Khayra waan u Baahnahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasay u Timid Gabdhihii Middood Iyadoo Xishoon waxayna ku Tidhi Aabahay wuu kuu Yeedhi inuu kaa Abaal Mariyo Ujuuradii Waraabintaada Annaga, markuu u Yimid oos Uga Warramay Qisadii yuu ku yidhi ha Cabsan Waad ka Kortay Qoomkii Daalimiinta ahaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Tidhi Middood Aabbow noo Ijaar, Illeen waxaa u Khayr roon Cid la Ijaarto Mid Xoog Badan oo Aamin ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ku Yidhi Anugu waxaan dooni inaan kuu Guuriyo Labadaydan Gabdhood Middood inaan ku Ijaarto Siddeed Sano Haddaad Dhamayso Tobankana waa Adiga Agtaada, mana Doonayo inaan ku Dhibo waxaana igu Ogaan Hadduu Eebe Doono kuwa Wanaagsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi Kaasi waa Ballan Dhexdeenna ah, Labada muddo Kaan Dhammaystana dhib iguma aha, Eebana waxaan Sheegayno waa u Wakiil.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu Dhammeeyey (Nabi) Muuse Muddadii oo la Tegay Ehelkiisii wuxuu ku Arkay Dhinaca Dhuur Dab, wuxuuna ku Yidhi Ehelkiisii Suga waxaan Arkaa Dabe waxaan u Dhawahay inaan Idiinka Keeno War ama Dhuxul Daba inaad Kulaashaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu Yimidna waxaaa Looga Dhawaaqay Togga Dhiniciisa Midig, Meejii Barakaysnayd oo Geedka (Isagoo la Yidhi) Anugu Ilaahay Baan ahay Eebaha Caalamka ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Tuur Ushaada Markuu Arkay iyadoo Gilgilanna ood Mooddo Mas wuu Jeedsaday Isagpp Carari, mana soo Jeedan, (waxaana lagu Yidhi) Muusow soo Qaabil (soo Noqo), hana Cabsan Adugu Aaminbaad tahay (waad nabadgali).
  1. Mahmud Muhammad AbduhGali Gacantaada Jeebkaaga waxay so Bixi Iyadoo Cad Xumaan (cudur) La'aan, Iskuna Dhaji Garabkaaga Argagaxa Dartiis taasina waa Xujooyin Eebe ka ahaatay oo Fircoon iyo Qoomkiisa (Loo diray) waana Qoom Faasiqiina.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Eebow waxaan ka Dilay Naf waxaana ka Cabsan inay I dilaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWalaalkay Haaruunbaana iga Fasiixsan Carrabka (Hadalka), ee Ila Dir Xoojin ha ii Rumeeyee, waxaan ka Cabsan inay I beeniyaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu yidhi (Eebe) waannu ku Xoojin Cududdaada Walaalkaa waxaana idiin yeeli Xujo Idimana Gaadhayaan (Dhibkiinna) aayaadkanaga Dartood, Idinka iyo Inta idin Raacday yaana Adkaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu Ula Yimid muuse Aayaadkanaga oo Cad Cad waxay Dheheen kani waa Sixir la Abuurtay mana Aanaan ku maqal kan (oo kale) Aabbayaalkannagii horreeyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna yidhi Nabi Muuse Eebahaybaa og Cidda kala Timid Hanuun Agtiisa iyo Cidda kala Timid Hanuun Agtiisa iyo Cidday u ahaan Cidhibta dambe illeen ma Liibaano daalime.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Yidhi Fircoon Maxaxeey Idiinma Ogi Eebe Iga soo Hadhay ee ii Huri Haamaanow Dhoobada iina Yeel Daar (dheer) inaan Daalacdo Ilaaha Muuse waxaan u Malayn inuu Beenaale yahaye.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Isku Kibriyeen isaga iyo Colkiisiiba Dhulka Xaq Darro waxayna u Maleeyeen inaan Xagganaga loo soo Celinayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana Qabanay Isaga iyo Colkiisii waxaana ku Turray Badda ee Day Siday Noqotay Cidhibtii Daalimiinta.
  1. Mahmud Muhammad Abduhwaxaana ka Yeellay Madax ugu Yeedha Naarta, Maalinta Qiyaamana looma Gargaaro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Raacinay Adduunayadan Lacnad, Maalinta Qiyaamana waxay noqon kuwa la dheereeyey (La halaagay).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan Siinay (Nabi) Muuse Kitaabka ka Dib Intaan halaagnay Quruumihii hore, Isagoo Aragti u ah Dadka iyo Hanuun iyo Naxariis inay Xusuustaan Darteed.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaadan ahayn Dhinaca Galbeed ee Buurta markaan Sinnaynay Muuse Amarka «Nabinimada» mana aadan ahay Kuwii Joogay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhLaakiin waxaan ahaysiinay Quruumo waxaana ku dheeraday Cimrigii, mana aadan ahayn mid ku nagaa Ehelkii Madyan Adoo ku Akhrin Korkooda Aayaadkanaga Laakiin anagaa ku Dirray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana aadan ahayn Dhinicii (Buurta) Dhuur markaan u Dhawaaqnay Laakiin waa naxariista Eebahaa Inaad u Digto qoom uusan u Imaan Dige kaa Horreeyey inay Waantoobaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadday markay ku Dhacdo Musiibo (Dhib) waxay hormarsadeen Gacmahoodu Darteed oo Markaas ay Dhahaan Eebow Maxaad noogu soo Diri wayday Rasuul oo Raacno Aayaadkaaga Noqonnana Mu'miniinta «waa la Ciqaabi lahaa».
