المرسلات

Al-Mursalat

Suuradda 77 · Makki · 50 aayadood · Soo degidda: 33

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dhaartay Dabaysha wanaaga lala Diro.
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyo Dabaysha sida daran u dhabata.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Dabaysha roobka kicisa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo malaa'igta Xaqa iyo Baadilka kala Bixisa.
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyo malaa'igta waxyiga soo Dajisa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSi Dadka loo waaniyo looguna digo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe waxa dadow Eebe ku Yaboohay wuu dhici.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkase xiddiguhu Nuurku ka tago.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo samadu Dildillaacdo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo Buuraha la Rujiyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo Rasuulladii la kulmiyo (iyo Dadkoodii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalion wayn oo loo Qabtay Darteed.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIn dadka la kala Bixiyo Dartiis.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta kala Bixinta ma Taqaannaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaag wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaannaan Halaagin Ummadihii hore.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddana Aannaan Raccinhaynin kuwii Dambe.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaasaana ku Falaynaa Dambiilayaasha.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaannaan Idinka Abuurin biyo tabar yar.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasna yeellay meel ilaashan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTan iyo Muddo la yaqaanno.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa wax Qaddarray, wax Qaddarana u Fiican.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaanaan ka yeelin Dhulka kafaalaqaade.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNolol iyo Geeriba.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana yeellay Dhulka Dhexdiisa buuro sugan oo waawayn, waxaana idinka Waraabinnay biyo macaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAada gaalooy cadaabkii xaggiisa aad Beenin Jirteen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAada hoos (Qiiba naarta) oo saddex madax ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOon hoosinayn, ololla (Kulaylna) wax ka tarayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Naartu tuuri Dhimbilo daran ood Mooddo daar.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAma aad Mooddo geel madaw ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasina waa maalin aynan hadlaynin Dadku.
  1. Mahmud Muhammad AbduhLamana idmo si Ay u cudurdaartaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u sugnaaday maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalintan waa maalintii kala Bixinta, Waana idin kulminnay idinka iyo kuwii Horreeyayba.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Haddaad wax Dhagrikartaan i Dhagra.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa Eebe ka Dhawrsada waxay ku sugnaan hoos iyo ilo;
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Waxayna Cuni) khudaartay Doonaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Lagu dhihi Cuna oo cabba Idinkoo shifaysan Camalkiinnii Dartiis.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSasaana ku abaalMarinaynaa kuwa wanaagga fala.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u Sugnaaday kuwa xaqa Beeniya.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Gaalada waxaa lagu Dhihi) Cuna oo Raaxaysta wax yar, waxaad tihiin Dambiilayaale;
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkii la yidhaahdo Gaalada tukada ma tukadaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa xaqa Beeniya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHadalkeebay Quraanka Dabadiis Rumaynhayaan.