النبإ

An-Naba

Suuradda 78 · Makki · 40 aayadood · Soo degidda: 80

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaxay iska waydiinayaan (Gaaladu).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWarkii waynaa xaggiisa (Qiyayaamada ama Quraanka).
  1. Mahmud Muhammad AbduhAy isku diiddanaayeen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee way ogaan donaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddana way ogaandoonaan (wa xa ka dhaca).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaannaan Dhulka gogol ka yeelin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBuurahana Rukummo (ka yeelin).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyannaan idinka Abuurina Noocyo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyannaan Hurdada Raaxo idiinka dhigin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaannaan Habeenka asturaal idiinka dhigin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaannaan Maalinta waqti shaqo idiinka dhigin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKorkiinna miyaannaan ka dhisin Tooddoba xoog leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaannaan dhexdeeda yeelin Sirraad aad u ifi (Qorraxda).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan idiinka soodajinnay daruuraha biyo badan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSi aan ugu soo bixinno Midho iyo Daaq.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Beero kulansan (badan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta kalabuxu waxay leedahay waqtu go'an.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaana Maalinta Suurka la afuufi ood u imanaysaan Kooxo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSamadana waa la furi waxayna yeelan Albaabo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBuurahana waa la kaxayn waxayna noqon Dhalanteed.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNaarta Jahannamana waxay u darbantahay.
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Gaalada) Xadgudbay meelay u noqdaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ku nagaan Dhexdeeda Sanooyin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana ku dhadhamiyaan dhexdeeda qabaw (ama Hurdo) ama Cabbid midna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ahayn biyo kulul iyo Dhacaanka (ehlu Naarka).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana lagu abaalmariyay si waafaqsan Camalkoodii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ahaayeen kuwa aan ka yaabaynin xisaab.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna beeniyeen Aayaadkannaga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWax walbana waxaan ku koobnay Kitaab.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe dhadhamiya Caddibaad Gaalooy waxaan caddibaad ahayn idiin kordhinmaynee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa Eebe ka dhawrsada waxay leeyihiin liibaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBeero iyo Cinabyana way heli.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna Guursan Haween da'yar oo isle eg.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna heli Cabbid wanaagsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhJannada kuma dhexmaqlaan hadal macna la'aan ah iyo is beenin midna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa abaalmarin Eebe uu siiyay oo ku filan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha Samada iyo Dhulka iyo waxa u dhexeeya waa Allaha Raxmaan ah, Hadal wax ku soocelinna ma jiro (Qiyaamada).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta Jibriil iyo Malaa'igtu Saf istaagi wax hadli ma jiro Ruux Eebe idmo mooyee oo Hadal xaq ah ku hadla.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalintaasi waa sugantahay ee Ruuxii doona Eebe xaggiisa meeluu ku noqdo ha ka samaysto.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaannu idiinka digaynaa Cadibaad dhaw Maalinta uu arki Ruux walba waxay Gacmihiisu hor marsadeen, Gaalkuna uu dhihi Shallaytadaydee maan Carro noqdo.