الليل
Al-Layl
Qoraalka
Tarjumaadaha
Taabo eray Carabi ah si aad u aragto akhriskiisa, qaabkiisa iyo xididkiisa.
بِسْمِ ٱللَّهِ ٱلرَّحْمَٰنِ ٱلرَّحِيمِ
- Mahmud Muhammad AbduhEebe wuxuu ku dhaartay Habeenku markuu wax qariyo.
- Mahmud Muhammad AbduhIyo markay Maalintu Muuqato (ifto).
- Mahmud Muhammad AbduhIyo Abuuridda Dadka Lab iyo dhaddigba.
- Mahmud Muhammad AbduhIn Camalkiinnu (dadow) kala duwanyahay.
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise bixiya (xuquuqda) Eebana ka dhawrsada.
- Mahmud Muhammad AbduhRumeeyana tii wanaaga badnayd (ciwal).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaanni u fududaynaa wanaagga (iyo Jidka fiican).
- Mahmud Muhammad AbduhRuuxiise ku bakhayla Xoolaha isna deeqtoonaysiiya «iskibriya».
- Mahmud Muhammad AbduhReeniyana Tii wanaaga badnayd (ciwal).
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaan u fududaynaa Jidka xun.
- Mahmud Muhammad AbduhXoolihiisuna wax uma taraan markuu halaagsamo.
- Mahmud Muhammad AbduhAnnagaa wax hanuuninna.
- Mahmud Muhammad AbduhAakhariyo Addunbana Annagaa iska leh.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxana idiinka digaynaa Naar kulayl daran.
- Mahmud Muhammad AbduhOosan galaynin Ruux xun mooyeen.
- Mahmud Muhammad AbduhOo xaqa beeniyay jeedsadayna.
- Mahmud Muhammad AbduhWaxaana ka fogaada (galidda naarta) Ruuxii Eeba ka dhawrsada.
- Mahmud Muhammad AbduhEe bixiya Xoolihiisa si uu u daahirnoqdo.
- Mahmud Muhammad AbduhRuux wax ugu nicmeeyayna oo abaalmarinna ma uusanjirin.
- Mahmud Muhammad AbduhEe Wuxuu u bixin dar Eebaha sareeya.
- Mahmud Muhammad AbduhWuuna raalli noqondoonaa Ruuxaasi.