المدثر
Al-Muddaththir
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad Abduh(Nabiga) Isadadayow.
- Mahmud Muhammad AbduhIstaag oo dig.
- Mahmud Muhammad AbduhEebahaana waynee.
- Mahmud Muhammad AbduhDharkaagana daahiri.
- Mahmud Muhammad AbduhXumuuntana ka hijroo (iyo Sanamyada).
- Mahmud Muhammad AbduhHana ku mannaysan Adoo Badsan (waxaad Bixisay).
- Mahmud Muhammad AbduhEebahaa Dartiisna u Samir.
- Mahmud Muhammad AbduhMarka Suurka (yiaame) la Afuufo.
- Mahmud Muhammad AbduhMaalintaasu waa maalin ku Daran.
- Mahmud Muhammad AbduhGaalada oon u Fududayn.
- Mahmud Muhammad AbduhIsukaanna daa Aniga iyo kaan Abuuray isaga oo kaligiisa.
- Mahmud Muhammad AbduhUna yeelay Xoolo Badan.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Wilaal Jooga oo «Darban».
- Mahmud Muhammad AbduhAan una waasiciyay Risqiga.
- Mahmud Muhammad AbduhOo haddana sii damci inaan u Badiyo.
- Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha, ee kaas wuxuu diiday Aayaadkannaga.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ku kalligi (Ku Dhibi) Cadaab daran.
- Mahmud Muhammad AbduhGaalkaasu wuu Fikiray waxbuuna Goostay.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana loo Lacnaday Siduu wax u goostay.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddana waxaa loo Lacnaday siduu wax u goostay.
- Mahmud Muhammad AbduhKadib wuxuu eebay (si uu Quraanka u wax yeeleeyo).
- Mahmud Muhammad AbduhWuuna Waji Macbuusay oo Uruuriyay.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu jeedsaday oo is Kibriyay.
- Mahmud Muhammad AbduhIsagoo Dhihi quraankani ma aha waxaan sixir la soo Guuriyay ahayn.
- Mahmud Muhammad Abduhquraankani ma aha waxaan hadal Bashar ahayn.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaannu galin kaas (Naarta) saqara.
- Mahmud Muhammad AbduhMa taqaannaa Naarta Saqara.
- Mahmud Muhammad AbduhHilib iyo laf midna ma Reebto.
- Mahmud Muhammad Abduhwaxayna Doorisaa jidhka (oy Gubtaa).
- Mahmud Muhammad Abduhwaxaana kor jooga (ka shaqeeya) sagaal iyo toban malag (ama saf).
- Mahmud Muhammad AbduhUgama Aannaan yeelin naarta kuwa ka shaqeeya malaa'ig, tirana uma aannaan yeelin inay Gaaladu ku fidnoobaan Mooyeen, iyo inay yaqiin sadaan kuwa Kitaabka la siiyay, iyo inay kordhistaan kuwii xaqa Rumeeyay Iimaan, ayna shakiyiinna kuwii Kitaab- ka la siiyay iyo Mu'miniintu, iyo inay Dhahaan kuwa Qalbiga ka buka iyo Gaaladu Eebe muxuu uga Jeedaa Tusaalahan, saasaa Eebe u dhumiyaa Ruuxuu Doono, una Hanuuniyaa Ruuxuu Doono, wax og junuuda Eebe oon isaga Ahaynna ma jiro, waxaan la soo Sheegayna ma aha waano Dadka Mooyee.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa sugan dayaxa ku Dhaartaye.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Habeenku Markuu Jeedsado.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Subaxu markuu iftiimo.
- Mahmud Muhammad AbduhEe Naarta Saqara waa waxyaalaha waawayn Midkood (Balaayooyinka).
- Mahmud Muhammad AbduhWaana Digniinta Dadka.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxii Doona inuu Hormaro, iyo Ruuxii Doona inuu dib dhaco, (waa Loodigay).
- Mahmud Muhammad AbduhNaf walba waxay u xidhantahay waxay Camal fashay.
- Mahmud Muhammad AbduhHase yeeshee kuwa Midigta mari (Ehlu khayrka).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay gali Jannooyin, waxayna iswaydiin.
- Mahmud Muhammad AbduhDambiilayaasha.
- Mahmud Muhammad AbduhIyagoo ku dhihi Maxaa idin Galiyay Naarta saqara.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ugu Jawabi ka mid ma'aannaan ahayn kuwa Tukada.
- Mahmud Muhammad AbduhMana aannaan ahayn kuwa Quudiya Miskiinka.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ahayn kuwa la dhumbada kuwa xumaanta Dumban.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ahayn kuwa beeniya Maalinta Abaalmarinta (Qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhIlaa ay Dhabtu Nooga Timaado (Geeridu).
- Mahmud Muhammad AbduhMa anfacayso kuwaas Shafeecada kuwa Shafeeca.
- Mahmud Muhammad AbduhMaxaase u sugnaaday iy waanada uga Jeedsadaan.
- Mahmud Muhammad Abduhood u moodaa Dameero Diday.
- Mahmud Muhammad Abduhoo ka Cararay libaax.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddana wuxuu dooni midkasta oo ka mida warqado Qoran (kitaab).
- Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha Ee kama yaabayaan Aakhiro.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa sugan in Quraanku waana yahay.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxii Doona yaana waantoobi.
- Mahmud Muhammad AbduhMana Waantoobayaan in Eebe Doona Mooyee, Eebana wuxuu mutaa in laga Dhawrsado, wuxuuna Ehel u yahay inii Dambi Dhaafo.