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu uga yimid Xaqii Xagganaga yey Dheheen maa la Siiyo wixii la Siiyey (Nabi) Muuse oo kale, miyeyna ka Gaaloobin wixii la Siyyey Muuse Horay, oyna Dhihin waa Labo Sixir oo Iskaalmaystay waxayna dheheen Annagu Dhammaan waan ka Gaalownay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa ka Keena Kitaab Xagga Eebe ka Hanuun badan Labadooda aan raacnee haddaad Run Sheegaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddayna ku Ajiibin (Maqlin) Ogow inay uun Raacayaan Hawadooda, wax ka Dhumid badanna ma jirto cid Raacday Hawadeeda Hanuun Eebe La'aantiis, Eebana ma Hanuuniyo Qoom Daalimiin ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhah ahaanbaan ugu Xidhiidhinay (ugu Caddayn) Hadalka inay Waantoobaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwaannu Siinay Kitaabka Hortiis way Rumayn isaga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka lagu Akhriyo Korkoodana waxay Dhahaan waan Rumaynay Quraanka inuu Xaq Eebaheen ka Yimid yahay Annaguna waxaan ahayn hortiis Muslimiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwaas waxaa la Siiyey Ajrigooda Labo mar Samirkoodii Dartiis, waxayna Raaciyaan Xumaanta Wanaag waxaan ku Arzugnayna waxbay ka Bixiyaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay Maqlaan hadal Macno Darrana way ka Jeedsadaan waxayna Dhahaan Annagu Camalkanaga yaan leenahay idinna Camalkiinna Waad Salaamantihiin ma Rabno Jaahiliin (Waddadooda).
  1. Mahmud Muhammad AbduhAdugu ma Hanuunisid Ciddaad Jeceshahay laakiin Eebaa Hanuuniya Cidduu Doono Isagaana Og kuwa Hanuunsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Dheheen Gaaladii (Maxaad) Haddaan Raacno Hanuunka waxaa Nalaga Dafi Dhulkannaga, Miyaanaan Siinin Xaram Aamina oo la Keeno Midhaha wax Kasta quudin Darteed oo Xagganaga ah, Laakiin Badankood ma Oga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBadanaa intaan Halaagnay Magaalo ku Kibirtay Nolasheeda waana Taas Guryahoodii lamana Degin Gadaashood wax yar mooyee, Anagaana ah kuwo Dhaxla (Hadha).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana aha Eebahaa mid Halaaga Magaalo intuu uga Bixiyo Tan Hooyada u ah «Caasimaadda» Rasuul ku Akhriya Korkooda Aayaadkanaga mana nihin kuwo Halaaga Magaalo aan Ehelkeedu Daalimiin ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWixii Laydin Siiyey oo Wax ah waa uun Raaxada Nolasha Dhaw iyo Quruxdeed waxase Eebe Agtiisa ah yaa Khayr Roon oo Hadhid badan ee Miyeydaan wax Kasayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxan u Yaboohnay Yabooh Fiican oo La Kulmi ma la Midbaa Ruuxaan ugu Raaxaynay Nolosha Dhaw markaas noqon Maalinta Qiyaame kuwa la Soo Joojin (La Cadaabi).
  1. Mahmud Muhammad AbduhXusuuso Maalinta Eebe u Yeedhi Gaalada oo ku Dhihi Aaway kuwaad ila Wadaajiseen ah kuwaad Sheeganayseen (Caabudayseen).
