الغاشية

Al-Ghashiyah

Suuradda 88 · Makki · 26 aayadood · Soo degidda: 68

Qoraalka
Tarjumaadaha

Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.

بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
  1. Mahmud Muhammad AbduhMa ku soo gadhay Qiyaamada warkeedii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWajiyaal Maalintaas way dullaysnaan.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna qaban Shaqo dhib ah.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna gali Naar kulul.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana laga waraabin il kulayl daran.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWax cunto ahna kama helaan oon ahayn cunno xun (oo wax dhibta).
  1. Mahmud Muhammad AbduhTaasoon waxna cayilinhaynin Gaajana wax ka taraynin.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWajiyaalna maalintaas way Nicmaysnaan (Waa mu'miniinta).
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxayna ka raalli noqotay camalkeedii.
  1. Mahmud Muhammad AbduhJanno sarana way gali.
  1. Mahmud Muhammad AbduhKumana maqasho Jannada hadal macna darro.
  1. Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ah dhexdeed il socota.
  1. Mahmud Muhammad Abduhiyo Sariiro la koryeelay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo koobab la hor dhigay (ehlu Jannaha).
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo Barkimooyin la safay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo gogol la fidiyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhMiyayna fiirinaynin sida Deela loo abuuray.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo sida Samada loo koryeelay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo sida Ruuraha loo taagay,
  1. Mahmud Muhammad AbduhIyo sida dhulka loo fidiyay.
  1. Mahmud Muhammad AbduhEe Waani dadka waxaad tahay waaniyee (Nabiyow).
  1. Mahmud Muhammad AbduhMana tihid mid xoog ku leh (qasab).
  1. Mahmud Muhammad AbduhHase yeeshee Ruuxii xaqa ka jeedsada oo Gaalooba (ku soo celi xaqa).
  1. Mahmud Muhammad AbduhEebana wuu caddibi Caddibaadda u wayn.
  1. Mahmud Muhammad AbduhXagganagayna u soo noqon (khalqigu).
  1. Mahmud Muhammad AbduhAnnagaana xisaabin.