الطارق
At-Tariq
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku dhaartay Samada iyo Xiddigga guura.
- Mahmud Muhammad AbduhMa taqaan Xiddigga guura.
- Mahmud Muhammad AbduhWaa Xiddig ifa.
- Mahmud Muhammad AbduhEe Nafwalba waxaa kor jooga ilaaliye (Malag).
- Mahmud Muhammad AbduhEe Dadku ha dayo waxa laga abuuray.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaa laga abuuray Biyo booda.
- Mahmud Muhammad AbduhKana soobaxa Dhabar iyo laab dhexdood.
- Mahmud Muhammad AbduhEebana waa karaa soo celinta Dadka (qiyaamada).
- Mahmud Muhammad AbduhMaalinta la imtixaani waxa (Laabta) ku qarsoon.
- Mahmud Muhammad AbduhDadkuna Xoog ma leh (Maalintaas) iyo wax u gargaaara midna.
- Mahmud Muhammad AbduhEebana wuxuu ku dhaartay Samada Roobka leh.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Dhulka jeexma (waxna ka soo baxo).
- Mahmud Muhammad AbduhEe Quraanku waa hadal wax kala bixiya (wanaagga iyo Xumaanta).
- Mahmud Muhammad AbduhCiyaarra ma aha (ee waa dhab).
- Mahmud Muhammad AbduhGaaladu waxbay dhakri.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnaguna waanu kaydi (Abaalmarin).
- Mahmud Muhammad AbduhEe u sug Gaalada wax yar.