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwii waxay Dheheen uu ku Sugnaaday Hadalkii Eebe (Ciqaabtii) Eebow kuwaasu waa kuwaan Baadinyeynay, waana Baadiyeynay sidaan u Baadiyoownay waana isagakaa Baryeelay mana ahayn kuwo Anaga Nacaabuda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana loo Odhan Uyeedha Shurukadiinna markaasay u Yeedhaan mase Ajiibaan (Maqlaan) waxayna arkaan Cadaabka Markaasay Qoomamoodaan Hadday Hanuunilahaayeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXusuuso Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oos ku Odhan Eebe Maxaad ugu Jawaabteen Rasuulladii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasay ku Indho Beeshay korkooda Xujadii (Waayeen Xujo) Maalintaas, waxna Isma Warsadaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise Toobadkeena oo Rumeeya oo Fala Camal Fiican wuxuu u Dhawyahay inuu Noqdo kuwa Liibaanay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaa wuxuu Abuuraa wuxuu Doono oo Doorto, Doorasho ma Leh Iyagu (Dadku) waa ka Nasahanyahay Eebe waana ka Sarreeyaa waxay la Wadaajin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waa Ogyahay waxay qarin Laabtoodu iyo waxay Muujinba.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebana waa Ilaaha isaga mooyee aan Ilaah kale Jirin, Mahad buu mutaa Adduun iyo Aakhiraba, Xukunkana isagaa iska leh Xaggiisaana loo Noqon.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Habeen Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa Kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Nuur miyaydaan wax Maqlayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna Dhahdaa bal Warrama Hadduu ka Yeelo Eebe Korkiinna Maalin Joogta ah tan iyo Qiyaamada waa kee Eebaha ka soo Hadhay Ilaahay ee idiin keeni Habeen aad ku Xasishaan Dhexdiisa miyeydaan wax arkayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNaxariistiisa waxaa ka mid ah inuu idiin yeelay Habeen iyo Dharaarba inaad Xasishaan dhexdiisa Dalabtaanna Fadligiisa iyo inaad ku Shugridaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXusuuso Maalintaan u Yeedhayno Gaalada oo Eebe odhana Aaway Shurakadaydii ah kuwaad Sheeganayseen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka soo Siibnaa ummad kasta Markhaati waxaana ku nidhi keena Xujadiinna waxayna Ogaadaan in Xaqa Eebe Leeyahay waxaana ka Dhumay Xagooda waxay Been Abuuran Jireen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQaaruunna wuxuu ka mid ahaa qoomkii (Nabi) muuse, wuuna ku Kibray Korkooda, waxaana Siinay wax Furayaalkiisu ku Culustahay Koox Xoog badan, markay ku Dheheen qoomkiisii ha Farxin (Kibrin) Eebe ma Jeela kuwa Farxa «Kibree».
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuna doon waxa Eebe ku siiyey Guriga Aakhiro hana Halmaamin qaybtaada Adduunka Samana Fal sida Eebe kuugu Samo Falay hana La doonin Fasaad Dhulka, Eebe ma Jeela Fasaadiyaashee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Yidhi waxaa uun La ii siiyey Xoolaha Ogaanshahayga, Miyuusan ogayn in Eebe Halaagay Hortiis Quruumihii kuwo ka daran Xagiisa Xoogga kana Badan Kulan, lamana Warsado Dambigooda Dambiilayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu u soo Baxay Qoomkiisii isagoo Xarragoon waxayna Dheheen kuwa Dooni Nolosha Dhaw Shallaytee Hadaan leenahay waxa la siiyey Qaaruun oo kale waa Nasiib wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Dheheen kuwii la Siiyey Cilmiga Magaciinba'ee Abaal marinta Eebaa u Khayr roon Ciddii Rumaysa oo Fasha Camal fiican lamana Waafajiyo hadalkaas Saabiriinta Mooyee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan la Goynay Isagii iyo Xoolihiisiiba Dhulka mana Helin Koox uga Gargaarta Eebe ka Sokow, mana Noqonin mid Gargaarta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ahaadeen kuwii Doonayey Meejiisa Shalay inay Dhahaan. waa Yaabe Illeen Eebaa u Waasiciyey Rizqiga Cidduu Doono oo Addoomadiisa ah kuna Cidhiidhya, Hadduusan Eebe Nagu Galladaysan wuxuu nala Goynlahaa (Dhulka) waa Yaab ma Liibaanto Gaalo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasi waa Daartii Aakhiro waxaana u Yeelay kuwaan Doonayn isla Sarraynta (Kibirka) Dhulka iyo Fasaad, cidhibta (Fiicanna) waxaa leh kuwa Dhawrsada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCiddii la Timaadda Wanaag wuxuu Mudan wax ka khayr roon Ciddiise la Timaadda Xumaan lagama Abaal mariyo kuwa Xumaanta Sameeya, waxaan waxay faleen ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha kugu Faral yeelay Quraanka wuxuu kuu soo Celin Meejii Ballanka (Qiyaamada ama Maka), waxaad Dhahdaa Eebahaybaa og ruuxii la Yimid Hanuun iyo kan ku Sugan Baadi Cad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana Aadan ahayn mid Rajayn in lagugu soo dejiyo Kitaabka, Hasayeeshee waa Naxariista Eebahaa ee ha Noqonin mid u Kaalmeeya Gaalada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhYeyna kaa leexin Aayaadka Eebe intii lagugu soo Dejiyey ka Dib uguna Yeedh Xagga Eebahaa, hana ka mid noqonin Mushrikiinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHana Caabudin Eebe la Jirkiisa Ilaah kale Eebbe mooyee Ilaah (kalana) ma Jiro, wax kasta wuu Halaagsami (Tagi) Eebe mooyee Xukunkana Isagaa iska leh, Xaggiisaana laydiin Celin.