الطور
At-Tur
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad Abduh(Eebe wuxuu ku dhaartay) Dhuurisiina.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Kitaabka la dhigay,
- Mahmud Muhammad AbduhOo ku qoran warqado la fidiyay.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Gurigii cammirraa (Beytulmacmuur).
- Mahmud Muhammad AbduhIYo saanqaafka la koryeelay (cirka).
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Baddii la kululeeyay.
- Mahmud Muhammad AbduhEe caddibaadda Eebe waa wax dhici (sugan).
- Mahmud Muhammad Abduhwax celinna ma jiro.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay dhici caddibaaddaas Maalinta Samadu wareegi.
- Mahmud Muhammad AbduhBuuruhuna socon.
- Mahmud Muhammad AbduhHalaagna waxaa iska leh maalintaas kuwa xaqa beeniyay.
- Mahmud Muhammad AbduhEe ah kuwa tiimbashada xumaanta ku dhex ciyaari.
- Mahmud Muhammad AbduhMaalinta Naarta xoog loogu tuurina (waxa lagu dhihi).
- Mahmud Muhammad AbduhWaatan Naartii aad beenin jirteen.
- Mahmud Muhammad AbduhMa sixirbaa, mase waxbaydaan arkayn.
- Mahmud Muhammad AbduhGala, ama samra ama ha samrine, waa isugu kiin mid, waxaa uun laydinka abaalmarin waxaad camal falayseen.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa Eebe ka dhawrsaday waxay gali Jannooyin iyo Nicmo.
- Mahmud Muhammad AbduhIyaga oo ku raaxaysan waxa Eebe siiyay, Eebohoodna wuxuu ka dhawray caddibaadda Jaxiiimo.
- Mahmud Muhammad Abduh(Waxaana lagu dhihi) cuna oo cabba idinkoo shifaysan camalkiinnii dartiis.
- Mahmud Muhammad AbduhIdinkoo ku dangiiga Sariiro la safay, waxaanna (Eebe) u guurin Haween Janno (Xuuralcayn).
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa xaqa rumeeyay ee carurtooduna Iimaanka ka raacday waxaannu haleeshiin carruurtooda (Darajada iyo naxariista), camalkoodana waxba kama nusqaaminayno, Ruuxwalbana wuxuu kasbaday yuu u rahmanaan «u xidhnaani».
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaannu u badinnay faakiho iyo Hilib oo ah waxay jecelyihiin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna isku siin Jannada dhexdeeda (iyagoo sheekeysan) Weel (Macaan) kabuuxo, oon hadal xun iyo dambi midna lahayn.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u adeegi wiilal aad moodo Jawhar la dhawray.
- Mahmud Muhammad AbduhQaarkood (ehlu-Jannaha) yaa qaarka kale qaabila iyagoo wax is waydiin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna isu dheheen waxaan ahayn horay Adduunkii kuwo ehelkoodii dhexdiisa ku cabsada.
- Mahmud Muhammad AbduhEebaase nagu mannaystay (dambi dhaaf), wuxuuna naga dhawray caddibaadda Samuumka (Jahannama).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ahayn horay kuwo barya Eebe, Ilaahayna waa Baarrii naxariista.
- Mahmud Muhammad AbduhEe waani (Nabiyow dadka), nicmada darteed ma tihid wax sheege iyo waalane midnee.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxay dhihi waa gabayaa ee aan la sugno Geerida.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa suga anna waan idin la sugiye.
- Mahmud Muhammad AbduhMise caqligooda (xun) yaa saas faray, ma aha ee waa Qoom xadgudbay.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxaydhihi isagaa abuurtay (Quraanka) waxba ma ayan rumeynin.
- Mahmud Muhammad AbduhHa la yimaadeen hadal la mid ah hadday Run sheegi.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxaa la abuuray abuure la'aan, mise iyagaa abuuray (naftooda).
- Mahmud Muhammad AbduhMise iyagaa Samaawaadka iyo Dhulka abuuray, saas ma aha ee wax ma ayan yaqiininin.
- Mahmud Muhammad AbduhMise agtoodaa khayraadka Eebe yaallaa, Mise iyagaa xisaabin dadka.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxay leeyihiin Sallaan ay wax ku Dhageeystaan, ha la yimaado kooda wax dhaagaystay xujo cad.
- Mahmud Muhammad AbduhMise Eebaa Gabdho u sugnaaday idinkana wiilal.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxaad warsan Nabiyow ujuuro, oo markaas ku cuslaatay.
- Mahmud Muhammad AbduhMise waxa maqanbaa agtooda ah oo ay qoraan.
- Mahmud Muhammad AbduhMise Dhagar Bay Rabaan, kuwa gaaloobay iyagaa dhakran.
- Mahmud Muhammad AbduhMise Ilaah Eebe ka soo hadlay leeyhiin, Eebaa ka fog waxay la wadaajiyeen «Ilaah-nimada».
- Mahmud Muhammad AbduhHadday arkaan goosin ka mid ah Samada oo soo dhacaysa waxay odhan waa Daruuro is dulsaaran (madax adayg dartiis).
- Mahmud Muhammad AbduhEe iskaga tag Nabiyow intay kala kulmaan maalinta dhexdeeda lagu halaagi doono.
- Mahmud Muhammad AbduhMaalinta ayan dhagartoodu wax u taraynin wax u gargaarana uusan jirin.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa xad gudbay waxaa u sugnaaday caddibaad ka sokaysa (Qiyaamada), laakiin badankoodu ma oga.
- Mahmud Muhammad AbduhEe ku samir xukunka Eebahaa (Nabiyow) annagaa ku ilaalinaynee, kuna; tasbiixso oo ku mahadi Eebahaa markaad kici.
- Mahmud Muhammad AbduhHabeenka qaarkiisna tuko, iyo marka xiddiguhu jeedsadaan.