البروج
Al-Buruj
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku dhaartay Samada Xiddigaha leh (iyo Jidadkooda).
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Maalinta laysu yaboohay (qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Dadka joogsan Maalintaas iyo waxayaalaha iman Maalintaas.
- Mahmud Muhammad AbduhEe Lacnadi ha ku dhacdo kuwii Godka lahaa (Mu'miniinta lagu cadibo).
- Mahmud Muhammad AbduhEe ahaa Naar olal (iyo shidaal) leh.
- Mahmud Muhammad AbduhGaaladiina ay korfadiyeen Godka.
- Mahmud Muhammad Abduhiyagoo daawan waxa lagu fali Mu'miniinta «oo Jirrabaad ah».
- Mahmud Muhammad AbduhWaxay ku neceen Dadkaasna ma jiro oon ahayn inay rumeeyeen Eebaha adkaada ee la mahadiyo.
- Mahmud Muhammad AbduhEe leh Samada iyo Dhulka xukunkooda, Eebana wax walba wuu u jeedaa.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa Mu'miniinta Rag iyo Haweenba jirraba haddana aan tawbadkeenin waxay mudan Caddibaadda Jahannamo iyo caddibaad gubi.
- Mahmud Muhammad AbduhKuwa xaqa rumeeyey Camalfiicana falay waxay mudan Jannooyin ay dureeri dhexdeeda Wabiyaal, taasina waa liibaan wayn.
- Mahmud Muhammad AbduhQabashada Eebana (Ciqaabtiisu) way darantahay.
- Mahmud Muhammad AbduhEebe isagaa khalqiga ahaysiiyay soona celin.
- Mahmud Muhammad AbduhWaana dambidhaaf badane jecel (kuwa addeeca).
- Mahmud Muhammad AbduhCarshiga sharafta lahna isagaa iska leh.
- Mahmud Muhammad AbduhWuuna falaa wuxuu doono.
- Mahmud Muhammad AbduhMa ku soo gaadhay warkii Junuuddii (Gaaladii).
- Mahmud Muhammad AbduhFircoon iyo Thamuud.
- Mahmud Muhammad AbduhHase yeeshee kuwii Gaaloobay waxay ku suganyihiin beenin (xaqa).
- Mahmud Muhammad AbduhEebana waa koobay (kamana baxsadaan).
- Mahmud Muhammad AbduhWaase Quraan sharaf leh.
- Mahmud Muhammad AbduhOo ku Qoran Ioox la dhawray (looxulmaxfuudka).