الإنشقاق

Al-Inshiqaq

Suuradda 84 · Makki · 25 aayadood · Soo degidda: 83

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka Samadu jeexjeexanto (qiyaamada).
  1. Mahmud Muhammad AbduhOy Eebe Addeecdo waana xaq addeeciddiisunee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka dhulka la fidiyo (qiyaamada).
  1. Mahmud Muhammad AbduhOo uu soo tuuro waxa ku hoos jira, kana madhnaado.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOos Eeba Addeeco waana xaq adeeciddaasina. (wuxuu la kulmi Ruuxwalba Camalkiisa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhDadow waxaad u dhibboon ood u camalfali xagga Eebe, waadna la kulmi.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuusiise Kitaabkiisa (fiican) Midigta laga siiyo (waa mu'minkee).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa la xisaabin xisaab fudud.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna ku noqon Ciddiisii (Jannada joogtay) isagoo faraxsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise Kitaabkiisa laga siiyo gadaashiisa (waa Dadka xune).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu u yeedhan Halaag.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna gali Naarta Saciira.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMaxaa yeelay Markuu dadkiisii dhexjoogay yuu kabirsanaa (Adduunkii).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuuna malaynhayay inuusan Eebe u soo noqonaynin (qiyaame).
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma ahee Eebe waa arkaa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan ku dhaartay «buu yidhi Eebe» Midabka Qorrax dhaca.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Habeenka iyo wuxuu qariyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Dayaxa markuu Nuurku buux Samo.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Dadkow waxaad koraysaan xaalado kala duwan/
  1. Mahmud Muhammad AbduhDadka maxaa u sugnaaday oy la rumaynwaayeen (xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMarka Quraanka lagu akhriyana ayna u sujuudaynin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma ahee kuwa Gaaloobay waxay beenin (xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebana waa ogyahay waxay qarsan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhUgu bishaaree caddibaad daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhHase yeeshee kuwa rumeeyay xaqa camalfiicanna falay waxay mudan Ajri aan go'aynin.