الأعلى

Al-A'la

Suuradda 87 · Makki · 19 aayadood · Soo degidda: 8

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaynee Magaca Eebe ee Sarreeya.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha abuuray khalqiga ekeeyayna.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha wax walba qaddaray Jidkana tusiyey.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebaha soo bixiya Daaqa.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKana dhiga markaas ka dib caws ingagagan oo Madow.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaan kuu akhriyaynaa Quraanka halmaaminamaysid.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWuxuu Eebe doono mooyee, Eebana waa ogyahay waxa muuqda iyo waxa qarsoonba.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana kuu fududaynhaynaa Waddo fiican.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe wax waani (Nabiyow) markay wax tari waanadu.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaa waantoobi Ruuxa Eebe ka yaabee.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka fogaan waanada Ruuxa xune.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe ah mid gali Naar wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhOon kuna dhimanayn dhexdeeda kuna noolanayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana liibaanay Ruuxii Daahir noqda.
  1. Mahmud Muhammad Abduhmagaca Eebana Xusa, Salaaddana tukada.
  1. Mahmud Muhammad AbduhSaas ma'aha ee Dadku wuxuu doortay nolosha Adduunyo ee dhaw.
  1. Mahmud Muhammad AbduhAakhiraase khayr badan baaqina ah (hadhi).
  1. Mahmud Muhammad AbduhArrintaasuna waxay ku sugantahay Kutubtii hore.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKutubtii (Nabi) Ibraahim iyo (Nabi) Muuse.