الانسان
Al-Insan
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhDhab ahaan waxaa dadka soo maray waqti wax la sheego uusan ahayn (uusan jirin).
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa ka abuuray dadka dhibic isku Dheehan, Imtixaan Dartiis, waxaana ka yeellay wax maqle wax arka ah.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa Dadka tusinnay Jidka, waxayna Noqdeen mid Shukriya (mahadiya) iyo mid Gaalnimo Badan.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa u darabnay Gaalada silsilado iyo katinado iyo naarta Saciira.
- Mahmud Muhammad Abduhkuwa Baarriyiinta ah waxay ka cabbi weel Buuxa oo lagu Dheehay kaafuur.
- Mahmud Muhammad AbduhWaa il ay ka Cabbaan Addoomada Eebe, ayna ujiidaan say Doonaan,
- Mahmud Muhammad AbduhWayna oofiyaan Nadarka, waxayna ka yaabi maalin sharkeedu fidi (qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Quudiyaan iyagoo jecel miskiinka Agoonka iyo kan xabbisan (Dhibban).
- Mahmud Muhammad AbduhIyagoo Dhihi waxaan idiin quudinnay dar Eebe, mana idinka doonaynno Ahaalmarin iyo Mahadnaq Midna.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ka Yabaynaa Eebahanno Maalin (wajigu) doorsoomi oo Daran.
- Mahmud Muhammad AbduhEebana waa ka Dhawray sharka Maalintaas, wuxuuna siiyay nuur iyo Farax.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ku abaal Mariyay Samirkooda Dartiis jano iyo Xariir.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ku Dangiigsan Sariiro Sare, iyagoon ku arkayn qorrax iyo Dhaxan midna.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u dhaw hooska jannada, waxaana loo soo Raariciyay Midheheeda.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa lala kor socon weelal Fidla ah iyo Koobab Quruurado ah.
- Mahmud Muhammad AbduhQuruuradahaas oo fidla ah si fiicanna u Qiyaasan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana laga Waraabiyaa Ehlu jannaha Sharaab macaan oo lugu Dheehay sinjibiil.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana il lugu Magacaabo Salsabiil (ay ka cabbi).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana u ageegi wiilal waari, Haddaad Aragtana aad u malayn Jawhar la saydhay.
- Mahmud Muhammad AbduhHaddaad Aragto halkaas waxaad arki nicmo iyo sharaf wayn.
- Mahmud Muhammad AbduhDharkooduna (Ehlu Jannaha) waa xariir Jilicsan oo cagaaran iyo Xariir adagba, waxaana loo xidhi fidlo Gacmaha la Gashado, Eebana wuxuu ka waraabiyaa sharaab nadiifah.
- Mahmud Muhammad AbduhKaasi waa Abaalmarintiinii Falkiiniina wuxuu Noqday mid la Mahadiyay.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa Quraanka Nabiyow kugu soo Dajinnay.
- Mahmud Muhammad AbduhEe ku Samir Xukunka Eebe, hana Maqlin Dambiile iyo Gaalnima Badane (warkiis).
- Mahmud Muhammad AbduhXus magaca Eebe subax iyo Galabba.
- Mahmud Muhammad AbduhHabeenkana Eebe u sujuud, una tasbiixso Habeenkii (u tuko) waqti Dheer.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwaasi waxay Jecelyihiin tan soo Dagdagaysa (Adduunyada) waxay kaga Tagayaan Gadaashoodana Maalin Culus (Qiaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa Abuurray Dadka, Adkaynayna xubnohooda, Haddaan Doonnana waxaan ku Baddalaynaa kuwa la mid ah.
- Mahmud Muhammad AbduhSuuraddani waa waano, Ee Ruuxii Doona ha ka yeesho Eebe Xaggiisa waddo.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxna ma dooni kartaan in Eebe doona mooyee, Eebana waa wax walba oge falsan.
- Mahmud Muhammad AbduhWuxuu galiyaa naxariistiisa ruuxuu doono, daalimiintana wuxuu u darbay cadaab daran.