القمر

Al-Qamar

Suuradda 54 · Makki · 55 aayadood · Soo degidda: 37

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa dhawaatay Saacaddii (Qiyaame), dayixiina wuu dillaacay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadday Gaaladu arkaan Aayad way ka jeedsadaan waxayna dhahaan waa Sixir daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWay beeniyeen (Nabiga iyo xaqa) waxayna raaceen Hawadooda, amar kastana wuxuu leeyahay meel uu ku sugnaado.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ugu yimid dhab ahaan warar ku dheehan waano.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana Xigmad xeel dheer, maxaysa tari udigidi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe iskaga jeedso (sugna) Maalinta mid dhawaaqaa uu ugu yeedhi wax daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAragooduna wuu dullaysnaan waxayna ka soo bixi Qubuurahooda iyagood moodid Ayax faafay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyagoo u dagdagi dhawaaqaha xaggiisa, waxayna dhihi Gaaladu kani waa Maalin daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa beeniyay (xaqa) iyaga hortood (Nabi) Nuux Qoomkiisii, waxay beeniyeen Addonkanagii, waxayna dheheen wuu waalanyahay, waana la guulguulay, «oo la canaantay».
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebuuna tuugay inuu tabaryaryahay oo u gargaaro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaan ku furay Albaabbada Samada (Cirka) Biyo badanna ka keenay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhulkana Eebaa ka dillaaciyay ilo, wayna kulmeen biyihii amar la qadaray dartiis.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaanna ku xambaaray Nabi Nuux (Doon) Looxyo iyo Musbaarro leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuna socota illalintanada si loo abaalmariyo cidda Gaalowday.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan uga tagnay (yuu Eebe yidhi) Calaamad (lagu wantoobo) ee ma jirtaa cid wacdoomi (oo wax xusuusan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhSeese yahay Caddib Eebe iyo digiddiisu.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaan fududaynnay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCaadna way beenisay (xaqii), seese noqotay caddibaaddii Eebe iyo u digitiisii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dirray korkooda dabayl qabaw daran Maalin baasaysan dhexdeed oo Joogta ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo dadka siibaysa sida Timir gunteedii la rujiyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSeese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ufududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa beenisay (xaqii) loogu digay Thamuud.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dheheen ma Ruux dad ah oo naga mid ah yaan raacaynaa, markaas waxaan ku sugannahay baadi iyo dhibaato.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa isagoo na dhexjoogaa waxyi lagu soo dajiyay, saas ma aha ee waa beenbadane kibirlow ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWay ogaan doonaan barri cidda beenbadane kibirlow ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHashii Annagaa soo bixinnay Jirrabkooda dartiis, Ee sug kuna samir.
  1. Mahmud Muhammad AbduhUna warran in biyuhu yihiin qayb (iyaga iyo Hasha), cidbana maalin gaara leedahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay u dhawaaqeen saaxiibkood hashiina wuu dilay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSeese ahaa caddibaaddii Eebe iyo u digiddiisii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhawaaq kaliyaan ku siidaynay, waxayna la mid noqdeen jabad burburay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhQuraankana waan u fududaynay xusuus darteed ee ma jirtaa cid ku wacdoomi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWay beeniyeen Qoomkii (NabiLuudh) u digiddii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku dirray korkooda Dabayl Dhagaxyo wadaa, waxaanse ka nabadgalinnay (Luudh) ehelkiisii (rumeeyay) goor Aroor ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNicmad xaggannaga ka timid darteed saasaana u abaalmarinnaa ciddii mahadisa (Eebe).
  1. Mahmud Muhammad AbduhNabi-Luudh wuxuu uga digay qoomkiisii qabashadannada (daran), wayse shakiyeen digiddaas.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dooneen martidiisii (inay xumeeyaan) markaasaan indhaha tirray, waxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa ku waabariistay caddibaad sugan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana lagu yidhi dhadhamiya caddibaadda Eebe iyo digiddiisa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaan fududaynay Quraanka xusuus darteed ee ma jirtaa cid wacdoomi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhFircoon iyo ehelkiisii waxaa uyimid digid.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayna beeniyeen Aayaadkannagii dhammaanteed, markaasaan u qabannay si xoog iyo awood leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa Gaaladinnan baa ka khayr badan kuwaas mase dambi la'aanbaa idiin ku sugan Kutubta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMase waxay dhihi koox guulaysan yaanahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa la jabin kooxda, Dabadayna jeedin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaacadda (Qiyaame) yaa ballan u ah, Saacadduna iyadaa daran oo khadhaadh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa dambiilayaasha ah baadi iyo fogaansho yay ku suganyihiin.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Waxaana lagu dhihi) Maalinta Naarta WajiWaji loogu ridi dhadhamiya taabashada Saqara.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWax kasta waxaan ku abuurray qadar.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAmarkannaguna ma aha mid mooyeen sida Ilbidhiqsi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan baan u halaagnay kuwa idin la mid ah, ee wax waantoobi ma jiraa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWax kastoo dadku falo wuxuu ku suganyahay Kutubta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWax kastoo yar ama waynna waa qoranyahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMeel la fadhiisto oo xaq ah oo Eebaha awoodda leh agtiisa ah (yaa u sugnaatay).