الإنفطار

Al-Infitar

Suuradda 82 · Makki · 19 aayadood · Soo degidda: 82

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay Samadu Dildillaacdo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXiddiguhuna daataan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhBadahana laysku furo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXabaalahana la soo bixiyo (Dadkii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxay ogaan nafu waxay hor marsatay iyo waxay dibmarisay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhDadow maxaa kugu kadiyay Eebahaaga sharafta leh.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe kii ku abuuray ah kuna ekeeyay kuna simay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSiduu doonana kuu sameeyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee waxaad beeninaysaan abaal marinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMalaa'ig baana idin ilaalinaysa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo sharaf leh waxna qori.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOgna waxaad falaysaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa wanaagsani waxay gali Naciima.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa xun Xunna waxay gali Jaxiimo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWayna ku guban Maalinta abaalmarinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKamana maqnaadaan Naarta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta abaalmarinta ma taqaannaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaddana ma taqaannaa Maalinta abaalmarinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa Maalinta ayna u hanannin Nafna Naf kale waxba, Amarkana Maalintaas waxaa iska leh Eebe.