القيامة

Al-Qiyamah

Suuradda 75 · Makki · 40 aayadood · Soo degidda: 31

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dharaan maalinta qiyaame.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dhaaran (oo kale) nafta Dagaasha (Saaxiibkeed) (Ee waa la idin soo bixin).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa wuxuu u maleeyay Dadku inaanaan kulminhaynin lafihiisa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee waan karraa inaan sinno (soona Celinno) Farihiisa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuse Dooni Dadku inay ka Gaaloobaan waxa ka horreeya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu waydiin waa Goorma Maalinta Qiyaame.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkase Araggu Wareero (Taagmo).
  1. Mahmud Muhammad AbduhDayuxuna Madoobaado.
  1. Mahmud Muhammad AbduhLana Kulmiyo Qorraxd iyo Dayaxa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Dhihi Dadku Maalintaas xagee loo cararaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee ma jiro wax la magan Galo (Eebe Mooyee).
  1. Mahmud Muhammad AbduhXagga Eebahaa yaana Maalintaas loo ahaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa looga warrami dadka Maalintaas wuxuu hormarsaday iyo wuxuu Dibmarsaday.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuux walbana Naftiisa isagaa ku maragfuri.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSi kasta Hadduu u cudurdaartana (wax uma tarto).
  1. Mahmud Muhammad AbduhHa Dhaqaajinin Nabiyow Carrabka inaad Quraanka ku Dagdagto (Akhriskiisa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa Laabtaada ku kulmin kuuna Akhriyi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Markaan akhrino Raac Akhriskiisa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaana isasaarray Cadaayntiisa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhsaas ma aha Ee waxaad Jeceshihiin Dadow tan soo Dagdagaysa (Adduunyada).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaadna ka tagaysaan aakhiro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWajiyaal Maalintaas way ifi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebeheedna way Eegi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWajiyaalna Maalintaas way kaduudsami.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna hubtaa in lugu fali Balaayo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee markay naftu gaadho Duunta (Waqtiga Geerida).
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo la Dhoho uaa ku tufi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo uu Yaqiinsado inuu Dhiman.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo labada Dhudhun isku marmaan (sakaraad Dartiis).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebahaa Xaggiisaa la aadi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMase Rumaynin Gaalku Xaqa mana tukannin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhLaakiin wuu Beeniyay wuuna Jeedsaday.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna aaday Ehelkiisii isagoo kibirsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaag Buuse Mutaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddana Halaagbuu Mutaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa wuxuu u maleeyay Dadku in looga tagi Bilaash (Dan la'aan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyuusan ahayn Dhibic mani ah oo la Dhibciyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaas Noqoto xinjir oo Eebe Abuuro Ekeeyana.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKana yeelo Labadii Nooc lab iyo Dhaddig.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha Saas kara miyuusan Awoodin inuu soo Nooleeyo wixii Dhintay.