الشمس
Ash-Shams
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku dhaartay Qorraxda iyo Barqinkeeda.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Dayuxu markuu Qorraxda raaco.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Maalintu markay ifiso.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Habeenku markuu daboolo (madoobaado).
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Samada iyo say u dhisantahay.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Dhulka iyo suu u fidsanyahay.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Nafta iyo sida Eebe u ekeeyay.
- Mahmud Muhammad AbduhUna tusiyay Jidka xun iyo ka Eebe kayaabiddaba.
- Mahmud Muhammad AbduhEe waxaa liibaanay Ruxii Naftiisa Daarhiriya.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana khasaaray Ruuxii Naftiisa xumaan dhex galiya.
- Mahmud Muhammad AbduhThamuud waxay beeniyeen (xaqii) kibir dartiis.
- Mahmud Muhammad AbduhMarku tagay koodi xumaa (si uu hasha u dilo).
- Mahmud Muhammad AbduhOo Rasuulkii Eebana ku yidhi, iska daaya Hasha Eebe iyo Cabbideeda.
- Mahmud Muhammad AbduhWayna beeniyeen Rasuulkii Hashiina way Dileen markaasaa Eebe si daran u caddibay Dambigooda dartiis.
- Mahmud Muhammad AbduhIsagoon Eebe ka yaabaynin cidhib (iyo wax yeello)