المطففين

Al-Mutaffifin

Suuradda 83 · Makki · 36 aayadood · Soo degidda: 86

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Halaag u sugnaaday kuwa xaqa nusqaamiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa kuwa markay miisina oofsada (dhammaystirta).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay u miisi ama u miisaamina ka nusqaamiya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyayna u malaynaynin kuwaasi in loo soo bixin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalin wayn darteed (Qiyaamada).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta Dadku u istaagi Eebaha Caalamka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee Camalka kuwa xun wuxuu ku Qoranyahay Sijiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa taqaannaa Sijiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa Kitaab calaamaysan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHalaagna wuxuu u sugnaaday Maalintaas kuwa beeniya (xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ah kuwa beeniya Maalinta abaal marinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana beeniya xaqa mid xad gudba oo dambiila ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka Quraanka lagu akhriyana yidhaahda waa warkii Dadkii hore.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma aha ee waxaa fuulay Qalbigooda (mirdhiyay) waxay kasbanjireen oo Dambi ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa sugan in Eebohood Maalintaas (Qiyaame) laga xijaabi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkaasna ay gali Jaxiimo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana loo odhan tani waa Naartaad ku beeninayseen Adduunka.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas xaalku ma aha ee Kitaabka iyo Camalka Dadka Wanaagsan wuxuu ku Quranyahay Cilliyiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhCilliyiin ma taqaannaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa Kitaab la Calaameeyay (oo Dadka fiican magaciisa lagu qoro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana Gacanta ku haya Malaa'ig Eebe u dhaw.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwa wanaagsan waxay gali Naciima (Janno).
  1. Mahmud Muhammad Abduh(Maalinta Qiyaamana) Sariiro yay ku dangiigsanaan oy wax ka daawan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWajigooda waanad ka garan Nicmada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana laga waraabin cabbid la dhawray (oo macaan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana lagu khatimaa Miski iyo udgoon, ee Arrintaas ha u tartameen Tartamayaashu.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana lagu dheehi Cabbitaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaa Il ay ka cabbaan kuwa Eebe u dhaw.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKuwii Dambaabay (Gaaloobay) waxay ahaayeen kuwa ku qosla kuwii xaqa rumeeyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHaday maraanna way xaqirijireen.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay Guryahoodii u noqdaanna (gaaladu) waxay noqonjireen iyagoo isla Wayn (oo raaxaysan).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarkay arkaan Mu'miniintana waxay dhahaan kuwaasi waa dhunsanyihiin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhLoomana dirin inay ilaaliyaan Mu'miniinta.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaalinta (qiyaame) kuwa rumeeyay xaqa waxay ku qosli gaalada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSariiro korkood yayna wax daawan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyaan laga abaalmarinnin Gaalada waxay falayeen. (waa laga abaalmariyay).