النجم
An-Najm
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ku dhaartay (Eebe) Xiddiggu markuu hoobto.
- Mahmud Muhammad AbduhEe saaxiibkiin (Nabigu) ma dhumin, xaqana kama leexan.
- Mahmud Muhammad AbduhKumana hadlo hawadiisa.
- Mahmud Muhammad Abduhquraankuna waxaan waxyi Eebe ahayn ma aha.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana wax baray (oo xagga Eebe ka soo gaadhsiiyay) ku xoog wayn, (Malaku Jibriil).
- Mahmud Muhammad AbduhEe caafimaad iyo quwaba leh, abuuriddiisuna egtahay.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu joogay jihadii sare (Jibriil).
- Mahmud Muhammad AbduhKaddibna u soo dhawaaday kuna soo hoobtay (Nabiga).
- Mahmud Muhammad AbduhIntuu uga jirsado Qaanso (xadhiggeed) ama ka dhaw.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna Eebe waxyooday Addoonkiisa (Nabiga) wuxuu u waxyooday.
- Mahmud Muhammad AbduhQalbiguna Ma beeniyo wuxuu arkay (Nabigu).
- Mahmud Muhammad AbduhEe ma idinkaa ka murmi «kana doodi» wuxuu arkay.
- Mahmud Muhammad AbduhDhabnimuu Nabigu u arkay Jibrill mar kale.
- Mahmud Muhammad AbduhSidratul-Muntaha agteeda.
- Mahmud Muhammad AbduhAgteedana waxaa ah Jannatul-ma'waa.
- Mahmud Muhammad Abduh(Wuxuu arkay) waqtiguu daboolayay Sidrada wax daboola.
- Mahmud Muhammad AbduhArragguna kama iilan wuxuu arkay (Nabigu) mana xadgudbin.
- Mahmud Muhammad AbduhDhabnimo yuuna u arkay (Nabigu) Aayado Eebe oo waawayn.
- Mahmud Muhammad AbduhKa warrama (Sanamyada) Laata iyo Cuza.
- Mahmud Muhammad AbduhIya Manaatadii saddexaad ee kale.
- Mahmud Muhammad AbduhIdinku ma waxaad leedihiin Lab Eebana Dhaddigga.
- Mahmud Muhammad AbduhTaasi waa qayb dulan ah.
- Mahmud Muhammad AbduhSanammaduna magacyo aad magacowdeen idinka iyo Aabayawgiin mooyeen wax kale ma aha, wax xuja ahna Eebe uma soo dajinin, waxaan mala ahaynna ma raacayaan iyo waxa naftoodu doonto, xagga Eebana waxaa uga yimid hanuun.
- Mahmud Muhammad AbduhMise dadka waxaa u sugnaaday waxay yididiishaan.
- Mahmud Muhammad AbduhAakhiro iyo Adduunba Eebaa iska leh.
- Mahmud Muhammad AbduhBadanaa Malag Samada ku sugan oon shafeecadiisu waxba anfacaynin in Eebe idmo mooyee, Cidduu la doono oo ka raalli noqdo.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa aan rumaynin Aakhiro waxay Malaa'igta ku magacaabi magac dhaddig.
- Mahmud Muhammad AbduhWax cilmi ahna uma laha, ee waxay raaci mala uun, malana xaqa wax kama taro.
- Mahmud Muhammad AbduhEe iskaga jeedso (nabiyow) Ruux ka tagay xukayga (Quraanka) oon doonin waxaan nolosha Adduunka ahayn.
- Mahmud Muhammad AbduhKaasina waa garaadkooda aqooneed intuu gaadhay, Eebana waa ogyahay cidda ka dhuntay jidkiisa, waana ogyahay cidda hanuunsan.
- Mahmud Muhammad AbduhSamaawaadka iyo Dhulka waxa ku sugan Eebaa iska leh, si uu uga abaalmariyo kuwa xumaanta falay camalkoodii, ugana abaalmariyo kuwii wanaagga falay wanaag.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana kuwa ka fogaada dambiga waawayn iyo xumaanta, wax yaryar mooyeen, Eebana waa waasac dambidhaafkiisu, wuuna idin ogyahay markuu idinka abuuray Dhulka iyo markaad ku asturantihiin uurka hooyadiin, ee Naftiinna ha ammaanina Eebaa og cidda dhawrsashada badane.
- Mahmud Muhammad AbduhKa warrama midka xaqa ka jeedsaday.
- Mahmud Muhammad AbduhOo wax ar bixiyay inta kalana reebtay.
- Mahmud Muhammad AbduhMa agtiisaa cilmiga maqan yaallaa oo wuu arkaa.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyaan looga warramin (dadka) wixii ku yiillay Kitaabkii (Nabi Muuse).
- Mahmud Muhammad AbduhIyo kii (Nabi Ibraahimkii) ee oofiyay (wixii lafaray).
- Mahmud Muhammad AbduhInaan nafna dambi naf kale qaadaynin.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxna wuxuusan camalfalin heleeynin.
- Mahmud Muhammad AbduhCamalkiisana la arki doono.
- Mahmud Muhammad AbduhKa dibna looga abaalmarin doono si buuxda.
- Mahmud Muhammad AbduhEebaa xaggiisana loo ahaan.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe waakan wax ka qosliya kana oohiya.
- Mahmud Muhammad AbduhIsagaana wax dila waxna nooleeya.
- Mahmud Muhammad AbduhIsagaana abuuray labada nooc ee ah lab iyo dhaddigba.
- Mahmud Muhammad AbduhKana ahaysiiyay dhibic soo baxday.
- Mahmud Muhammad AbduhIsagaana ahaysiin soo celinta kale.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe isagaa wax Hodmiya isagaana wax faqiiriya.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Eebaha xiddigga Shicra.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe isagaa halaagay Caadkii hore.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Thamuudba waxna kama reebin.
- Mahmud Muhammad Abduh(Nabi Nuux) Qoomkiisiina horuu (uhalaagay), waxayna ahaayeen kuwa dulmi badan oo xadgudub badan.
- Mahmud Muhammad AbduhQoomkii (Nabi Luudhna) wuu riday (Eebe).
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ka daboolay wuxuu ku daboolay (oo caddibaad ah).
- Mahmud Muhammad AbduhTeebaadse nicmooyinka Eebe shakinaysaan (kana doodaysaan) dadow.
- Mahmud Muhammad AbduhKan (Nabiga iyo Quraankuba) waa dige ka mid ah digayaashii hore.
- Mahmud Muhammad AbduhWayna dhawaatay Saacaddii Qiyaame.
- Mahmud Muhammad AbduhWax Eebe ka soo hadhay oo ogna ma jiro (markay dhici).
- Mahmud Muhammad AbduhMa quraankanaad la yaabantihiin.
- Mahmud Muhammad AbduhOod qoslaysaan (idinkoo beenin) oydaanna ooyeynin (cabsi darteed).
- Mahmud Muhammad AbduhIdinkoo waliba hilmaansan (islana wayn).
- Mahmud Muhammad AbduhEe dadow Eebe u sujuuda caabudana.