النازعات

An-Nazi'at

Suuradda 79 · Makki · 46 aayadood · Soo degidda: 81

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku dhaartay Malaa'igta Nafta si daran uga siibta (gaalada).
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo tan si fudud uga qaadda (mu'miniinta).
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Malaa'igta Hawada Dabbaalata (si amar fulin).
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo tan u orotanta wanaagga.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo kuwa Maamula amarka (Eebe).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta ay gilgilan afuufka (hore).
  1. Mahmud Muhammad AbduhOyna raaci tii dambe (waa sugantahay).
  1. Mahmud Muhammad AbduhQalbiyaduna Maalintaa way cabsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAraggeeduna wuu dullaysnaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna dhihi (Gaaladu) Ma raadkiibaa naloo celin (Adduunkii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaan noqonno Lafo duugoobay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay dheheen taasi waa noqosho khasaara ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa uun Hal Qaylo kaliya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDadkuna markaas ay Dhulka kor iman.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa ku soo gaadhay warkii (Nabi) Muuse.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkii Eebe uga yeedahy Toggii barakaysnaa ee Dhuwa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuna yidhi u tag Fircoon wuu xadgudbaye.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo ku dheh ma rabtaa inaad daahir noqotid.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOon Eebe Jidkiisa kugu hanuuniyo kana yaabtid.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna tusiyay (Nabi-Muuse) Aayad wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuuse beeniyay oo caasiyay (Fircoon).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuuna jeedsaday isagoo xumaan la socda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna kulmiyay (Askartii) una Qaylyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIsagoo dhihi waxaan ahay Eebihiinna sare.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasaa Eebe Ciqaabay Aakhiro iyo Adduunba.
  1. Mahmud Muhammad AbduhArrintaasna waano yaa ugu sugan Ruuxii Eebe ka yaabi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa idinkaa daran abuuridda masc Samada Eebaa dhisay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKorna yeelay jurmigeeda ekeeyayna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHabeenkeedana madoobeeyay Maalinteedana soo bixiyay (Ifiyay).
  1. Mahmud Muhammad AbduhDhulkana markaas ka dib fidiyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBiyahiisa iyo Daaqiisana soo bixiyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBuurahana sugay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSi aad idinka iyo Xoolihiinnu ugu nacfidaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay timaaddo Musiibadii waynayd (qiyaamadu).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalintaas Dadku way xusuusan waxay faleen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNaarta Jaxiimana waxaa loo muujin Ruuxii Arki.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise xadgudba.
  1. Mahmud Muhammad AbduhNolosha Adduunyana doorta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu ku dheelman Naarta Jaxiimo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise ka yaaba la kulanka Eebe Naftana ka reeba Hawada (xun).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu u dheelman Janno.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku waydiin Saacadda (Qiyaamaha) markay sugnaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaxaa ku ogaysiiyay waqtigeeda.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebe umbuu ku dhammaan ogaansheheedu.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAdugu waxaad tahay uun u digaha Ruuxii ka yaabi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay la mid noqon Malintay arkaan (Qiyaamada) yagon nagaanin Galab iyo Barqin mooyeen (Addunka).