عبس
'Abasa
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhWajiguu u uruuriyay oo jeedsaday (Nabigu).
- Mahmud Muhammad AbduhInuu u yimid kii Indhaha la'aa.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyaad ogtahay inay u dhawdahay inuu hanuuno oo Daahir noqdo.
- Mahmud Muhammad AbduhAma uu xusuusto oy xusuustu anfacdo.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise is deeqtoonaysiiya (islana waynaada).
- Mahmud Muhammad AbduhMa; Adaa u bambixi.
- Mahmud Muhammad AbduhMaxaa kaa saaran hadduusan hanuunin.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise kuu yimaadda isagoo dagdagi.
- Mahmud Muhammad AbduhOo Eeba ka yaabi.
- Mahmud Muhammad AbduhMiyaad ka shuqloomi.
- Mahmud Muhammad AbduhSaas ma; aha ee Aayadahani waa waano.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxii doonana wuu ku waana qaadan.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku sugantahay (waanadu) Kutub Sharaf leh.
- Mahmud Muhammad AbduhOo la kor yeelay lana Daahiriyay.
- Mahmud Muhammad AbduhOy Gacanta ku hayaan Malaa'ig (wax qorta).
- Mahmud Muhammad AbduhSharafna leh oo baarri ah.
- Mahmud Muhammad AbduhGaalo halla lacnado Gaalnima badanaa.
- Mahmud Muhammad AbduhMuxuu Eebe ka abuuray kuwaas.
- Mahmud Muhammad AbduhDhibicbuu ka abuuray wuuna ekeeyay.
- Mahmud Muhammad AbduhJidkana wuu u fudaydiyay.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkaasuu dilaa Qabrina ku Asturaa.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkuu doonana wuu soo bixin.
- Mahmud Muhammad AbduhSaas ma; aha (ee Dadku) wixii la faray ma yeelin.
- Mahmud Muhammad AbduhDadku ha fiiriyo Cuntadiisa.
- Mahmud Muhammad AbduhInaan Roob ku soo shubno.
- Mahmud Muhammad AbduhDhulkana markaas aan jeexno.
- Mahmud Muhammad AbduhKana soo bixinno Midho.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo cinab iyo Daaqa (Xoolaha)
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Zeytuun iyo Timir.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Beerow waawayn.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Faakiho (khudaar) iyo Daaq.
- Mahmud Muhammad AbduhSi aad ugu intifaacdaan idinka iyo xoolihiinnu.
- Mahmud Muhammad AbduhMarkay Qayladii darrayd timaaddo (Suurka).
- Mahmud Muhammad AbduhWaa maalinta Ruuxu ka carari Walaalkiis.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Hooyadiis Iyo Aabihiis.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Haweeneydiisii iyo Carruurtiisii.
- Mahmud Muhammad AbduhRuux walbana Maalintaas waxaa shuqlin xaalkiisa.
- Mahmud Muhammad AbduhWajiyaal Maalintaas way Nuuri (Farxi).
- Mahmud Muhammad AbduhWayna Qosli oy bishaaraysan.
- Mahmud Muhammad AbduhWajiyaalna Maalintaas waxaa ka muuqan Dulli.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana dabooli Madow (iyo naxdin).
- Mahmud Muhammad AbduhKuwaasina waa Gaalada Faasiqiinta ah (aadna u xun).