نوح

Nuh

Suuradda 71 · Makki · 28 aayadood · Soo degidda: 71

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa Nabi Nuux u dirray Qoomkiisii si uu ugu digo Caddibaadda horteed.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ku yidhi Qoomkayow waxaan idiin ahay dige Cad «oo muuqda»
  1. Mahmud Muhammad Abduhee Eebe Caabuda kana dhawrsada'anigana i adeeca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuu idiin dambi dhaafi wuuna idin dib dhigi ilaa muddo Magacaaban, marka Eebe la yimaaddo ajasha wax dib u dhigi ma jiro haddaad wax ogtihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNabi Nuux wuxuu yiri Eebbow waan u yeeray Qoomkaygii Habeen iyo dharaar.
  1. Mahmud Muhammad AbduhYeedhiddayduna uma siyaadinin waxaan caraar ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkasta oo aan u yeedhana si aad ugu dambi dhaafto waxay farahooda yeelaan dhagahooda, maryahoodana way isku dadaan, wayna ku Madax adaygaan xumaanta wayna is weyneeyaan.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsi kor ah yaan ugu yeedhay, «dadka dhexdiisa»
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana u qaylyey, hoosna waan ugu yeeray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku idhi Eebihiin dambi dhaaf weydiista waa dambi dhaaf badance.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCirkana Roob badan ha idinka keenee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHana idiin kordhiyo Xoolo iyo Wiilal iyo Beero hana idiin yeelo Wabi yaal.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaxaad leedihiin ood weynida Eebe uga cabsoon weydeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIsagoo idin abuuray idinkoo soo maray Xaalado kala duwan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaydaan arkaynin sida Eebe u Abuuray toddoba Samo oo isdulsaaran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDayaxana uga yeelay Dhexdooda Nuur, qorraxdana ka yeelay siraad.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe waa Kan idinka soo Bixiyay Dhulka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddana idinku Celin doona Dhexdiisa idinkana soo bixindoona.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe waa kan Idiinka yeelay Dhulka gogol.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSi aad ugu socotaan Dhexdiisa waddooyin waawayn.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Nabi) Nuux wuxuu yidhi Eebow way I caasiyeen waxayna Raaceen kuwo aan xoolohoodu iyo Carrurtoodu waxaan khasaara ahayn u kordhinaynin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhagar waynna way Dhakreen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay isu Dheheen ha ka tagina Ilaahyaalkiinna, hana ka Tagina wuddi iyo suwaax iyo yaguuth, iyo Yacuuq iyo Nasri.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Dhumiyeen dad Badan ee Eebow ha kordhinnin Daalimiinta waxaan baadi ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhGafkoodi Dartiis yaa loo Maansheeyay Naarna Loo Galiyey, mana helayaan Eebe ka soke gargaare,
  1. Mahmud Muhammad AbduhNuux wuxuu yidhi Eebow ha kaga tagin Dhulka korkiisa Gaalada Ruxna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaxaayeelay Hadaad kaga tagto waxay Dhumin Addomahaaga, mana dhalayaan waxaan gaal xun ahayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEeboow u dambi Dhaaf Aniga iyo waalidiintay iyo ruuxii gala gurigeyga isagoo Mu'min ah Raf iyo haweenba, hana u kordhinnin Daalimiinta waxaan halaag ahayn.