الجن

Al-Jinn

Suuradda 72 · Makki · 28 aayadood · Soo degidda: 40

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa (Nabiyow) waxaa lay waxyooday inay Dhagaysteen Koox Jinni ah (Quraanka) Dheheen waxaan maqallay quraan layaab leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo ku hanuunin xaqa waana Rumaynay waxaan Eebe cibaada la wadaajinhaynana ma jiro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Sarreeya sharafta Eebeheen, mana yeelan haweenay iyo ilmo midna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay Ahaayeen kuwannagii xumaa inay ku dhaheen hadallo xadgudug ah Eebe.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u Malaynaynay inuusan insi iyo Jini Midna Eebe ku beensheegaynin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ahaayeen kuwo insiga ka mid ah inay Magangalaan kuwo Jinniga ka mida markaasna u kordhiyeen kibir (iyo xad Gudub).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna jinnigu u maleeyeen sidaad u malayseen inaan Eebe soo Bixinhaynin Ruuxna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan Doonnay samada waxaana hellay iyadoo ka buuxda Ilaalin daran iyo danabyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ahayn kuwo Fadhiista xageeda meelo si aan wax uga dhagaysanno Ruuxiise Dhagaysta hadda wuxuu heli danabyo darban «la kulmi».
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana ogin inay tahay shar lala Doonay dadka Dhulka ku nool ama Eebohood la Doonay hanuun (iyo khayr).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa naga mid ah kuwo suuban iyo kuwo kaleba, waxaan nahay kooxa kala duwan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaanna Ognahay Inaannaan Eebe ku daalinkarin Dhulka Dhexdiisa, kuna Daalinhaynin Cararid.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaan Maqallay hanuunkana waan Rumaynay, Ruuxii rumeeya Eebihiisana kama yaabo Nusqaan iyo Dulmi Midna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa naga mida Muslimiin iyo Kuwo xadgudbay, Ruusiise islaama waa mid ku dadaalay hanuun.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwiise xadgudbay waxay ahaan Qoryaha Jahannamo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadday ku toosaan Dadku jidka (wanaagsan) waxaaan ka waraabinlahayn biyo badan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhImtixaan Dartiis, Ruuxii ka Jeedsada Xusidda Eebihiis wuxuu galin cadaab daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMasaajidda Eebaa iska leh ee ha kula baryina «caabudina» Eeb Cid kale.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkuu istaagay Addoonkii Eebe (Nabigu) isagoo Caabudi Eebe waxay Jinnigu u dhawaadeen inay korkiisa is dulfuulan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa Nabiyow waxaan uun Caabudi Eebahay lana wadaajinmahayo cidna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad dhahdaa idiin ma hanto shar iyo khayr midna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa cidna igama korinayso Eebe, mana helayo isaga ka sakow Magangalyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHase yeeshee waxaan hantaa Gaadhsiinta xaqa Eebe iyo Farriimihiisa, Ruuxiise Eebe Caasiya iyo Rasuulkiisa waxaa u sugnaaday Naarta Jahannama isagoo ku waari Dhexdeeda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay Gaaladu Arkaan waxa loo yaboohi waxay ogaan cidda Gargaarihiisu tabaryaryahay tirana yaryahay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaad Dhahdaa ma ogi inuu Dhawyahay waxa la idiinku Gooddin ama Eebahay waqti u yeeli.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaa og waxa Maqan, umana muujiyo waxaa maqan Ruuxna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka laga Reebo ciduu ka raalli Noqday oo Rasuulah, Isagoo hor iyo gadaalba ka ilaalin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSi Eebe u muujiyo inay Gaadhsiiyeen Farriimihii Eebohood, Eebana waa koobay waxa Agtooda ah wayna u tirakoobanyihiin wax walba.