التكوير
At-Takwir
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhMarka qorraxda la duubo (Qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhXiddiguhuna daataan (iyagoo Madow).
- Mahmud Muhammad AbduhBuurahana la kexeeyo (La rujiyo).
- Mahmud Muhammad AbduhGeelii rimmanaana la halleeyo.
- Mahmud Muhammad AbduhDugaaggana la kulmiyo (Qisaas darteed).
- Mahmud Muhammad AbduhBadahana la kululeeyo.
- Mahmud Muhammad AbduhNaf walbana Jidhkeedii lammaaneeyo.
- Mahmud Muhammad AbduhGabdhihii la xabaalnololiyayna la warsado.
- Mahmud Muhammad AbduhMaxaa dambi ah oo loo dilay.
- Mahmud Muhammad AbduhKutubta (camalkana) la fidiyo.
- Mahmud Muhammad AbduhSamadana la rujiyo.
- Mahmud Muhammad AbduhNaarta Jaxiimana la huriyo.
- Mahmud Muhammad AbduhJannadana la dhaweeyo.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ogaan nafu waxay camal fashay.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dhaartay «huu Eebe yidhi» Xiddigaha Qarsooma (Maalintii).
- Mahmud Muhammad AbduhEe socda iftiinka Qorraxdana ku qarsooma.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Habecnku markuu jeedsado.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo subaxu markuu soo qaabilo.
- Mahmud Muhammad AbduhEe Quraanku waa hadalka Eebe, Soona raray Malag sharaf lah.
- Mahmud Muhammad AbduhXoogna leh Eeba agtiisana Daraja ku leh.
- Mahmud Muhammad AbduhLaguna addeeco halkaas aaminna ah.
- Mahmud Muhammad AbduhSaaxiibkiinna (Nabiguna) ma aha ku waalan.
- Mahmud Muhammad AbduhHoraybuuna ugn arkay Jibriil Jahadii Caddayd (Bariga Maka).
- Mahmud Muhammad AbduhNabiguna ma aha Ruux lugu shakiyo waxa Maqan.
- Mahmud Muhammad AbduhQaraankuna ma aha hadal shaydaan la fogeeyay.
- Mahmud Muhammad AbduhEe xaggeed Gaalooy aadaysaan.
- Mahmud Muhammad AbduhQuraankuna waxaan waanada caalamka ahayn ina aha (waa waano).
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxii doona inuu toosnaado (yuuna u yahay).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxna ma dooni kartaan in Eebaha Caalamku doona mooyec.