المزمل
Al-Muzzammil
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad Abduh(Nabiga) Isduuduubayow.
- Mahmud Muhammad AbduhIstaag habeenka (Tuko) wax yar Mooyee.
- Mahmud Muhammad AbduhNuskiisa tuko ama ka nusqaami wax yar.
- Mahmud Muhammad AbduhAma ka badi, Quraanku u akhri si fiican.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa Kugu Dakin Hadal Culus (wayne).
- Mahmud Muhammad AbduhHabeenka Saacadihiisa (oo la tukado) yaa ku daran khushuucda Aadna u toosan.
- Mahmud Muhammad AbduhMaalintii waxaa kuu sugnaaday shaqa Dheer.
- Mahmud Muhammad AbduhMagaca Eebana xus cibaadadiisana u go'.
- Mahmud Muhammad AbduhQorrax ka soobax iyo u Dhaeba Eebaa iska leh, isaga Mooyee ilaah kalena ma jiro ee ka yeelo wakiil (la cuskado).
- Mahmud Muhammad Abduhkuna Samir waxay sheegi gaaladu, si Quruxsanna uga hijroo (iskaga tag).
- Mahmud Muhammad AbduhIsu kaanna daa aniga iyo kuwa Beeniyay xaqa ee Nicmaysan wax yarna Sug.
- Mahmud Muhammad AbduhAgtannada waxaa ah caddibaad iyo Naarta Jaxiimo.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo cunno lagu Margado iyo Cadaab daran.
- Mahmud Muhammad Abduh(waxay ku dhiei Arrintaasu) Maalinta Dhulka iyo Buuruhu Gilgilan, Buuruhuna ay noqon Tamuux socda.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa idiin dirray Rasuul markhaati ah, sidaan ugu dirray fircoonba Rasuul.
- Mahmud Muhammad AbduhFircoonna wuu Caasiyay Rasuulkii (Nabi Muuse). Firconna waxaan ku Qabannay qabasha Daran.
- Mahmud Muhammad AbduhEe seebaad Gaalloy uga dhawrsanaysaan Caddibaadda Maalinta qiyaame ee carruurta Cirroole ka Yeeli Hadaad Gaalawdaan.
- Mahmud Muhammad AbduhSamaduna Maalintaas Darteed ay la Dildillaaci Balaanqaadka Eebana waa wax Dhici.
- Mahmud Muhammad AbduhAayadahani Waa waano Ee Ruuxii Doona Eeba xaggiisa jid ha uga yeesho.
- Mahmud Muhammad AbduhEebahaa wuxuu ogyahay Nabiyow inaad tukatid wax ka yar habeenka saddex Meelood laba iyo Badhkiis iyo saddex meelood meel, iyo in koox ka mida kuwa kula jira ay tukato, Eebana waa u qadaranyahay Habeenka iyo Maalintuba, wuxuuna Ogyahay inaydaan Koobi karin, wuuna Idinka toobad aqbalay ee Akhriya wixii idiin Fududaada oo quraan ah, wuxuu Eebe ogyahay inay idin ka mid Noqon kuwa Buka iyo kuwo safri iyagoo dooni Khayrka Eebe iyo kuwo u dagaallami Jidka Eebe ee akhriya wixii idiin Fududaada oo Quraan ah, Salaaddana ooga Zakadana Bixiya Eebana wax wanaagsan daynsada Waxaad naftiinna u hormarsataan oo khayr ahna waxaad ka ogaandoontaan kana Heleysaan Eeba Agtiisa Isagoo khayr ah iyo Ajri wayn, ee Eebe Dambi dhaaf waydiista waa Dambi Dhaafe Naxariiste.