المعارج

Al-Ma'arij

Suuradda 70 · Makki · 44 aayadood · Soo degidda: 79

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhMidbaa wuxuu Eebe warsaday in Caddibaad ku dhacda Gaalada (loo soo dedejiyo).
  1. Mahmud Muhammad AbduhCaddibaadaasna wax Gaalada ka Celin ma jiro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ka imaan Caddibaaddaasu Eebaha sarraynta iyo Sharafta u Saaxiiba.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Malaa'igta kale iyo Jibriilba u koraan Maalin qaddarkeedu dhan yahay Konton Kun oo Sano.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Nabiyow Samir Samir wanaagsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhGaaladu waxay Caddibaadda u arkaan inay fogtahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnaguna waxaan u aragnaa inay dhawrdahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCaddibaaddaasu waxay dhici Maalinta Cirku noqon bir la dhalaaliyey oo kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBuuruhuna ay noqon Suuf la tifay oo kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSokeeyana uusan sokeeye wax warsanaynin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayna is arkayaan, dambiiluhuna wuxuu jeelaan inuu iskaga furto Maalintaas Caddibaadeeda Caruurtiisa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaweenaydiisa, Walaalkiis.
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyo qaraabadiisii soo dhawaynayey.
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyo waxa Dhulka ku sugan dhammaan markaa uu nabad galo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee waxaa jirta Naar kulul (oo ay geli).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna siibi Galka (Madaxa iyo Jirka).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna u dhawaaqi dadka jeedsaday xaqana diiday.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXoolahana kulmiyey oo hayey (oon xaqa ku bixinin).
  1. Mahmud Muhammad AbduhDadka waa la abuuray iyaga oo Naf jaclaysi badan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddii dhib taabto wuu argagaxaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadduu khayr helana wuu reebaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka laga reebo Muslimiinta tukata.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ah kuwa Salaaddooda daa'ima.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa Xoolahoodana xaq la ogyahay ka bixiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSiiyana kuwa baryootama iyo kuwaan wax haysan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa rumeeya Maalinta Qiyaame (ee Abaal marinta).
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa ka Cabsaday, Caddibaadda Eebahood.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaxaa yeelay Caddibaadda Eebe wax ka Aamin ah ma jiro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa ka ilaaliya Xubinta (dhalmaha) sino.
  1. Mahmud Muhammad Abduh30 Waxa ka soo haray Xaaskooda ama ay hanteen, taasna laguma dagaalo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise doona wax gudubsan kuwaa waa mid xad gudbay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa waxa lagu aaminay iyo Ballankaba ilaaliya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa maraggooda si fiican u furay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa Salaaddooda xafida (dhawra).
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwaasi waxay geli Jannooyin lagu Sharrifo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaxaa u sugnaaday Gaalada oo ay xagga Nabiga u deg degi (iagoo beenin).
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyagoo midigta Nabiga iyo Bidixdiisaba Koox Koox u jooga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa wuxuu damci Ruux kasta oo ka mid ah in geliyo Jannatu Naciima.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee waxaan ka abuuray waxay ogyihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dhaaran Qorrax ka soo baxyada iyo Qorrax u dhacyada ee waan karraa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhInaan ku baddallo kuwa ka khayr badan, nagamana dheerayn karaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe iska dhaaf ha dhumbadeen eh (xumaanta) hana Ciyaareen intay kala kulmaan Maalintoodii Qiyame ee loogu gooddiyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta ay ka soo bixi Qubuuraha iyagoo deg degi ood mooddo inay u laxaadsan Calaamo loo taagay (xaggooda).
  1. Mahmud Muhammad AbduhAragooduna waa dullaysan yahay Maalintaas, waxaana ka muuqda oo dabooli dulli, Maalintaasuna waa Maalintii loogu yaboohay (Abaal marinteeda).